Thursday, February 21, 2019

Qabyaalad

Qabyaalada
 
 
 
 
 
 
 
 
Qabyaalada
 
Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo qoyskeena maha, isma qabanoo, qaladkaanu isku raacnaa, ma gayno qoomkan,  keenaa qaayo weyn ka qurux wacan idilkood .

Qabyaaladu waa  isku takoorka, nin jecleysiga iyo ku nacida qof qabiilku yahay kuna soo dhewysiga shaqsiga qabiilkiisa,

Qabyaaladu waa  mid idleysa ama cunta wanaagkasta oo lasameeyo,  waxayna tirtirtaa sheykastoo   samaan ahaa. 
Qabyaaladu waa dab iyo naar,  lagu shido wanaaga iyo wada noolaanshaha bulshada, qoomamka , qabiilada, jufooyinka iyo qarankaba ,  taas oo dhaxalsiisa,  is nacayb iyo colaad aan dhamaan.

 Qabyaaladu waa dhidibada xumaanta lagu aslo, xasadkana lagu adkeeyo  cuqdada iyo naxligana lagu beero,

Qabyaaladu waa qab iyo isla weyni ku qufulan qalbi qudcur gudey. 

Qabyaaladu waxay hoos u dhigtaa milgaha, horumarka iyo sharafta  bulshada ay soo dhex gasho. 
 
Qabyaaladu waxay dumisaa, qarankastooy gasho, waxay dhaawacdaa qalbikastooy taabato, sidoo kale waxay u quus goysaa wanaaga iyo cadaalada,  waxay iridaha ufurtaa dulmiga iyo xaq-duudsiga, sidoole waxay  horsocotaa, hagtaana colaad,  qax, utun joogta ah iyo aargoosi aan loo  abo yeelin,  dhibaato aan sahal ku dhamaan.

Sikastooy ahataba qabyaaladu  wanaag maleh  waxay dumiso mooyane,  abwaan soomaliyeedna wuxu yidhi isagoo ka hadlaya ineyna qabyaaladu dheef togan mooye lehayn  mid taban wuxuu  yidhi sidan........

Dugsi maleh qabyaaladi 
waxay dumiso mooyane 
        Abwaan timacade

Sidookale suugaan yahayn soomaliyeed wuxuu sheegaya, qabyaaladu iney tahay cudur, ku dhacay umadeena, sidookale wuxuu  inoo tilmaamaya, in qabyaladu tahay wax dhib mooyee wanaagba laga helin,   wuxuse kudaray in iyadu tahay waxa hoos inoo Dhigey, wuxuuna yidhi sidan. 

.....
Qurux iyo wanaag iyo Cabdow qaayo laga waayee 
Qasaaraha ay leedahay hadaan qodob ka faaleeyo 
Qudhun weeyi soomaalidii qoorta loo sudhayee 
Waa waxa labada qoobka xidhay tan iyo qaabiile 
Waa waxa kala qoqobay ee qoysba meel dhigaye 
Waa waxa qoxootiga badayee qiilay sharaftoode 
Waa waxa walaal qawrac yidhi qaybtii baad heliyee 
Qayrkeed waxay uga hadhay qoliyo reer reere 
            Hal-abuur Rudwaan Maajid
.........


Qabyaaladdu Cabdow waa dulmiye maaha qaab kale’e
Qabiilkaynu moodayno iyo ma’aha qoys qoyse
Qudhun iyo qashaabiir xun iyo waa qab iyo beene
Qush qush weeye cuduroo ku dhaca qoomkii jaahilahe
Qaafilnimo wax naannaabisiyo waa af kala qaade
Qaladaadka aadmigu galay qoorta dheerta haye
Denbi weeye qaraloo nafluhu qaaqda ka hayaaye
Waa quudhsi xaaraan ah oon qurub bannaaynee
Qiil uguma yaal diinta iyo aayadaa qorone
                                              Abwaan Maxamed Yuusuf X.Cabdi(Kayse)

Sidoo kale wuxuu yidhi abwaan soomaliyeed isagoo ka hadlaya qabyalada iyo xumaanteda iney dadka waaweyni ay dabada kariixayaan waxay u dhigneyd tixdiisu sidan....

Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,
Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,
Marka xaqa la awdaa tolnimo, loo abtiriyaaye,
Haddii uu insaaf jiro qabiil, lama ogaadeene,
Kolkuu oday durbaanka u tumuu, inan ciyaaraaye.                                                                                               
      Xaaji Aadan Af-qalooc(AHUN)


Waxa jira in ay soomalidii isku qaladay qabiilka iyo qabyaalada ...?

Qabiilku waa nasabiyad ama abtirsiin  iyo isir ay isku gartaan dadku, qabiilku waa wax Alle soo dajiyey  oo wanaagsan Allena wuxu yidhi  isagoo  ka hadlaya in qabiilka loogu talagalay in laysku garto uun se  Alle Agtiisa fadligu yahay ama lagu kala sareeyo sida loo kala  (Alle  cabsi badanyahay )
Wuxuuna yidhi sidan ... 


.《●Dadoow waxaanu idinka abuurney  Lab iyo dhadig waxaan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isku garataan kiina ugu sharafta badan dhankaya waa kiina ugu alle cabsi badan●》...
Suuratu xujirat ayada 12 naad...
)))


Xataa  abwaanada somaliyeed  kamay hal-maamin in ay ka hadlaan oo ay suugaantooda ku cabiraan in ay  soamalidu ku qaldantahay  si xun u adeegsiga qabiilka wuxuuna yidhi sidan.


Soomaalidu inay eber tahay oo garashadii aastay 
Oo ay ugaadh tahay ayaan idin ogaysiine 
Abtirsiino beelaa qaribay oo ujeedo lehe 
Qof kii aan awoowgoodu dhalin ma ag fadhiistaano 
Mana oga inaan eebeheen ka aqbalahayno 
Mana odhan islaamkaa ugu wacan hayb la aamino 
Ismay odhan dadkaba xaawa iyo aadan baa dhalay 
Mana odhan ibliis baa isku diray inamadoodiye 
Ismay odhan jin baa kala eryaye waa ul iyo dire 
Mana odhan adduunkanniba waa laba ayaamoode 
Ismay odhan ninkii kuu arxama ayaa ab kuu xiga’e 
Mana odhan arlaa ka weyn edega aad taale 
Ismay odhan qofkii ku af gartaad ehel wadaag taane 
Waxaan laga ajiibayn bay ku indha beeleene 
         Abwaan Maxamud Saleebaan (Waraabe) 


Abwaankale isaguna wuxuu yidhi isagoo sheegaya in qabiilku iyo qabyaaladu isku jaad ahayn wuxuu yidhi sidan...

Qabiilkuna waa astaan 
Quruumuhu isku gartaan 
Illaahay baa qadaray 
Quraankeenaa fasiray 
Qaneecaad waa runtee 
Qoladu hoy maaha ceeb 
Qof iyo magacbaynu nahay 
Qoys iyo ehel baynu nahay 
Xigto iyo qaraabaynu nahay 
Haddaan la qaloocinayn 
Qayb iyo reeraynu nahay 
Qoom iyo ummadaynu nahay 
Bulsho iyo qaran baynu nahay 
Qaneecaad waa runtee 
Qoladu hoy maaha ceeb  
                       Abwaan Cabdiqaadir Cabdi SHube 

Haddaba waxa fiican in lakala garto, labada erey ee kor ku xusan taasna waxay kuuhorseedi doontaa, inaad garasho dheerada  u yeelato  ood ku kala soocdo, qabiilka iyo qabyaalada, haddaan marlabaad si kooban u dul-xaadiyo, labada erey..... qabiilku waa abtirsiinta iyo isirka dadka ka dhexeeya taas oo lagu kala garto tolka iyo sidey dadku iskukala xigaan.

Qabyaaladuna waa shay aan marna banaaneyn in la adeegsado wana kala sareysiinta bulshada  iyo kala jeclaanta dadka iyadoo lagu cabirayo hal-beegna ay u tahay reernimo.....


Qoraa. Ahmed Muuse 
Maqaal qabyaalad 
 Trisiga 1/1/2019 
Malin arbaca  ah 
Berbera somaliland

No comments:

Post a Comment

Qabyaalad

Qabyaalada                 Qabyaalada   Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...