HEESAHA HAANTA
Haantu waxa ay ka mid tahay agabka ama weelka lagu dhex
isticmaalo guriga waxana loo adeegsadaa in caanaha lagu lulo laguna
kaydiyo
Milayga ay barwaaqo jirto ay na da’een roobab arliga maansheeyey.
Hawlaha ay qabtaan haweenka somaliyeed waxa kamid ah in ay lulaan
caanaha kana soo saaraan subag
Marka ay caanaha lulayaan waxa ay isku maweeliyaan heeso waxana
kamid ah kuwan hoos ku qoran
Naayaa dhucdhuco dhabar yar
waagii dharaarowye
geellii dhabbaha qaadye
idihii dharaarsade e
odey dhagar qabii yimide
waa layna dhibayaaye
Sow ma soo dhanaanatid
Haantii gobeey haaha
gacantaydu kuma goosan
gacalkeygu ima siinin
waa gorof aan xooleeyey
oon guri ka soo qaaday
Haantii qabooy qoor yar
laba qaar laguu kala jar
laba qaalin kugu buubtey
geeljire ku qoraansay
Ma fayoobidoo ogiye
Fara kugu ma yaaliine
Hilaygiina lama furine
ma furkaa lagaa nuugay
Naa baayo beesheena
waa beelo ceebeede
yaan bilistii shirine
baayooy bulaay ii bax
Dirir oo dud oo joogso
reeraha mir oo mayrac
midigta kaga kaalay
oo murudna hawreebin
adigoo wal walaya
waa beriga ii kaalay
Halkani waa barta gaarka ah ee qoraa Ahmed Muse.. Waxaan kusoo gudbiyaa, maclumaad aan isleeyahay dadkeyga, faa'ido ayaa ugu jirta iyo xogo ku saabsan qoraaladeyda,maqaladeyda iyo buugaagta aan qoray.
Friday, January 26, 2018
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
-
Tirsiga Soomaaliga Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato ...
-
NABSI JACAVL!!! Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu ...
-
Agabka aqal soomaaliga Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka mida waxyaabaha lagu dhiso Waxa loo soohaa lo...
Qabyaalad
Qabyaalada Qabyaalada Qabyaaladu waa qasaare, erey qalafsan, quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjlP4ulvbBWVi1cp2Vc0T158rGgnbYrXbM2xKnm7IOympb5jAtr0EgPXzBO1JEEFbvXadwYGSB2-dXkuC5ZYbGuSPofZ25F2sSExYU_eJCPrvl1GlEesX3doT5-MJJSyIqjT4Ep046wv0w/s320/IMG_9637-2.jpg)
No comments:
Post a Comment