NABSI JACAVL!!!
Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu nafsi leeyahay ood maruun soo galidoonto iyo jacaylka shilin raaca ah ee wax jacayl ah lays ku qabin in uu mar uun dhamaanayo waana waaqica ka jira geyga soomaalida sheekadani waxay maskaxdiisa ka soo maaxatay kana soo godlatay qoraaga dadda yar Axmed cade
Fikirkii qalinkii qoraa ‘Axmed muuse Axmed
Qoraa muhiimoo
Qaradaha aduunka
Qalinkiisu gaadho
Qaadirkey hakaa dhigo
Qaxar iyo dhibyo
Qalooc aan ba ‘ayniyo
Quudhsi dadeed
Qadirkey hakaa hayo
Qoomamka idilkoodiyo
Quluubta aadamaha !
qaairkey hakuu furo!!!
fadalan fikirkaagu waa muhiim akhriste waanad ka dhiiban kartaa hadaba wixii khaladaad ah ama saxitaan ah ama su'aal ah nagala soo xidhiidh baraha enternetka facebook :Ahmed Cade or
https://qoorjoog.blogspot.com/
emailka : {axmedcade33@gmail.com}
joined with my frends
NABSI JACAVL!!!
maanta waa maalin jimce ah oo ay dad kuna ay labisan yihiin waana maalmo roobeed oo waxa lagu jiraa seermaweydo iyo dirir oo dhibica roobkuna maba qaado xareeduna waxay wadhan tahay meel kastoo godon
dhirtuna way wada magooshoo waxaad la yaabaysaa udgoonka ka soo baxaya ubaxa iminkuun dilaacay ee shiniduna dul heebaabayso
cirkana waxa ka sii muuqata jeegaanta midabada badan ee iminkuun roobku ka qaaday
dhulkana waxa ka soo baxay tigaad ay xooluhu ku rayeen taasoo lagaga raystay hayaankii doolqaadkii iyo naqraacii loona tagijiray meelo fogfog
shuuxa roobku madaayo galabkasta ood waxaabad moodaa roobkii xayska ahaa eek a di'I jirey dhulka sare ama buuralayda oo kale
waxay sidaa arin ahaataba ileen nololi jacaykama dhamaatee waxa tuulo kuwada noolaa inan la odhan jirey [miigane ]iyo inan la odhan jirey mabsuud
[miigane]
Miigane waxa uu ahaa wiil aad umaskax badan qumanaana alle udhaliyey dheeli tiranka midabkana aad la ashqaraarayso hadaad yara daymooto dhankiisa waxaad is odhansaa haka soo jeesanin waxaabad moodaa xoralcaykii oo aduunka usoo baxay siduu eebe u abuuray
darteed
Miigane sidoo kale waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah oon xoolo badan lahayn tuulada ay dagan yihiin caanbay ka ahaayeen qoyskoodu
Miigane ma aha qof dhacdhac badan oo hadalkiisuna banyahay kamana helo meelaha waqti lumiska ah sida goobaha makhaayadaha hoteelada iyo meelaha fadhi ku dirirka lagu hayo miigane waa inan dhigan taa iskuulku yaala magaalda bartankeeda
kuna fiican waxbarashada oo waa hurmuudka ardayda fasalkooda doorkastana waa ardayga koobaad ama ardayga baxa kaalinta ugusareysaysa kaal maha
waxa kaloo intaa u dheer akhlaaq wanaaga oo uu qaato isagu
Iskuulkana waxa uhadhsan halsanno oo wuxuu ku jiraa fasalka afraad
Tuulada waxa kula nool inan layidhaahdo [mabsuud ]
Mabsuud waa inan qurux badan oo lahayn wax een ah oo ukeenika foolxumo quruxdeeda wana inan kala shuban ood marka aad aragto ku mabsuudayso
Mabsuud waxa ay ka dhalatay reer nool iyo moodba haysta oo alle udhiibay xoolo
Mabsuud waa inan aftahanad ah oo haddad la garanto laba cali iskaawaydiin
Mabsuud waxa ay dhigataa dugsiga sare waxa ayna ku jirtaa sanadii afraad kuma wanaagasna waxbarashada mana laha saaxiibo farabadan oo hablo ah hadiyo jeerna waxa ay ku fikirtaa sidii ay u dhoofilahayd oo dhul shisheeye u tagilahayd -
Mabsuud waxa ay dhigataa iskuul aad ugafog hoygeeda ay ku nooshahay oo wuxuu ku yaala duleedka tuulada aydaganyihiin waxa intaa u dheereyd dhibaatooyin ay kala kulanto doox udhexeeya tuulada iyo dugsiga ay
dhigato maalmaha qaarkood waa soo rog manjirey dooxu oo markuu soo rogmado dadkiyo duunyadaba waa qaadijirey maalmaha roob jiro ma dhigan jirin mabsuud iskuulka sababtoo ah meel loo maraba majirto
Dhibaatooyinku markey kubateen ayaa iyada iyo waalidkeed u fadhiisteen wixii laga yeeli lahaa ee xal noqon lahaa lagana bixi lahaa dhibaatada soo wajahday ardayda ama inantooda
kadib markay gorfeeyen arintaa waxa ay go'aan midaysan ka qaateen in ay ka badalato oo ay usoo badalato dugsiga ku yaala magaalada bartankeeda garoo iskuulku waa dugsigii miigane dhiganayey
Waa aroor hore oo waxa soo baxaysa cadceedii wali waxa ka sii muuqda dhulka casuuskii qoraxda meelaha ciida lehna waxa ku da'day dhado oo hadaad carrada seexato boodhi kama soo racayo
Waxa kaloo lamaqlaya cida shinbiraha ee aroorta hor sawaxaya waxakalood arkeysaa ardayda dugsiyada oo dareys koodii ku labisan iyo dad wada kalahayada wada degdegaya
Waxa layimi dugsigii waxaana lagalay safafkii oo waxa ay ardaydii qaadeen heesta calanka iyo adkaar kadib waxa laysku diyaariyey fasaladii galaaskastana waxa uu galay fasalkoodii
Ka dib markii muddo ladhiganayey xiisadihii ayaa waxa albaabka ku soo garaacay maamulaha dugsiga oo wuxuu joojiyay macalinkii waxaana uuyidhi (ardayeey maanta waxaan idiin wadaa ardayad cusub)
Waxana uuyidhi (ku soo dhawow fasalkaaga cusub mabsuudeey)
Miigane waxa uu qac ku siiyay isha mabsuud oo albaabka ka soo galaysa wuxuu daymada laraacay ilaa ay kafadhiisanaysay
Isaga oo wali kasoo jeesan ayaa waxa gujiyey ardaygii agfadhiyay oo waxauu ku yidhi
Arday: miigane maxaa kugu dhacay eed inanta ka eegaysaa .?
Miigane waxa uu yidhi isaga oo anfariirsan ood moodo inuu maqan yahay haystana shoog ayuu ku jawaabay si cag culus waxba imahelinee macalinku halkee buu marayaa?
Miigane mar hore ayaa ugu danbaysay miyiriyo maanba oo waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaysa inantii uu arkay ooku reebtay mahadhooyin aanu ka bogsan kareyn iyo kalgacal aan xadlahayn ileen waxa hore loo yidhi jacayku waxa uu ka bilowdaa isha
Miigane waa maqane jooga oo waxa uu ag fadhiyaaba mabsuud balse waxa arkay mooganaantiisa cashar ee haysata macalinkii oo si uu u soo jeediyo su'aal waydiiyay
macalinku uga ma baran in miigane wax garan waayo oo waxay fajac iyo ammakaag ku noqontay inuu ka jawaabi kari waayo su'aasha dhibtayar ee uu waydiiyay miigane
miigane waxa uu ku jawaabay hadalo isdhaaf ah oon midna midakale haysanin
maclinkii ayaa ku yidhi
maxaa dhacay miigane ?
miigane ma aha nin hadli kara oo waxa haysta mashquul aweyn waxana maskaxdiisa yar dawakhisay mabsuud
isaga oo tashuush kufuran yahay buu xiisadihii ku dhamaystirtay waxa uu sii fadhiyay galaaskii ileen waa nin la qaatayee wax lahadlay
arday wuxuu ku yidhi waar miigane inamari maxaad ka dhex qabaneysaa galaaska way dhamaadeen xiisadihiyee?
Miigane: Walee walee !! oo waxaaba moodayay in xiisad hadhsanhayee!?
Mabsuudna waxa ay yeelatay saaxiibbo cusub oo aad ay ugu timi iskuulka horaba waa ay ka sii raacday saaxibadaheeda cusub ee ay ku baratay dugsiga
Miigane waxa uu yimi hoygoodii ay tuulada ka daganaayeen miigane maqadayn oo hore buu ujiifsaday gogashisii
Wuxuu is ku dayay in uu seexdo laakiin uma suurtagalin hiiraga ka baxaya qalbigiisa waxaabad moodda in uu lahad layo mabsuud oo wada xashaashuqayaan una dhimrinaayo codkiisa oo uu ka ilaalinayo guuxa si uu waxa ugu sheego balse taama awoodo oo waxba uma sheegikaro mana agjoogtaba oo cidla ayuu ku daalayaa!!
Waxa uu ku dhawaqayaa magaceeda [mabsuudeey mabsuudeey ] ileen waa nin banana geeri go'ana ka qaylyaya sida loo maqlaynbaa wax kasta kaga daran iyo gargaar la'aanta qofkaas ku suganyahay
waxba madhaamo ninkaas isguba gogol dusheedbuu ka dhawaqayaayee waxana dardarey jacayl loo ogeyn haa !haa! haa ! jacaylkuba waa cudur aan la ogeyn dadbadana aysan ka filanayn
miigane waxa uu qirey inuu jiro jacaylku mana rumaysnayn markii hore taana waxa uu ku cabirey ereydan hoos ku qoran
Waayaha jacakaa
Ninba meel ku waydhaafshoo
Waagii baryaba
Haduu jacayl ii wado
Wadadaan maraba
Hadaa warkiisa lagu hayo
Hadduu walbahaar iyo
Walaac aan ba 'ayn
Walaaliyo iiga dhigay wehel
Walee mar danbaanan odhan
Waa been jacaylkuyee
by Axmed cade
waxa lagaadhay maalitii labaad miigane isla sidii buu noqday oo wax cashar ah ma dhiganini ileen waa nin la dagayee sidaasbuu ku dhamasytay maalintaana waxa la gaadhay amintii larawaxayay
miigane waxa uu daba dhaqaajiyay hablihi waxa uu u socdaa sida diinka oo kale hadii kale waa uu ka dheeraynayaa is luudintuna waa dantiisa
hadda waxa lagu jiraa xilli aad u kulul oo waxa lamaraya bil abaar iyo hanfi dhacaayo oon laba talaabo aan laqaadi karin miigane milicda korkiisa ku dhacaysa iyo boodhka aan suurto galka ahyn in lagu socdo waliba waxa kaga sii daran dhididka ka tif leh ee qooyay dharkiisa balse waxaas oo dhan ba madareemayo umana dhaadhacsana naftiisa oo waxa haysta ayaa ka wayn milicdan ileen naf wax jecel waa indho la'aane
sidii uu miigane u daba socday ayaa ay la dhaafeen gurigoodii marku cabbaar dhaafay ayey ka hortimi hooyadii oo ku tidhi
Hooyo : hooyo miigane ma dhamaday ...... ?
Miigane waxa ka duulay wahabkii haystay oo waa uu baraarugay waana istaagay waxa uu eegay hareeraha oo waxa uu arkay in uu soo dhaafay gurigii hadana waxa uu eegay hortiisa hore basle hooyadii buu arkay
Miigane: halkeen joogaa hooyo ?
Alla ba 'ayeey hooyo maad iga lumigaadhay manta...?
Inamari hooyo aan gurgii tagnee
Miigane waxa uu yimi gurigii oo waa uu soo qubaystay ka dib isga oo daal badan ka muuqda ayaa uu jiifsaday oo waxa uu isku dayay in uu seexdo ka oo markuu indhaha isku qabtba waxa hor imanaysa mabsuud oo miyey ka faaruqaysaa maankiisa oo waxaad ma hurduu ladayaa
Waxa lagaadhay maalintii danbe
Umana sheegi karo qofka uu jacel yahay oo waxa uu ka baqanayaa in ay kusaydhiso ooy ku diido jacaylkiisa xuduuda goostay
Waxa uu qaadaya heestan isga oo uga dan leh halka uu maraayo inuu meel xun taaan yahay jacaylkiisu wanaagana uusan kubiirn waxaa uu isku maa weelinayaa heestan
Illey lehee jacaylku
Waa jidkii siraadoo
Janadaiyo cadabtaan
Wali kala dhex jooga
Waxa la gujira habeen waa ladiwaayay miigane hurdana waa uu nacay habeenkiina waa uu ku daba dheeraaday waagina waa uu baryi waayay waxaabad moodaa in gogoshiina goodbaa kaga yaacay wax gasiin ahna marin afkiisa kabasho biyo mooyee miyay wax kaleba ka dagayaan ileen waxa uu doonaya in aroorta uu ka sii raaco muhiim jidka oo uu sii barto
Waxa lagaaray xiligi dugsiga la aadayey miigane waa uu isa soo giijiyay isaga oo aad u qurux badan ayaa uu ka soo baxay gurgii mise waxaba
agmaraysa mabsuud hore ayaa uu ka siiraacay oowax uu ku yidh sidan soo socta
Miigane : iska waran waxaan u malaynayaa inaan isku galaasnahayee?
Mabsuud : haa isku galaasbaanu nahay
Miigane :magacaygu waa miigane ee magacaa adiga ?
Mabsuud:waxa layidhaahdaa mabsuud oo magacagu waa magic weyn ee maxaa lagugu bixiyey ?
Miigane : waxa laygu bixiyay waan dheereya sida darted ayaa laygu magaabay
Mabsuud : aad baad u qurux badan tahay wiiloow !!
Miigane ereygaa aadbuu usoo dhaweeyay oo wuxuu moodayaaba in ay latacajabtay waxa uu muujistay ifafaale wanaagsan oo waxa uu islahaa mabsuud way kaa heshay oo hamigaagi waa uu ku hirgalay
Balse waxa lagaracay jalaskii oo waxa lagalay xiisadihi miigane isagu meesha uma imaado inuu xiisado dhigto laakiin waxa u yimaada in uu soo arko mabsuud qalin iyo buug ismadul qabto waxa ugu danbaysay maalintii aysoo gashay mabsuud iskuuka
Waxa uu xaal sidaa ahaadaba waxa malintii danbe hadan ku kulmay iskuulka hortiisa mabsuud iyo miigane waxa hadalkii la hor marey miigane
Miigane :waan ku salaamay mabsuudeey
Mabsuud :waan kaa qaadney ee maxaad haysaa miigane... ?
Miigane :waxaan doonayey inaan ku sheego
Mabsuud : hee hee!!!
Waxa soo dhex galay arday ka tirsan iskuulkooda wxaanu ku yidhi ina marsha iskuulkii waa lagalay yee
Wali uma sheegin miigane arintii muhiim oo waxa kolkastaba waa laga soo dhex gelaya
Waxase lasoo gaaray rawxaadii oo waxa wadada iska soo raacay mabsuud iyo miigane oo hadalkii siwata ayaa mabsuudi ku tidhi waxaad ii sheegaysay maxaa uu ahaa miigane
Waxa uu yidhi sidan soo socota
Miigane : maalintaad soogashayba kalgacalkii aad igu beertaan la liitaa Oo wadnahayga waa uu qalan yahay oo dhiiga ayuu saydhinayaa oo naftaydu way dulmantahay oo adiga ayaa udawa ah ee jacaylkan baaxada weyn il qaad oo isha sacabka mari oo ayay ilmadaydu ku dhicin dhul abaarsaday?!
Mabsuud : waar maxaad ku hadlaysaa oo ardaybaanu nahayee miyaad xishoonayn ood wax isku falayn jacaylka iyo hawlihiisa makare ha'igula soo dhicin aniga !!
Walaalooy miyaad ka daysid oo anigu awadaaban ubukaaye
Miigane waxa qabsaday wajigabax aad u daran uuna kafilanay oo waxaay ku noqotay dhaawac aad u weyn ereygaasi waxa uu sii damqay bogihii la liitay cishqiga iyo jidhku ku baahay nabarada kalgacalka miyaad sidaa u garatay ....????
Meehanawga jacaylka iyo nasiibdarda qabsatay isagooka hadlaya waxa uu lahaa ilaahayna ka baryaya in uu arin tiisan u toosiyo ayaa uu ku hal qabsday hees tan
Tiiraanyada cudur iyo
Ninay tows haysaa
Ileen taahma dayee
Taageer allahayoow
Aritaydan kala taal
Adaa toosin karaaye
Erayadan ayaa uu ka dhigtay af goobaabsi uu ku celceliyo iskuna dhaafiyo waqtigan xanuunka kulul iyo ee ciil iyo cadho jacayl iskugu beegmen
Mabsuud lafteeda waxa madax maray ereyadii miigane oo habeen kii oo dhanba ma seexan sida ay uga fikireysay jacayka loo soo bandhigay
Waxa ay ka qoomamayneysay ereydii qalafsanaa ee ay ku tidhi miigane balse waxa ay arinku gooysay inay tidhi waan aqbalayaa jacaylka miigane hadaba sideebaan ugu sheegi karaa ileen waji umaanan dhiganee
Waxa baryay waagii burburkey hurdada ka qaaday bay la kicikari ladahay mubsuud ma tagin iskuulkii oo waa ay ka daahday inankii
miigane waa uu ka waayay galaaskii oo haduu arki waayay waxa uu isku dayay inuu daydayo oo hubsaday
Markuu hubsaday in ay joogin dugsida waa uu fadhiyi kariwaayay oo waxa uu soo qabtay xagaa iyo xaafadoodii waxa uu qaaday waada weyn kadib markuu cabaar socday ayaa uu gaadhay gurigii waxa u istaagay guriga hortiisa marku milay taagna waxa soo baxaday mabsuud oo tukaanka waxa looga diray waa ay aragtay miigane oo usoo qoslaya kadib waxay aragtay fursadan in ay ka faa'iidaysato oo ay u sheegto in ay aqabashay jacaykii uu u soo bandhigay miigane durtabdiiba waxa bilabantay salaantii
Miigane :waan kaa waayay dugsiga ee maxaa ku helay waaban kuu baqdayee?
Mabsuud: waan habsaamay oo waan iska joogay ee maxaad haysa ?
Mabsuud :miiganoow arintii aad isoo bandhigtay waan aqbalay ee sidaad u aragtaa ?
Miigane : marunbaa !marunba! marunbaa !
Mabsuud :haa haa
Ka dib Miigane iyo mabsuud waxa ay noqdeen dad isku dheer oo dhuuxa isku shuba malinkastana jacayl mooyaane waxa kale ba uma siisiyaado waxa waxa laysku badiyay kalmadaha maxabada wata iyo kuwa aadka umacmacaan sida qalbigaygiiyoow dhayahaygiiyoow naftaydiiyow muxubadaydiiyeey marwadaydiiyeey maskaxdaydiiyeey
Maankiyo muruqaygiyeey la 'aantaa nololi macaan ma leh kacalo xabiibi xayaati wadnahayga waan kuu badalilahaa naftayda waan kusiin lahaa nololsha waan ku huri lahaa
Ereyadani waxa ay sii balaadhiyeen jacaylkii daganaa laabta miigane
Jacaykii miigane wuxuu gaadhay heer indho la 'aan ah kalmadihii ay mabsuudi ku odhaneysey waa ay waxa ay sii horumariyeen kalgacalkii dhex jibaxay qalbigiisa
Waxa la dhamaaday iskuulkii oo waxa qofkastaba soo wajahday nolosha dhabta ah ee hayaan ka loogu jirey miigane ma'aha qof iska iloobaya jacaylka waxa uu ku hamiyaa siduu u shaqaysan lahaa ee u guursanlaha inanta ay jacayl wadaagta ay yihiin ee mabsuud
Kadib bilo yar waxa tuuladii yimi inan ka yimi dibada oo ay ilmaabti ahayeen mabsuud kaax oo in badan ku maqnaa qurbaha magaciisan awaxa la yidhaah [maax]
Maax waa inan dhalin yaro ah oo in badan soo tabcanaayey maal waxana uu dalka u yimi si uu u soo guursado gabadh ka dibna uu dib ugu laabto wdanka uu ka yimi waana arday isla sanadkan dhamaystay waxabashada jamacad heerka labaad kadib markuu joogay todobaad una nastay ayaa waxa u yidhi dagmada inanteebaa ugu wanaagsan oon guursada odayaashi xigey ayaa utimaamay mabsuud oo ku yidhi waxaad guursataa inanta abtigaa dhalay iydaa waxbarashadiina dhamaystee
Maax waxa uu u yimi abtigii oo waxa uu ku yidhi abtiyooy waxaan ka doonaya inanta mabsuud ?
Odeygii waxa uu yidhi ma inanka aan abtiga u ahaybaan waxa udiidi karaa
mabsuud ayaa loo sheegay arinta oo lagu yidhi inaabtigaa ayaa lugu siiyay oo dabada kula tagay oo waad dhofidoontaa todobaado kadib
garoo inantu waa tii ku fikiri jirtey in ay saarto cagta dhulka yurub maruun waa tii oo waynaatay walina ka guuxayso maskaxdeeda dhoof
waxa ay go' aan ka qaadatay in jacaylaka miigane lasii wadi Karin waayo waxa soo baxaday fursad ka wanaagsan isaga iyo jacaylkiisaba
oo miigane waxa lagu dhaamaa jeebka iyo dhulka lagaynayo oo ay aad u jecesha ahay nasiibdaro waa ay iloowday ereydii aadka u macanaa ee ay ku tidhi miigane waxaa ay ilooday inay bal wada galeen
miigane ayaa maqlay arintaa waxa ay ku dhalisay xasaasiyad aad u daran walbahar iyo walaaca aan la koobikarin
waa uu samriwaayay oowax uu isku sii daayay gurigii inantu jeclaa magaranaayo manta inay tahay maalintii ugu danbaysay ee uu mabsuud lakumayo waana malintu qaadi lahaa qalbi jabka aduunyada ugu xun waxa uu gaadhay gurigii wxa uu garaacay ganjeelkii ama albaabka gaydhka ah nasiib wanaag mabsuud ayaa kafurtay oo waxa uu ku yidhi maxaajira ? waxan maqlay ma runbaa
waxa ay ku jawaabtay haa waxa lay siiyay inan inabtinahay oo iga yimi dibada si uu iiguursado oo waan dhoofaynaba ayaan dhow
Marunba! Marunbaa !Marunba! Marunba! Marunba! Marunba!
Miigane oo layaaban isbadelkeeda ayaa si luga jida uga soo noqday gurigii waxa uu ku akhrinaayey heestan isgoo rumaysan inay dumarku wax hore u iloobaan oo waxa tusaale kaaga filan umsha markay foolanayso waa ay tidhaa dib dan be u dhalimayo ilmo danbe marka horena waa ay ka ilowda oomarka la arko qof wax iska iloba ayaa layidha ma umulbaa iloow dhawa !!
Miigane isaga oo si murugeysan ugu luuqaynaya ayaa waxa uu qaadayey heestan hoosku qorqan
Ma burburay heshiiskii
Balantii majabantahay
Barashadu maquusbaa
Kalmadihii bogeyga iyo
Beerkayga lulijirey
Iyaguna ma been baa
Bi'iwaa dumaroow
Waxay beer nugeylkiyo
Xiisuhu laba laba beriyo
Bilo yar weeyaan
Hadduu bisaykiyo
Kalgacalkii kaa ba'ay
Ana waan bogsanayaa
Miigane waxa uu gudagalay in uu is iloowsiiyo muhiim iyo jacaylkeedii uuna maskaxda dasaaro una sabro ileen jeebka ayaa cilay waxba mahayee muxuu yeelaa
Talo ayaa ku cadaatay waxa uu go'aan saday in guursado si uu u iloobo taasina waxa ay uga baahantahay kharash dheerada oo isguna mahayo
Kadib shan sanno
Waxa is badashey xaaldihi nolosha miigane waa nin xaas iyo saddex caruura leh mabsuudna waa gabadh carmal ah oo waxa ay kala tageen maax waxaay u hasaa laba caruura waxa ayna joogta yurubta waxa ay u darsatay una busayshay araga dadka soomaaliga aha wax af soomaali ku hadla waxa ay maqashaa marku telefoon usoo dhoco ee ay lahadlayso waalidkeed iyo cida ka soo garaacada dhulkii
Waxa ay ogaatay mardanbe si dhab ahana u xaqiijisay in jacaylka shilinku dhamaado uusan dhamaan jacaylka labada qof u dhexeeya ama isku guursada uu yahay raasamaal aan dhamaaneyeyn lacagtuna aysan waarayin oo ay jirto maalin ay dhamaan doonto ama aan la hayn
Waxa ay isku dayday inay boodh ka ka jafto jacaylkii qadiimoobay waxa ay soo dirtay waraaq oo aykusoo qortay sidan
( waxaan doonaya inan soo ceshano jacaylkeenii horeeyey iyo kalgacalkii baxada weynaa oon dib uga tuno boodhka anigu waan khaldamay oo waxan raba inaan soo ceshano muxubadii inoo dhexeeysay khaladkeygiina imikaan saxayaa ?)
Waxa kaloo ku qornaa waraaqda tixdan
Baalaleyda duushiyo boostiyo waraaqaha
boqol jeer u dhiibeewaxaan baalka ugu qoray
kala baadnayoo kala beel noqoneyee
barinayee miiganoow ma bariday
mabsuud waxa ay ogaatey oo iminkuun dareentay jacylka na nabsigiisa in uu dib kuugu soo celinaayo qof aad mar ka horeba aad kaga baxday
nabsi jacayl daranaa qalad kuna xumaa waxkastaaba waxa ay leeyihin waqti haddii uu waqtigiisa dhaafo way xummanyaan qalad waqtigiisa dhaafay haddii lasaxayo waxa sixilahaa ibleys
waa ay soo gaadhay warqadani miigane
oo miigane mar horeba waa ay ka maydhantay qalbigiisa markuu akhriyey waxa uu qorey waraaqdan waxana uu cinwaan uga dhigay jawaabta tixda
waxa uu yidhi :
balaayiyo baas maanu sheegninee
maxa adiga kuu ba'anaa ?
Waxa uu qorey waraaqdan hoos ku qoran
{ maalmuhu waa is daba wareeg oo waxaad samaeysaybaa ku yaala waxkastan nabsi ayuu lee yahay maantan waxa ku haysta nabsigii jacaykaka ee waxan ku oadhan lahaa naftaada eerso oo haygula soo dhicin doqonimada aniga waad ka maydhantay qalbigeyga waxa boosna kuma lihidee salaama salaama }
Mabsuud waxa gaadhay waraaqdii
Ma waxay oydaa iyadoo nefteeda eersanaysoo ay noloshba naacay soo aysan cuno cuniaynoo waxa wax kasta kaga daran hadey
si kastooy u oydaba waxba umatarayo balan qaadna mahaysato
{ileen jacaylkuna nabsibuu leeyahay}
Nabsi jacayl daranaa Naftuu helaana Wuu nuugaayoo Naxlibuu ku abuura
BY....Axmed Cadde
..........QORAA AHMED MOUSE
..........EMAIL,,,axmedcade33@gmail.com
.........WEBSITE..https://qoorjoog.blogspot.com/
QORE AHMED MOUSE