Tirsiga Soomaaliga
Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato
waxaan si kooban u soo bandhigi doonaa waqtiyada kala duwan ee soomaalida anoo farshaxan, qoraanimo ku muujin doona ,sidoo kale waxaan isku dayi doonaa inaan ku fahan siiyo , kaana siiyo aqoon taariikheed tersiga soomaaliga
Sanadka soomaaligu waxa uu ka kooban yahay 365 maalmood, sidoo kale biluhuna waa 12 bilood 7 cisho oo kastana waxa la yidhaa todobaad.
Sannad-taxane soomaalideenu malaha sanad-taxane oo ah sannado isdaba socda ama tirsi taariikheed joogta ah se waxay lahaayeen oo ay tirsan jireen sannado can ahaa oo soo mari jirey iyaga sida hebel wuxuu dhashay barwaaqadii biyo badanta ama abaartii daba dheer sidaas oo kale ayey u tirsan jireen laakiin may lahayn sannado is daba socda sida taariikhda miilaadiga iyo hijriyada midtoona sidoo kale caruurta waxa loo tirinjirey imisa gu ayuu jiraa waxa uu dhashay dayrtii shaanaad saasoo kalana waa loo tirsenjirey
Sidoo kale soomaalidu waxa ay leeyihiin oo ay tirsadaan afar xilli waxayna kala yihiin sidan soo socota
1. Guga
2. Dayrta
3. Xagaaga
4. Jilaalka
Gu’ga
gu’gu waa xili roobaadka uu da’o roobka ugu badan waana waqti barwaaqo ah, waxa dhala xoolaha sidoo kale waxa la qotaa beeraha si loo beerto dalagyo kala duwan, waxana uu ka kooban yahay saddex bilood (abril, may iyo juun).
Xagaa
Xagaagu waa waqti aad ukulul marka la eego goobaha qaab sida xeebaha oo xiligaa laga xagaa baxo.
Halkase goobaha qaar aanay lahayn kuleyl laga cabankaro.
Xagaagu wuxuu ku beegan yahay bilaha (julaay ogosto iyo sebtenbar).
Dayr
dayrtu waa waqtiga uu da’o roobku hasayeeshee waxa ka badan roobabka da’a gu’ga.
Waxayna ku beegantahay bilaha ( oktoober noofeenber iyo diisanber).
Jiilaal
xilliga jiilaalku waa waqtiga ugu kulul dhulka soomaalida, waana qalayl mana da’o wax roob ah waxyna ku beegantahay bilaha (jeeni-wari, feebar-wari iyo maaris).
Bilaha soomaaliga waxaan hooskeeni doonaa afarta xilli waana sidan:-
Gu’
1. Serma-weydo (30 cisho)
2. Cawl (31 cisho)
3. Dirir-sagaaleed (30 cisho)
Dayr
1. Dayr-holholeed (30 cisho)
2. Gudban (31 cisho)
3. Danbansane (30 cisho)
Xagaaga
1. Samaalaho (31 cisho)
2. Bil-karameed (30 cisho)
3. Waran-waare ( 31 cisho)
Jiilaal
1. Xays (30 cisho)
2. Todob (31 cisho)
3. Diraac (30 cisho)
Maalmaha afsoomaaliga ah iyaguna sidabay u dhiganyihiin:
1. Sooroga / Sabti
2. Koobin / Axad
3. Laamin / Isniin
4. Lamatako / Salaasa
5. Koodaar / Arbaca
6. Hakis / Khamiis
7. Hakis-bila / Jimce
Sidoo kale waxa jira waqtiyo kooban, sida maalinta qaybeheeda iyo habeenka qaybihiisa, soomaalidu waxa ay lahaayeen af garad ay waqtiga ku xisaabsan jireen maalinta iyo habeenka waxana ka mid ah kuwan soo socda:
Caano-maa: waa galin waana inta xoolaha lagaga maalo caanaha waana 12 saacadood.
Maalintu waxay u kala baxdaa:- galin hore iyo galin danbe.
Galinka hore waxa uu usii qaybsamaa:-
1. Arooryo
2. Barqo yar
3. Xigsiin
4. Barqo kulul
5. hadhsoo kor
6. Hadh gal.`HJKGL6
Galinka danbe waxa loo qaybiyaa:-
1. Duhur
2. Casar dheer
3. Casar gaaban.
Habeenkana isna waxa uu ukala baxaa:- galin hor iyo galin danbe.
Galinka hore ee habeenkii waa sidan:-
1. Fiid
2. Caweys
3. Saqdhexe.
Galinka danbe ee habeenkii waa sidan:-
1. saq dhexe
2. hiraab
3. jiidh
4. waabari
5. aroor hore.
Sidoo kale waxay soomaalidu utaqaana afgarad kale marka laga hadlayo ayaamaha laguna sheego sidan:-
1. Dorraad
2. Shalay
3. Maanta
4. Berri
5. Sahan danbe
6. Saakuun.
Hadaba waxa jirta in ay soomaalidu utaqaan magacyo gooniya xilliyada la socdaalo waxana kamida kuwan:-
Dheelmasho: Dheelmashadu waa marka lasocdaalo xilli kulul oo cadceedu soo jeedo sida duhurka oo kale.
Jarmaad: jarmaadku waa marka la socdo xilliga uu waagu soo baryayo ama aroorta hore.
Caraabe: caraabe waxa layidhaahdaa marka qof casarka dheer socdaalo, ayaa layidhahdaa hebel wuu caraabay
Guurayn: gureeyntu waa socodka la galo xilli ayna soo jeedin cadceedu oo waa habeenkii.
Cilmiga xiddigaha
Calimigan waa cilmi soo taxnaa ilaa bilowgii dunida , dadkuna waxa ay ku kala baran jireen xidigha iyo jihooyinka , sidoo kale waxa ay soomaalidu kamid ahayd qoomiyaha calanka u wada cilmiga xidigaha ka hor inteyna soo bixin ,qalabka lagu eego cirka , dadkuna ku koobnaayeen inta ay ishu aragto .
Xiddigiska
Ma jecleyn inaan ka hadlo mawduucan hadana way ka fursan weydey inaan laba erey ka idhaahdo.
Cilmiga lagaga hadlo xidigaha waa laba, midna waa xaran, midna waa uu banana yahay.
Waana sida qabiil iyo qabyaalad oo kale midna waa uu banana yahay midna waa mamnuuc,
Xidigiska waa ka aan banaaney, waxa uu ku sal leeyahay uu ku qotomaa hab faal ah oo laga faashanayo xidigaha oo la leeyahay hadii uu xidigaasi halkaa tago waxaasaa dhacaya, ama haddii la arko xigidigaa oo la fadhiya godkaa reerku ma guurayo mana hayaamayo oo waxa dhacaya dhib, ama haddii dagaal ay beeshu galayso waxa ay eegi jireen xidig hablaayo oo hadii xidig hablaayo uu la joogo dagaalka waynu ku guul daraysaneynaa. Ee dagaalami mayno.
Habkaasi waa habka aan banaaneyn kuna habooneyn shareecada islaamka iyo umad muslimiin ah ba
Markaa si daba raaci mayo waxay samayn jireen dadkeeni hore ee cilmi yaraantu haysey, laakiin waxan isku dayi doonaa inaan sheego qorana inyar oon wax ku jirin, sida godadka iyo meelaha dayuxu dago.
Goddadka dayaxa
Waxaynu halkan ku sheegi doonaa goddadka dayaxa iyo xiddigaha uu la fadhiisto inagoo ku sii xeel-dheeraneyn, siina galeyn, habka faalka iyo sida looga xidigisto ama looga faashado xidigaha iyo godadka dayaxa uu dago.
Goddadka dayaxu waa 28 god waxayna iskugu xidhanyihiin oo laysku raaciya todoba todoba, todoba kastaana waxa ay leeyihiin magac ay wadaagan oo loo yaqaan
Faraaci
(faraaci waxa laydku idhahdaa todobadan god ee hoos ku qoran)
1.Foocaar
2.Godan
3.God-xoor
4.Laxo
5.Lax-mar
6.Agaali-waranley
7.Agaali-caanood
Naafo
(naafo waxa laydku idhaahda todobadan god ee hoos ku xusan)
1.Afgaale
2.Naaf-cade
3.Naaf-madoobe
4.Tar
5.Kudxin-awr
6.Kudxin-cawo
7.Mijin
God-dirir
(god dirir waa todobadan god ee hoos ku qoran)
1.Babac
2.Bayaxow
3.Garbo
4.Gudban
5.Libcas
6.Madhan
7.Mareego-dheer
God-cirir
(god cirir waa todobadan god ee hoos ku qoran )
1.Jaruur
2.Jid-gabare
3.Jid-barbaar
4.Jid-dhiriqle
5.Jid-canbaar
6.Raab-hore
7.Raab-danbe
Waxaynu eegi doona xiddigo ay soomaalidu midkasta wax ku asteysan jireen, hayeeshee mana aamini doono kumna dhaqmidono umana soo gudbinayo in la tixraaco oo wax lagadayo, se aqoon ahaan iyo in ay soomaalidu mar ku dhaqmijireen ogaatana in sidaasina jirtey ayaa u jeedadeyda u weyni tahay ,
Waxaynu ka soo qaadan doonaa ilaa shan god
Naaf-madoobe: godkan soomaalidii hore waxay ka aaminsaneys qofka dhasha in uu yahay qof beel-daajiye ah ama hogaamiye ah in aad beeshada hogaamiye u noqotona waxay gashaa meelo kala duwan sida in aad dhanka afka aad hoogaamiye ku noqoto abwaanka xaafada, sidoo kale waxa iyaduna jirta inaad dhanka maamulka ka noqto hogaamiye, sidoo kale waxa jirta inaad madasha geedka ee garta ka noqoto hogaamiye gar yaqaan waaa ay badan yihiin waxyaabaha hogaamiye aad ka noqonkartid.
Naaf-cadde: godkan soomaalidihii hore waxay ka minsanayeen qofka dhasha in uu yahay qof aan la mahadin awlaad ama taran hanti ama xoolo midtoona yeenad.
Kodxin-Awr: waxa la odhan jirey qofka dhasha godkan meesiga ugu qalisan uguna qiimaha badani soomaalida dhexdeeda uma dhaqmo umana tarmo waana geellu.
Libcas : godkan soomaalidii hore waxa ay ka aaminsanaayeen qofka dhasha ama ku beegma in uu yahay qof hibo iyo cawo gooniya leh
Maraq-dhiigle: soomaalidi hore waxay tidhaahdaa godkan qofka dhasha waa qof dagaal badan oo faraha laga qaad ah kuna ah geesi fhnka dhagarta iyo dad dilka badanaana waxa dhasha dagaalada hogaamiya abaan duulayadha ciidamada iyo beelaha.
Laxo: laxo waa koox xiddiga ah, yaraantayadiina aanu cirka ka day dayi jirney habeenkii, waxana aanu waydiin jirney waalidkayaga, markaasey noo tilmaami jireen, na odhan jireen markey laxo dhacanbey, laxo dhashaan,
Waxaan filayaa in ay intaasi nagaga filan tahay gododka iyo wax yaabaha ay ka aminsanayeen, oo dhamaantood ku sal leh faal iyo cilmi shaydaan,
Waxaynu soo qaadaneynaa suugaan ka hadleysa xidigaha iyo godadka ,kuna soo hal qabsadeen abwaanada soomaaliyeed oo mujineysa cilmiga xidigiska in uu yahay cilmi dadku yaqaanay waxaana ka mida kuwan hoos aan ku xusay
fanaanka weyn ee soomaaliyeed ee lagu magacaabo cali diiriye (cali gaab) iyo fanaanada aan ka dhicin ee codka dahabiga leh ee saynab x-cali (baxsan) hesta ay kuwada luuqeeyaan ee la yidhaah (sabaalo) waxaka mida ereyo abwaanku ku muujineyo waxayna ku jira beydadka ay saynab qaadayso,
waa sidan:
Sanadka aynu joogno
Sideed urura weeyaan
Sodon dhacay dirkiisee
Saddex weeye ururkii
Tirro sagaaloo
Sukra wada fadhiistee
Faalkiiyo ishaartii
Lay siiyey xalaybaa
Suurtoobin waliyee
Sidey noqon alla ogee
Samir aynu lahaanoo
Abwaan xasan ganay isagoo muujinaya in uu faal shaydaan ku sal leeyahay
waxa uu lahaa sidan .
Fooxlaha faraaciga tarmiyo faal rogrogitaanka
Faruuryahaa runtii diidaye fidiya daacuunka
Fahan xumada shicibka heshiyo ficilkan yaakeenay ?
Abwaanka weyn ee soomaaliyeed abwaan san gub waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya sukhra sidan.
Sukhra xalay ma aragteen
Inay siyaaday nuurkii
Saakana cadceedii
Ma sinoo gantalaha
Ma badelatay saacii
Sirta dirirku naafaha
Malahelay sansaarada
Sodonkii Ayaan dhalad
Xiddigaha sideeda ah
Urur diiday saxalkii
Sinta ma isa saareen
Sebannayo jaliyeed
Ereygii saraaradu
Seermaweydo ma u rogay
Abwaankii weynaa waxa uu ee cabdi gahayr waxa uu yidhi isaguna isagoo ka sheekeynaya godka uu dhashay uguna faanaya dadka sidan.
Afagaale urur soo baxaan uur haween galayee
Hooyadeyna aar gudayey aragtay waagiiye
Sidoo kale waxaan soo qaadan doona tix yar oon idhi
Nabarka caashaqu
Igu noqoy naafkoo
Nasteexo ku sheegi
Naruuro ka heliwaa
Nasiibkeygaan sugi
Niyad sami ku dari
Mareeg-dheerta naagaha
Noolahana badisee
Cuudkana nuurisee
Lagu nagaan jirey
Kama saarin naftoo
Naawilkeedaa jira
Waxaan halkaa ku soo afmeeri doonaa cilmiga xidigiska iyo suugaantiisa badan oo aan halkan kuwada soo bandhigi Karin madaamoo abwaankastaa uu ka gabyi jirey, ahayd wax dhaqankeena ahaa oo markasta lagu socon jirey oo lagu dhaqmi jirey.
qoraa ahmed mouse
refence buugeyga hiddo koob qaybta tirsiga iiyo clmiga xidigiska
muse cali farur barnamij laga duubay muse cali faruur iyo qoraalo u sameeyey xasan sheekh muumin
Halkani waa barta gaarka ah ee qoraa Ahmed Muse.. Waxaan kusoo gudbiyaa, maclumaad aan isleeyahay dadkeyga, faa'ido ayaa ugu jirta iyo xogo ku saabsan qoraaladeyda,maqaladeyda iyo buugaagta aan qoray.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
-
Tirsiga Soomaaliga Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato ...
-
NABSI JACAVL!!! Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu ...
-
Agabka aqal soomaaliga Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka mida waxyaabaha lagu dhiso Waxa loo soohaa lo...
Qabyaalad
Qabyaalada Qabyaalada Qabyaaladu waa qasaare, erey qalafsan, quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...
No comments:
Post a Comment