Friday, February 2, 2018

Guurka iyo caado dhaqameedka somalida

Guurka iyo caado dhaqameedka somalida 
Guurku waa  heshiis  shari  ah oo ku qotoma  diinta ama dhaqanka
 Waana afgarad ka dhex dhaca  laba qof oo lab iyo dhedig ah   kuwaas oo ku heshiiya  in ay reer  yagleelaan ama ay dhistaan 
Guurku waa saldhiga taranka aadamaha  oo haduu guur jirin waa uu  dabargo'i lahaayeen dadku 
sikastooy ahaataba bulsho waxay ka unkuntaa  dhismaha qoyska  waxa sida la og yahayna dhidibada u aasa  guurka kalsooni dhex dhacda  labada qof ee isguursanaya  ama is fahan dhex mara  labada jinsi  ama labada shaqsiyeed   
Guud ahaan bulshooyinka caalamku waxa ay  ku kala duwan yihiin  dhaqamada iyo caadooyinka la xidhiidha  dhanka guurka  taas ood arkeyso wax yaabo badan oo lagu kala tagsan yahay  hadaba dadyowga somaliyeed waxa ay  leeyihiin caadooyin u  gaar ah oo cidana  lawadaagin 
dhamaan somalida dhexdeeda  cadooyinka waa ayka kasimanyihiin waloow ay jiraan kala duwanaansho  deegaan  kaasoo sababay    farqiyo   dhanka guurka ah  
hadaba waxa jira  guurar farabadan  iyo caadooyin kuwaas oo ka baxay saaxada nolosha  bulshada soomaalida 
waxaynu isku dayidoona in aynu si kooban  u sharaxno  guurka    iyo  caadooyinka  somalida



NOOCYADA  GUURKA SOOMAALIDA
Guurku waa noocyo badan yahay  midkastana  waxa uu wataa  caado soo jireen ahayd oo laga dhax lay   dadkii hore ee somalia ahaa   waxanad arkeysaa in ay   yihiin soomaalidu dad  dhaqan s facweyn lahaa  muddo badana   xoojinayey  dhaqanka se waxa maanta ka muuqda bulshadu    dhaqan ka guur iyo ka sii  fogaansho ay sabatay  ka imaanshaha    dhulkii dhankaqanku  yaalay  siada miigii waxana ka mid qaar dabar go'ay  iyo qaarkale oo sii dabar go'aya  waxana ka  mida  guurarkii  hore  ee soomaalida noocyadan
v  Geed-fadhiisi
v  Heerin
v Dhabar-garaac
v Xigsiisan
v  Dumaal
v Godob-reeb
v Xudun-xidh



 
Geed-fadhiisi
Geed-fadhiisigu  waa  habka  ugu  sareeya guurka soomaalida  waana guurka   ugu maamuuska badan     uguna sharafta badan  waxankamida  qaababka uu u dhaco  ama loo gudoomo inanta  laka guursanayo  qaabkan hoos ku xusan
marka hore doobku waxa uu   sahan u gali  jiray soona day dayi jiray   isaga  iyo dhalin yaro  kamida  beeshiisa  waxayna dhalinyaradaasi  ku taakuleen jireen  doobka  si uu usoo helo inan  tii ku habooneyd wiilka
inanta laguma deg degi jirin  oo way hubsan jireen in ay tahay  inan  gabadh gaari ah oon  baaliyo basritoona ahayn sidoo kale inantu  iyaduna  dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay  doobku    haduu ku qanco      inanta  waxa intaa ku xigtay     in reerka  ayaa loo sheegi jirey  inanta hablaayo  in loo so geed-fadhiisan doono  malinta caynkaas ah  reerka ay inantu ka  dhalatay  waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan   una  waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa   kaaso muhiim ka aha dhaqanka somalida  waxakaloo reerku diyaarin jireen sooryo  lagu cuno inta lagu jiro bixinta inanta 
hadaba inta ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay   kaftan iyo taarriikhada  hablihii hore ee  la  kala  guursaday  iyo guulihii ka  dhashay  ayaa lays dhaafsan jiray     intaa kadib waxa  madasha ka kici jiray    af hayeenka   martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey
Mantana muraadkayagu waa hablaayo ood  hebel siisaan oo nagula xididaan
markuu dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo yahay ama inanta bixinaysa  isguna waxa uu hadalaka  ku soo koobi jirey  sidan soo socota 
Idin siinay idin kula xididnay   hablaayo
marka intaa lays dhaafsado waxa loogu jawaabi jirey [idinka gudoonay] intaa kadib waxa gacanta isaari jirey wakiilada  ka kala socda  labada dhinac  sida caadada ah inantu kama soo qaybgali jirin    ama kama aysan  xaadiri jirin  geedka iyo madasha  lagubixinayo  sidoo kalena inanku kama hadli jirin   goobtaa
islamadasha waxa lakala qaadan jirey gabaati
Gabaatigu waxa uu ahaan jirey  faras shaabuug  kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo badan
hadaba waxa inanta bixin jirey inant  inta badan  aabeheed  oo ah ninka ay ka godo  arinta gabadhisa ama inantiisa  waxakaloo bixin jirey hadii lawaayo  ama sababo kale ku yimaadaan  awoowgeed oo ah  masuulka  labaad ee inantu ka godo ama bixin kara  wxakaloo soo raaca  adeerkeed  ama walaalkeed haduu qaan gaadh yahay  intaasiba waa ragga aasaaska u ah dumarka  ee bixinkara      waana  lagama marmaan 

     HEERIN   
   Heerinku waxa uu ka mid yahay  guurka soomaalida  ama caadooyinkii hore ee laga soo gaadhay  dumarkii hore  ee soomaalida ahaa
guurka heerinku waa guurka  inta ay gabadhi  reerkooda ka tagto  aysan   aabeheed bixin oo ay reer iska dul fadhiisanto  ooay tidhaa  waxaan ahay inan    heerin ah
waana guurka soo go a  dumarka  marka  la guursan  waayo  ama ay  gashaanti ay noqoto oo uu guurku ka raago  waxa kaloo kamida     in inant ay nin isaaqsatay  ama eegatay  ooy doonayso in ay guursato   sidaasina waa ay keeni jirtay
 waxa kamida qaababka uu u dhaco      guurkan 
in  ay  hablo   dhowr ahi  ka raago  guurku  ama ay noqdaan hablo  waaweyn   oo la danayn waayo   ka  dib  waxa ay gaan san  jireen  in ay isaga tagaan  deegaanka ay ku nool yihiin  oo ay tagaan deegano kale waxayna ahaayen  guurdoon  oo sida ay u socdaan ayaa reerka ka soo horbaxa ay iska fadhiisan jireen  iyagoon idan waydiisan
markaa waxa la odhan jirey waxa inoo soo galay hablo  heerin ah  waxan kala qaybasan jirey  ragga reerka jooga  oomarka  meel laga eego guurkani waa guur qasab  oo waxa jira  haddii aad soo saarto hablaha  xeerar adag  oo ay  soomaalidu ku dhaqmi jireen  waxana kaimd ahaa in  inant heerinka ah ee lasoo saaro ay tahay sharaf dhac  oo lagu xadgudbay sharafta qabiilka ay ka soo jeedo iyo sharafteeda  waxa kaloo  xeerarka soomalida kamid ahaa  inan ta lasoosaaro iyda oo heerin ah in  magteedii labixiyo  oo  50 halaad  la dhiibo   xeerarkani waxay ahaayeen qaar muhiim ah oo aan suurta gal ahayn in dhayal layskaga  daayo                                                           
xaalkuna waa uu adkaa  oo haday qabiil bixin waayaan waxa lagu  tala gali jirey dagaal   goobtana waxa ka dhici jirey  colaado horle 

   DHABAR-GARAAC

 Dhabar-garaacu waxa uu kamid yahay qaababkii loo ggursan jirey    gabdhihii soomaalidi hore 
guurkani   waa guur qasab ah oo waxaad arkeysa  sifooyinka xun ee uu leeyahay   waxana kamida qaabka uu udhaco
in  inani   ay nin ku tidhaa ima guusaneysid aniga oo  ku dayriso  guur uu waydiistay   ka dib marka uu xanaaqo waxa uu samaynayaa in iyda oo   adhi la joogta ama   ciyaarka ciyaareysa uu soo qabto isaga iyo dhalinyaro kale oo uu soo  kaxaystay   waxana  si garbaduub ah loo soo  kaxayn jirey  inanta oo hadii ay  diido in ay  laba dhangadood  gosha u galiyaan ayey qaadi jiren   waxa kale   lasmayn jirey  intaa ka   dib in inanta uu abeheed qasab ku bixiyo ileen waa la taybee

    XIGSIISAN
xigsiisanku waa nooc ka mida  guurarka soomaalida  ay caado dhaqameed ay u leedahay  oo laga soo gaadhay  dadkii hore  ee soomalida   ahaa
xigsiiisanku wuxuu imaada  marka   ay dhimato   gabadhii  uu  qabay nin  ka dib  waa marka uu reerku siiyo  inankii   isla reerkii  ayaa  layidhaa hebel wuu xigsiistay  inankale ayaa la siiyey
inta badan  waxa ninka lasiin jirey   marka ay ka dhimato gabadhiisi hore  ee uu qabay     inan ay walaal ahaayeen    marxuumadii  ka  dhimatay ninka 
inta badan  waxa  ay dhici jireen  marar dhowr ah   waxana ka mid ah
Gabadhu  ama marxuumadu ay ka tagay caruur  yar yar  oo loo gu  daneynayo     caruurta   iyo reerka
In  ninku ku cusub yahay guurka taasina waxa la siiya gabadh  kale  oo ubadasha tii ka dhimatay  taasina    waa ay keenta  xigsiinka

 ujeedooyinka  xigsiisanku waa   wax wanaagsan oo dhaqan ah  kaasoo  loogu danaynayo  caruurta   iyo reerka oo looga baqaayo  in ay dayacdo  hadii gabadh kale soo gasho   caruurtana si ku haboon u dhaqi weydo  caruurtii  rajoowdey   ee hooyadood ka baxday 
waa caado  aad u wanaagsan  waxayna ka mid tahay   dhaqameed waana guurarka sii dabar go'aya ee guurarka soomaalida 
   nin la odhan jirey samatar baxnaan oo xigsiisatay gabadh  markey ka dhimatay  tiisi hore  waxa  uu gocday  in ay san u dhigmi karin  tani gabadhiisi  hore  ee la odhan jirey  cibaado  waxana uu tiriyey  tixdan    waxase u soo jawaabay   nin  ay gabadh ay is xigeen oo ku leh waar  hab laha  ama gadadha  waa loo xil qariyaa ee u xil qari ankuba hablaha waxba kama sheegne 

caku dunida cuur  wada dhashaa       qaarba cayn  yahaye
caleemaha baxayaba darbaan            carun ku dheehnayne
yaa yidhi cibaadiyo  tanaa                   caano  wada  nuugay
waa tan jawaabtii
Ninkii qaawiyaa dumar  ku arag      qoonsimaad badan e
 Anagguba hablaha  waa  qabnaa    waana qarinaaye
 Qaylada maxaad  samataroow   kor ugu qaadaysa


     

  DUMAAL
 Dumaashu waxa ay ka mid  tahay  guurarka sii dabar go 'aya  ee ka dhexbaxay   bulshada dhexdeeda  waxana ka mid  tahay  caado dhaqmeed  laga soo gaadhay dadkii  hore ee soomaalida
 dumaashu waxa ay ahayd   marka walaalka uu  ka dhinto  ama  inadeerka  gabadh uu qabay  ood  guursato  adigu  ayaa la odhanaya    hebel waxa uu dumaalay  hablaayo  
dumaashu waxalogu danaynaya   caruurta  si ay u dayacmin oo aan  raaska uusan u soo gelin nin  caruurta waxba u ahayn  
dumarku  madumaalo qof  aysan dooneyn oo ay ka raali ahayn aysan ragganimadiisa geesinimadiisa ay hubin  wuxuu yidhi nin abwaan  ahi isaga  oo kahadlaya arintaa  waxa uu yidhi sidan 
ΓΌ Madumalo  naagaha  ninkay     nolol ku dayrshaane ;
abwaan  salebaan carrabey


GODOB-REEB
Godob-reebku waa  nooc kamid ah   guurka soomaalida  ama siiyaabaha  laysku siiyo   hablaha
gudob-reeb ku wuxuu  dhacaa  marka dhiilo  ama dagaal ka  dhex  dhaco   laba beelood oo meel wada dagan 
marka  beeluhu    islaayaan  kalana gaadho dhiig  dadkuna kala kaad sadaan  isku socodkii colaada awgeed ayaa  odayaasha labada beelood ay iskugu iman jireen  geed hoostii si ay u  xaliyaan dhibaatada  ka taagan    bulshada ay ka soo jeedaan   iyo habkii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa   ayaa ay howsheda  galaan 
  garta waxa laysku haysto iydoo ay u gar  naqijireen  dadka baxsan  labadaba  waxa hubaal ah   in ay labada beelood ee colaadu ka dhexayso  samayn jireen  in guurtidu tidhaa  beelwalba  waa in ay soo saartaa  hablo dhowr ah
ka dib waxa lays waydaarsan jiray  oo lakala  guursan jirey 
halkaas ayaa labada reerna ku xididi jireen waxayna  noqon jireen   umad  aan kala maarmina oo abti  iyo inankii ku  ahaan jireen
 sidaasna waxa loo samayn jirey   in  ay nabadi ku dhalato   wayna ka dhalan jirtey

    XUDUN-XIDH
Xudun-xidhku waa nooc ka mida siyaabaha ay soomaalidu isku guursato  waana guur soo jireen ah oo  laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida ahaa  wana mid qiimo badan
xudun-xidh  ku waa marka inanta uu  aabeheed ku idhaahdo hebeloow  inankaaga  ayaan inantayda  ugu xudun xidhay oo macneheedu yahay  way is guursanayaan markey  weynaadan 
  hadaba guurka noocan ahi waxa uu dhicijirey  markey  laba qof  ama labada waalidi ay saaxiib isku dheer ahayeen ayaa ay inta badan  sidaa  samayn jireen si ay san u kala tagi  una kala fogaan
guurkani waa guur dhib badan oo aad u adag mataqaan inantu inanka ay guursanayso  raalina kama aha  mana wada hasaawin  maysan dooran iyadu waxa kaloo intaa lawadagaa inanka 
guurkan waxa lakala  gudoomay inantaiyo inanka oo yar ama uurka ku jiraan hadaba marka dhan laga eego noocan guurka ah ma 'aha mid fiican oo loo bogikaro


soo koobid   caadooyinkii hore ay samayn jireen dadkii  soomaalida ahaa xiliga guurka
KAALADA:   kaaladu waa  dhaqan ay leedahay soomaalidu  waana caado soo jireen aha  guurkana u ah wax muhiim ah
hadaba kaaladu  :ereyga sida kamuuqata   waa taakulayn   iyo wax tar   qof ubaahan in loo gargaaro micnihiisadhabta ahna waa gargaar
kaaladu waxa ay ahayd  in  inanka guursaday xoolo loo ururiyo   dadku siiyaan maal inta ay  karayaan  ayuu qof kastaba keeni jirey
waa waxa wanaagsan  in lacaawiyo dadka ama  qoyska cusud ee hadda la yegleelaayo  hadana waa ay ka xishoon jireen  dadku in ay guursadan iyga oo faramadhan   taasna waxa ka hadlay abwaan la odhan jirey  Xuseen Qasaal oo lahadalayey inan uu adeer u ahaa isada oo yidhi inan ayaan guursanayaa aniga oon xoolo faraha ku hayn abwaankiina waxauu  yidhi sidan
Nikay oori caydhihi siidii aarka          daba joogto
 Goortuu ayaamo ugalmoodo     aradku  hayn waaye
Inkastood asaag  kula midiyo       ayni kale raacdo
Waxaad iman ayaantuu tashigu   oodan kaa gale e         
 Adeerkaa rumaad  baan ahiyo    aabahoo kale e
Arintayda maqal  jeer danbaa      la arki doonaaye 
waxakaloo  lasheegaa in Abwaan  Cismaan Aadan  Dibi oo xoolihii ka  kala dhimeen ayaa abihii  waydiisanayey  geell uu ku daro xoolaha reerka loo geynayo waxana uu tiriyey tixdan hoos ku qoran
Aabow rag manidiisa                    waa madhacsamaadaaye
Aabow ma meermeeri karo        mayayna soo hoorye l
Aabow  hadaan laga makalin       maahirey dhaliye
Aabow mar qaliil iga madhwayn     ha igu maydiyayne
Aabow  marbaa igu  hadhaye        mawsinkii ridaye 
Aabow mar qudha waadan  arag     midab haldhaaleeye
Aabow midha faarax   iyo              madaxdii weeyaane
  
Yarad: yaradku waxa uu ahaa xoolaha  labixinaayo   marka  inanta lala soo wareegayo   
 Gabaati : gabaatigu waxa uu ahaa  xoolaha  lagu bixiyo   madasha   la fadhiyo  ee inanta lagu bixinayo
 hadaba yaradku waxa inta badan inanta  lagu jaangoyn jirey  yaradkii hooydeed laga bixiyey kaasoo inuu kabato mooyee inuu kayaraado ay adkaan jirtey
ninka waxa lagu qiimayn jirey ama lagu maamuusi jirey  inta uu ka bixiyey  xoolo inanta uu guursaday  xoolo  badan in aad bixiso waxay ay ahayd  mid uu ku faano hadhowna uu kula gorgortomo  ragga ka soo dooni doona hablihiisa

 waxaynu soo qaadan doona  tixyar uu leeyahay  cabdi bacaluul   oo intuu xoolo laxaad leh bixiyey  lagu soo  yidhi   soo kordhi waxan angu hablahayga  kumabixinee
Xoollaa laxaad leh ee waxkale     libin ma hooyaane
 Lixdan adhiya  iyo qaalibay           igaga laaleenee
Liil geliya  caawana  wixii                lagula laabmayo 
Hadaba waxahablaha lagu bixin jirey  xoole ahaan marka la eegayo waxau badanaa uguna qaalisanaa inana ku soo xero gelinaya  waa geell geelluna waa xoolaha ugu  qaalisan ee ay dhaqdaan dadka sooomalida  waxana cayna in hablaha  lagu bixin jirey geella tixdan uu leeyahay  Abwaan Salebaan carrabey 
wuxuuna yidhi sidan

Guurdoon haddaad   tahay      asaad geela bixinayso
Waa gaadan jirey  inan          ninkii goosan  karaayaa
Gabadh waliba waa hooyadeed  tay  ugurataaye
MEHER :
meherku waa xoolo aan reer iyo qoysna lahayn oo lasiinayo gabadha   waana xaq  ilaahay ugu waajibiyey ragga inay dumarka siiyaan  waxa  waana shardi  diineed oo hadii lawaayo uuna  ansaxayn   meherku
Meherku sidoo kale wuxuu lafdhabar  u yahay ka heshiinkiisu  fulida fulida guurka    iyo habi usocodka hanaqaadka   in la noqdo lamaane wadaaga nolosha
inkastoo lagu kalaa duwanaa deeganada  soomaalida  wax yaabaha lagu bixin jirey meherka  gabadha   inta badan caan ahaa  geella dayowga kale een haysanin  geellna waxa uu ahaa kolba waxa ugu qaalisan ee laga helo  ama laga  isticmaalo  deegaanka ay ku noolyihiin
DIIQQDA
Diiqadu waa xoolaha lasiiyo reerka cusub ama labada qof ee is guursaday ama labada qof ee lamaanaha     noqday
dhaqankan oo laga wada sinayen waa caado lagaga dhaqmo gobolada qaarkood
marka la bixiyo inanta  ayaa labada qoys ee xididay  ka balamiyi jireen  waqtiga aqal galka  kaas oo aan ka yaraan jirin muddo sanad ah  muddada  sanadka ah reerka laga guursaday  inaanta ayaa waxa ay sii diyaarin jireen  aqalkii aygali lahaayeen reerka cusubi oo dhamaystiran
MARIIN
Mariinku  waa  dhar  dahab ama  lacag adag   uu keeno wiilku  una keeno  inanta ama  aroosada
berigii hore waxa  ugu mihiimsanaa  oo mariin layskugu keeni jirey cunaabi  suuqad iyo muriyad  beryahan danbe ee magaalooyinka layimi waxa ugu qaalisan  dahab  lacag   wax mariin laysku siiyo
waxa laguda  galaa  intaa kadib in  arooska ladiyaariyo oo  lasameeyo madal laysku arko  lana oogsado mashxarada ciyaaraha  heesaha  gabayda geeraarada   buraan burada  iyo waxkastoo ka qaybqaadan kara   farxada waloow  maanta ay ka gedisan tahay   waxyaabahaynu   kor ku soo xusnay


GELBINTA  AROOSKA
 Marka aqalka ladiyaariyo  ayaa  arooska iyo aroosada  midba  dhinac laga soo galbin jirey iyadoo loo soo wado  madasha  ama aqalka  loo diyaariyey haduu yahay laba daryaale iyo  ganbisba midku doonaba hanoqdee  aqalka  loo  dhisay ayaa la keeni jirey   galbiskuna berigii hore  lugbuu ahaa
aroosada  dumarbaa soo galbin jirey  mushxarad iyo heeso  ugaar ah yaa ay u qaadijireen aroosada  iyaga oo daafaha kasocda   marka ugu danbeysana  waxay keeni jireen    aroosda  hoyga  iyada oo faraxsan  lagan adheenaayo  waji furan   
inta badan  waxa aroosada ay wadan jirtey  ilmayar  ama daadahayn jirtey  sidoo kale  waxa ay sidan  jirtey  dhiil caano ah   sidani waxa ay ahayd  filasho  iyo rajeyn wanaagsan oo looga jeedo caruur iyo xoolo badan
Ragguna
 ragguna  geestooda  ayaa ay  kasoo galbin jireen  arooska  ayaga oo  ku labisan   dhar   aad u bilicsan una badan   dharka hiddaha  iyo dhaqan kaynu u  lahayn   sitana   gaashaan iyo waran  marka layimaado  hoyga   arooska ayaa ciyaar lakala oogsan jirey  ragga iyo  dumarka   
waxakaloo jirtey in aroosada  lasoo raro  kahor ayaamaha  arooska oo lakeeni jirey  aqalka  cusub   hooygeedana waxa looga dhisi jirey  meel  ka yara durugsan raaska
HEESAHA    AROOSKA
 Marka  inanta  lasoo kaxeeyo ee  aqalka lasoo  galbinaaayo   aqalkeeda  waxay dumarku  uqaadaan  heesahan  kuna guubaabinayan
  gaarinimada  iyo isku filnaasha  ay reerkeeda  ku dhaqilahayd waxaana kamadh neyn ducooyin ay u du cayn jireen     una filaanjireen ubad iyo  xoolo badan walina  dhanka wiilasha ayey ubadin jireen

 waxana kamida kuwan hoos ku xusan
Gabadha soo gelbiyey
Gedo xariireey
 ninbey  jabaday
 jookh dheereey
Qacmo meel wadatooy
 Gabadha qaliifooy 
Wacayskii qoraye
Adigu qaadooy
Qaalmo meel wada tiyo
Gabadh qaliifooy
Wacays raagey
 lagaa reebyeey

Arooskeena aamiin
 umulo wiil leh aamiin
 Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
GAAF
 Gaafka waxa laga isticmaala gobolda qaarkood  oo loma  dhama waa meel la waageeray oo  lagu qurxiyey gogol  sharaxaad  kale oo lagu  soo gunaanado xaladihii iyo munaasibadihii socday  arooska  habeenkaas xeedhadii arooska   la keenaa  oolagu soo bandhigaa dadka  hortooda  is la habeen ka   waxa suga   habsami u socodka    madasha   iyo kala danbeynta hablahaasi waxay sitaan ulo ay  ku hagaajinayaan   kuna edbinayaan  qofka xumeeya  madasha
xeedhadu waa fujaan  ay ka buuxdo muqmad taasoo lagu dahaadhay  timir laga saaray  laftii lana xashay waxa ku qofilan dabaq iyo sati oo sidii gabadh caruusad ah ayaa loogu soo lebisaa waxna loo xidhaa maro  masar hilqado  katiinad boqor dhacleh  kabo intabadan waxa lagu xujeeyaa   ragga ka  soo jeeda   dhanka ninka arooska ah  dhalin yara  ayaa is ku dayda  in ay furaan se   ma gartaan    mana  fududa  sida lagu furo   xeerada  waxana fura qof aqoon dheerada u leh  dhaqan ka  kuna xeerdheer  hidaha  iyo dhaqanka 
furida waxa laga bilaabaa   hilqadaha katiinada  iyo masarka oo inta hoos loosocdo ugu danbeyntiina  waa laga wada siibaa  ilaa kabaheeda  qofkastana oo garan waayana  hablaha ayaa   ku karbaasha  ulo
madashani waa madal laysku xujeeyo  laykuna tijaabiyo maskaxaha  kala duwan ee binu aadamka  jirabkuna kama  maqna  waxa kaloo lasameeya   in lays waydiiyo    hal xidhaalayal    suaalo   dhankasta ah qofkii garan waayana waxa  xukumi jirey  maxkamad ay samaysteen   wardiyaasha  madasha   ama askarta meesha joogta  askartu maaha askartii caadiga ahayd ee aynu naqaanay waa  dhalinyaro madasha  jooga oo  dadka su aalaha waydiinaya 
madashani waa madal  ay isku  bartaan dhalinyarada arooska ka soo qaybgashay  taasina waxay fursad sii saa in ay samaysmaan  qoysas cusub   ku waas oo salka u sii adkeeya  jiritaan binu  aadam ka iyo tarankiisa 
xididaynta guurka
  xididaynta  guurku waa  waxa ay isku noqonayaan labada reer ee iska  guursaday  maraka laga hadlayo dhaqanka soomaaliga 
xididnimadu  waxa ay ka dhalataa  guurka    oo waxa lo odhanayaa labada  reeri waa  xidid  iygoo looga jeedo labda reeri inay
 waxbay kala qabaan  sidoo kale xidinimadu waxay dhalisaa in  lays ixtiraamo lays sharfo  lays maamuuso  qoysba qoyska kale
inanka arooska ah  abihii waxa uu unoqonaya   inanta lasoo guursaday soddog hooyadana waxay unoqonaysaa inanta aroosada ah  soddoh inanka arooska ah waxa u noqonayaa  inamada ay walaalaha  yihiin  inanta  seedi   hablahana  waxauu  unoqonayaa  dumaashi  hadaba haday sidaa isku dhex galeen  labada reeri waxana keensanaya dhaqankeena qaayaha badan    xidhiidh ku intaa kuma eeke waxa uu gaadha qabiilka oo dhan  oo waxa layidhaa  reerkaa  hablaynu ka qabnaaye wanaajiya


khilaafka  iyo sababaha keena  qoyska soomaaliga
khilaafku waa  wax iska caadiya  ooka dhex dhaca   dad meelkuwada nool waanu imankara  xili kasta saban kasta   ileen meel dad iskugu yimid lagama waayo  ismaan dhaafe wana ayka hor imankaraan lamaanuhu  soomaalidu way ku maahmaahan  iyagoo sheegaya  in uu khilaafku wax  dhicikara yahay sheegaya waxay dhahaan {carab iyo ilko ayaa isugu dhow  oo iyaguna way is qaniinaan }

 laakiin waxa nasiib dara ah  in la xalin ka riwaayo  khilaafka yimi
 xurguftu  waa ismaan dhaafka ugu yar ee dhex marta lamaanaha  iyo cidkastoo  khilaafka dhexeeyo
waxayaabaha  layskaga hor yimaado inta badan  ka  waxa ka midahaa   sida  loo dhaqaaayo reerka  ama dayac xumo ka muuqata xoolaha  iyo reerka waxana heerka  ugu sareeya kaga jiri jirey   marwooyinka loo yaqaan baalida ama basarida  
 waxa inta badan  muranku salka ku hayn jirey dayactirka reerka   xoolaha caruurta  odayga    marti galinta    iyo sooryenta culumada   waxana sida muujinaya  abwaan soomaliyeed oo kor iyo hoosba waxa ugu sheegay gabdhiisa laakiin ay  qaadan wayday oo kasiiqaday walaf   ilaa  ugu danbeyntiinamarkey dhagjalaq usiinwayday  soo bandhigay eenta  iyo ceebta ay leedahay gabadhiisan uu  qabaa   waxanuu ahaa  ninkii la odhan jirey maxamuud cali beenaale
wuxuuna yidhi
naagyahay  wadnaha kuuma gelin waanadii hore ee
weedhaan qalbiga kuugu ridey welefku kaa qaadye
 wacdigaan ku faray waadigaan wageree xaalaynee
 haddaan wayne kaa qaban  asaan waaxidkaa  celinnin
walaalinta ubadkaaga waa lagala  weecdaaye
kaa waayey wiilkaaga ood sidato  waa noole
waayeel cirro leh weedh xunwaa lagala  waabtaaye
  kaa waayey inaad  waalidkey waxu lilleysaaye
wehel culumo kama maarmi  anigoo weyne
kaa waayey inaad waysada weli u qaadaaye
dhallinyaro walaashayn haddaan waabka soo  geliyo
weylaalistaad ii dhigitiyo waalidiyo  gaadha
kaa waayey meel wacan inaad wagac ka siisaaye
xigta weehad laga soo lisiyo  weris dhanaankeeda 
kaa waayey inaad weel culan wax igu siisaaye   
wejigaa la maydhaa kolkay  waabberkii tahaye
ma widh widho jidhkaan lagu  wadeyn weelka dhaashiga e
kaa waayey weligey  inaan  waana kuu bogo e
 ALLE  ha unaxriiste abwaanku si qoto dheer ayuu u waaniyey  waxna ugu sheegay  qofta dumarka ah in ay dhinac yada uu tabanayo  ay sidan udhaanto
Abwaanada soomaaliyeed marna kama gaabin in  ay wax u  sheegan dumarka   una tilmaaman  dowga saxda ah  ee ay mari  lahayd iyo waxa ay kaqaban lahayd 
 nin aftahan   aanan magaciisa haynin  ayaa gabadhi guur ka  dalabtay  waxa uu ku lahaa isaga oo  u sheegaya wax uu  rabo in  samayn lahayd  haday  noqoto  afadiisa  wuxuu yidhi sidan   se ma ah gabay   waxaanka mid ahayd kalmadahan
                ninmishiiqsi badan baan ahee maydhasho hadaynin
                 kol haddaanad iga maarmin   idan ha moogaan
                tuurey  ganbadaadu leedahaye taabo madaxaaga
                habeenkii hurdada tiinbo towdhe waaberiga
                yuu adhigu kaa kala taginee  tiri baraarkaaga
xildhibaan ogow waxaan jeclahay   xaraf gobaadeede
xoolana  ogoow nimaan lahayn xagashu waa weyde
  hase ahaatee  arintu waxa  xurgufta xalin jirey  isla odayga  reerka  ahna ninka qaba gabadha  waloow ay ceeb ahayd oo ay dadku inta badan usan  u bixi jirin khilaafku dibada  laakin mararka ay xaaladu adkaato ayna lagama marmaan noqoto in  dadkale  xaliyaan ayaa odayaal loo saari jirey    arinta khilaafka waxaynaka koobnaan jireen  odayaal  ka socda dhanka inanta  iyo kuwo kale oo ka socda  inanka waxayna  goyn jireeen  garta oo ay siinjireen qof walba gartiisa  hadii intaa ay ku xalismi waydo  waxa  looga sii gudbijirey  go aan ya gaaran xeer beegtidu gu aankuna waxauu ku salaysnaan jirey  in ay sii wada joogayaan reerku iyo in ay ku kala tagayaan marwalna waxa laxeerin jirey  danaha reerka  iyo caruurta  
 Masayr  masayku  ama hinaasuhu waa nooc labaad oo ka  alkumo   khilaafka  qoysasku  waana ka ugu adag    ee ka dhex dhaca  lamaanaha  masayrku  waxa uu dhacaa  marka lala guursado gabadh  kale   taas oo ay ogalayn  in lala qabo  waxana inta badan lagu  xaliyaa inuu ninku iska daayo reerka kale ama uu siiyo xoolo looyaqaan  hinaasatir   

hadaba waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa tixo  gabayo ah oo kahadlaya guu r ka iyo kuwo  laguu sheegayo  laguuna tilmaamayo  gabadha aad guursan lahayd  sidoo kale quruxda  gabdhaha iyo sida ay u yaqaanaan  iyo talooyin guurka kusaabsan
abwaan  maxamed fidhin isagoo ka hadlaya wax yaabaha  lagu guursado gadadha waxa uu  yidhi  sidan hoos ku xusan
·         Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
markale abwaan maxamed   fidhin waxauu lee yahay waxan kuu dooray gabadhaa taana iska ilaali in ay  gasho gurigaaga sababo badan awgeed waxa uu kuu tilmamayaa inaadan waligaa ku noolaaneyn nolol nasasho leh  haday gabadhu diin lahayn waxba matarayaan reerka ay ka   dhalatay   haday geesiyaal yihiin  yacni   ubadka kuuma barbaariayaan    maalna waxbamataraayo hadayna diinlahayn  ayaa uu leeyahay abwaanku
Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
abwaankale oo soomaaliyeed  ayaa isna si fiican  u tilmaamaya quruxda  gadadha soomaaliyeed   iyo taad guursan lahayd hadaad guur  aad u hawooto   sifooyinka quruxda ay u yaqaaneen soomaalidii hore  markay qiimaynayaan   quruxda   gadadha waxana uu ahaa   abwaan maxamed nuur fadal
wuxuuna yidhi sidan 
 dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

 Abwaan Axmed Maxamed Cabdalle waxauu isaguna ku farayareystay  astaamaha lagadoonayo gabadha la guursanyo  iyo ninka guursanaya  dhankuu ka eegayo    iyo wax yaabuhuu ku xulnaayo waxaanu yidhi sidan hoos ku xusan

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

Aw yuusuf maxamed xirsi oo lahaa gabayga guur aan kala aado ayaa waxa uu dhaliilay gabdhaha sidan ay tahay astaamahoogu  kamidtahay  gaabnaan ta  iyo midaan xerada xoolaha hagaajin sida basarida iyo gabadh aan soo dhaweyn  odayaasha taasoon laga xusin geedka ay isku yimaadaan odayaashu ayna odhan hablaayo  uyeedha wax ha inoo qabatee ama wax haynoo karisee  hadayna intaa koobsan guur aan ka la aado ayaa uu leeyahay  abwaanku
Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
isla dumarkuna kama madhna dhankooga in ay astaameeyaan raga ay doonayaan in ay guursadaan  iyo sifooyinka y ku dooran lahaayeen  waxa aynu soo qaadan doonaa gabadh abwaanada oo ducaysaneysa allena waydiisanaysa  ninka ay robto waloow ay ku sar goysay   baahideeda dhanka diinta waana gabadha  ahna abwaanada Canab Guuleed Maxamed
waxayna tidhi sidan  hoos ku qoran
Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.

              DHAMAAD

Qabyaalad

Qabyaalada                 Qabyaalada   Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...