Saturday, January 27, 2018

Qoraa Ahmed mouse





Sawiro Ahmed Mouse









Qoraa Ahmed muse 



Tirsiga Soomaaliga

 Tirsiga Soomaaliga 

Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato  
waxaan si kooban u soo bandhigi doonaa waqtiyada kala duwan ee soomaalida anoo farshaxan, qoraanimo ku muujin doona  ,sidoo kale waxaan isku dayi doonaa inaan ku fahan siiyo , kaana siiyo aqoon  taariikheed  tersiga soomaaliga
Sanadka soomaaligu waxa uu ka kooban yahay 365 maalmood, sidoo kale biluhuna waa 12 bilood    7 cisho oo kastana waxa la yidhaa  todobaad.
Sannad-taxane  soomaalideenu  malaha  sanad-taxane oo ah  sannado isdaba socda ama tirsi taariikheed joogta ah  se waxay lahaayeen oo ay tirsan jireen  sannado can ahaa  oo soo mari jirey  iyaga sida  hebel  wuxuu dhashay barwaaqadii biyo badanta ama abaartii  daba dheer   sidaas oo kale ayey u tirsan jireen  laakiin may lahayn sannado is daba socda  sida  taariikhda miilaadiga iyo hijriyada midtoona  sidoo kale caruurta waxa loo tirinjirey imisa gu ayuu jiraa  waxa uu dhashay  dayrtii shaanaad saasoo kalana waa loo tirsenjirey
Sidoo kale soomaalidu waxa ay leeyihiin oo ay tirsadaan  afar xilli  waxayna kala yihiin sidan soo socota

1. Guga
2. Dayrta
3. Xagaaga
4. Jilaalka

 Gu’ga

gu’gu waa xili roobaadka  uu da’o roobka ugu badan waana waqti barwaaqo ah,   waxa dhala xoolaha sidoo kale waxa la qotaa beeraha si loo beerto dalagyo kala duwan, waxana uu ka kooban yahay saddex bilood (abril, may iyo juun).

Xagaa

Xagaagu waa waqti aad ukulul marka la eego goobaha qaab sida xeebaha oo xiligaa laga xagaa baxo.
Halkase goobaha qaar aanay lahayn kuleyl laga cabankaro.
Xagaagu wuxuu ku beegan yahay bilaha (julaay  ogosto iyo sebtenbar). 

Dayr

dayrtu  waa waqtiga uu da’o roobku hasayeeshee waxa ka badan roobabka da’a gu’ga.  
Waxayna ku beegantahay bilaha  ( oktoober noofeenber  iyo diisanber).

Jiilaal

xilliga jiilaalku waa waqtiga ugu kulul dhulka soomaalida, waana  qalayl  mana da’o wax roob ah   waxyna ku beegantahay bilaha (jeeni-wari, feebar-wari  iyo  maaris).
Bilaha soomaaliga waxaan hooskeeni doonaa afarta xilli waana sidan:-

               Gu’

1. Serma-weydo (30 cisho)
2. Cawl (31 cisho)
3. Dirir-sagaaleed (30 cisho)

                  Dayr

1. Dayr-holholeed (30 cisho)
2. Gudban (31 cisho)
3. Danbansane (30 cisho)

                    Xagaaga 

1. Samaalaho (31 cisho)
2. Bil-karameed (30 cisho)
3. Waran-waare ( 31 cisho)
                    
                      Jiilaal

1. Xays (30 cisho)
2. Todob (31 cisho)
3. Diraac (30 cisho)
Maalmaha afsoomaaliga ah iyaguna sidabay u dhiganyihiin:

1. Sooroga / Sabti
2. Koobin / Axad
3. Laamin / Isniin
4. Lamatako / Salaasa
5. Koodaar / Arbaca
6. Hakis / Khamiis
7. Hakis-bila / Jimce  

Sidoo kale waxa jira waqtiyo kooban, sida maalinta qaybeheeda iyo habeenka qaybihiisa, soomaalidu waxa ay lahaayeen af garad ay waqtiga ku xisaabsan jireen maalinta iyo habeenka waxana ka mid ah kuwan soo socda:
Caano-maa: waa galin waana inta xoolaha lagaga maalo caanaha waana 12 saacadood.
Maalintu waxay u kala baxdaa:- galin hore iyo galin danbe.

Galinka hore waxa uu usii qaybsamaa:- 
1. Arooryo
2. Barqo yar
3. Xigsiin
4. Barqo kulul
5. hadhsoo kor 
6. Hadh gal.`HJKGL6

Galinka danbe waxa loo qaybiyaa:- 
1. Duhur
2. Casar dheer 
3. Casar gaaban.
Habeenkana isna waxa uu ukala baxaa:-  galin hor iyo galin danbe.

Galinka hore ee habeenkii waa sidan:-
1. Fiid
2. Caweys
3. Saqdhexe.

Galinka danbe ee habeenkii waa sidan:- 
1. saq dhexe
2. hiraab
3. jiidh 
4. waabari 
5. aroor hore.

Sidoo kale waxay soomaalidu utaqaana afgarad kale marka laga hadlayo ayaamaha laguna sheego sidan:- 

1. Dorraad 
2. Shalay
3. Maanta
4. Berri
5. Sahan danbe
6. Saakuun.

Hadaba waxa jirta in ay soomaalidu utaqaan magacyo gooniya xilliyada la socdaalo waxana kamida kuwan:-
Dheelmasho: Dheelmashadu waa marka lasocdaalo xilli kulul oo cadceedu soo jeedo sida duhurka oo kale. 
Jarmaad: jarmaadku waa marka la socdo xilliga uu waagu soo baryayo ama aroorta hore.
Caraabe: caraabe waxa layidhaahdaa marka qof casarka dheer socdaalo, ayaa layidhahdaa hebel wuu caraabay
Guurayn: gureeyntu waa socodka la galo xilli ayna soo jeedin cadceedu oo waa habeenkii. 

Cilmiga xiddigaha 

Calimigan waa cilmi  soo taxnaa ilaa bilowgii dunida , dadkuna waxa ay ku kala baran jireen xidigha iyo jihooyinka , sidoo kale waxa ay soomaalidu kamid ahayd qoomiyaha calanka u wada cilmiga xidigaha ka hor inteyna soo bixin ,qalabka lagu eego cirka  , dadkuna ku koobnaayeen inta ay ishu aragto .

Xiddigiska

Ma jecleyn inaan ka hadlo mawduucan hadana way ka fursan weydey inaan laba erey ka idhaahdo.
Cilmiga lagaga hadlo xidigaha waa laba, midna waa xaran, midna waa uu banana yahay.
Waana sida qabiil iyo qabyaalad oo kale midna waa uu banana yahay midna waa mamnuuc, 
Xidigiska waa ka aan banaaney, waxa uu ku sal leeyahay uu ku qotomaa hab faal ah oo laga faashanayo xidigaha oo la leeyahay hadii uu xidigaasi halkaa tago waxaasaa dhacaya, ama haddii la arko xigidigaa oo la fadhiya godkaa reerku ma guurayo mana hayaamayo oo waxa dhacaya dhib, ama haddii dagaal ay beeshu galayso waxa ay eegi   jireen xidig hablaayo oo hadii xidig hablaayo uu la joogo dagaalka waynu ku guul daraysaneynaa. Ee dagaalami mayno.
Habkaasi waa habka aan banaaneyn kuna habooneyn shareecada islaamka iyo umad muslimiin ah ba 
Markaa si daba raaci mayo waxay samayn jireen dadkeeni hore ee cilmi yaraantu haysey, laakiin waxan isku dayi doonaa inaan sheego qorana inyar oon wax ku jirin, sida godadka iyo meelaha dayuxu dago.

Goddadka dayaxa

Waxaynu halkan ku sheegi doonaa goddadka dayaxa iyo xiddigaha uu la fadhiisto inagoo ku sii xeel-dheeraneyn, siina galeyn, habka faalka iyo sida looga xidigisto ama looga faashado xidigaha iyo godadka dayaxa uu dago.
Goddadka dayaxu waa 28 god waxayna iskugu xidhanyihiin oo laysku raaciya todoba todoba, todoba kastaana waxa ay leeyihiin magac ay wadaagan oo loo yaqaan  

Faraaci
(faraaci waxa laydku idhahdaa  todobadan god ee hoos ku  qoran)

1.Foocaar
2.Godan
3.God-xoor
4.Laxo
5.Lax-mar
6.Agaali-waranley
7.Agaali-caanood

Naafo
(naafo waxa laydku idhaahda todobadan god ee hoos ku xusan)

1.Afgaale
2.Naaf-cade
3.Naaf-madoobe
4.Tar
5.Kudxin-awr
6.Kudxin-cawo
7.Mijin

God-dirir
(god dirir waa todobadan god ee hoos ku qoran)

1.Babac
2.Bayaxow
3.Garbo
4.Gudban
5.Libcas
6.Madhan
7.Mareego-dheer

God-cirir
(god cirir waa todobadan god ee hoos ku qoran )

1.Jaruur
2.Jid-gabare
3.Jid-barbaar
4.Jid-dhiriqle
5.Jid-canbaar
6.Raab-hore
7.Raab-danbe

Waxaynu eegi doona xiddigo ay soomaalidu midkasta wax ku asteysan jireen, hayeeshee mana aamini doono kumna dhaqmidono umana soo gudbinayo in la tixraaco oo wax lagadayo, se aqoon ahaan iyo in ay soomaalidu mar ku dhaqmijireen ogaatana in sidaasina jirtey ayaa u jeedadeyda u weyni tahay ,

Waxaynu ka soo qaadan doonaa ilaa shan god
Naaf-madoobe: godkan soomaalidii hore waxay ka aaminsaneys qofka dhasha in uu yahay qof beel-daajiye ah ama hogaamiye ah in aad beeshada hogaamiye u noqotona waxay gashaa meelo kala duwan sida in aad dhanka afka aad hoogaamiye ku noqoto abwaanka xaafada, sidoo kale waxa iyaduna jirta inaad dhanka maamulka ka noqto hogaamiye, sidoo kale waxa jirta inaad madasha geedka ee garta ka noqoto hogaamiye gar yaqaan waaa ay badan yihiin waxyaabaha hogaamiye aad ka noqonkartid.

Naaf-cadde: godkan soomaalidihii hore waxay ka minsanayeen qofka dhasha in uu yahay qof aan la mahadin awlaad ama taran hanti ama xoolo midtoona yeenad.

Kodxin-Awr: waxa la odhan jirey qofka dhasha godkan meesiga ugu qalisan uguna qiimaha badani soomaalida dhexdeeda uma dhaqmo   umana tarmo waana geellu.

Libcas : godkan soomaalidii hore waxa ay ka aaminsanaayeen  qofka dhasha  ama ku beegma  in uu yahay qof hibo iyo cawo gooniya  leh 

Maraq-dhiigle: soomaalidi hore waxay tidhaahdaa godkan qofka dhasha waa qof dagaal badan oo faraha laga qaad ah kuna ah geesi fhnka dhagarta iyo dad dilka badanaana waxa dhasha dagaalada hogaamiya abaan duulayadha ciidamada iyo beelaha.
Laxo: laxo waa koox xiddiga ah, yaraantayadiina aanu cirka ka day dayi jirney habeenkii, waxana aanu waydiin jirney waalidkayaga, markaasey noo tilmaami jireen, na odhan jireen markey laxo dhacanbey, laxo dhashaan,
 Waxaan filayaa in ay intaasi nagaga filan tahay gododka iyo wax yaabaha ay ka aminsanayeen, oo dhamaantood ku sal leh faal iyo cilmi shaydaan, 
Waxaynu soo qaadaneynaa suugaan ka hadleysa   xidigaha iyo godadka ,kuna soo hal qabsadeen abwaanada soomaaliyeed oo mujineysa cilmiga xidigiska  in uu yahay cilmi  dadku yaqaanay waxaana ka mida kuwan hoos aan ku xusay

fanaanka weyn ee soomaaliyeed ee lagu magacaabo cali diiriye (cali gaab) iyo fanaanada aan ka dhicin  ee codka dahabiga leh ee saynab x-cali (baxsan) hesta ay kuwada luuqeeyaan ee la yidhaah (sabaalo) waxaka mida ereyo  abwaanku ku muujineyo waxayna  ku jira beydadka ay saynab  qaadayso,
waa sidan:

Sanadka aynu joogno
Sideed urura weeyaan
Sodon dhacay dirkiisee
Saddex weeye ururkii
Tirro  sagaaloo
Sukra wada fadhiistee
Faalkiiyo ishaartii
Lay siiyey xalaybaa
Suurtoobin waliyee
Sidey noqon alla ogee
Samir aynu lahaanoo

Abwaan xasan ganay isagoo  muujinaya  in uu faal shaydaan ku sal leeyahay 
waxa uu lahaa  sidan .

Fooxlaha faraaciga tarmiyo faal rogrogitaanka
Faruuryahaa runtii diidaye fidiya daacuunka 
Fahan xumada shicibka heshiyo ficilkan yaakeenay ?

Abwaanka weyn ee soomaaliyeed abwaan san gub waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya sukhra sidan.

Sukhra xalay ma aragteen
Inay siyaaday nuurkii
Saakana cadceedii
Ma sinoo gantalaha
Ma badelatay saacii
Sirta dirirku naafaha
Malahelay sansaarada
Sodonkii Ayaan dhalad
Xiddigaha sideeda ah 
Urur diiday saxalkii
Sinta ma isa saareen
Sebannayo jaliyeed 
Ereygii saraaradu
Seermaweydo ma u rogay

Abwaankii weynaa waxa uu ee cabdi gahayr waxa uu yidhi isaguna isagoo ka sheekeynaya godka uu dhashay uguna faanaya dadka sidan.

Afagaale urur soo baxaan uur haween galayee
Hooyadeyna aar gudayey aragtay waagiiye

Sidoo kale waxaan soo qaadan doona tix yar oon idhi

Nabarka caashaqu
Igu noqoy naafkoo
Nasteexo ku sheegi 
Naruuro ka heliwaa
Nasiibkeygaan sugi
Niyad sami ku dari
Mareeg-dheerta naagaha
Noolahana badisee
Cuudkana nuurisee
Lagu nagaan  jirey
Kama saarin naftoo
Naawilkeedaa jira

Waxaan halkaa ku soo afmeeri doonaa cilmiga xidigiska iyo suugaantiisa badan oo aan halkan kuwada soo bandhigi Karin madaamoo abwaankastaa uu ka gabyi jirey, ahayd wax dhaqankeena ahaa oo markasta lagu socon jirey oo lagu dhaqmi jirey.

qoraa ahmed mouse 
refence buugeyga hiddo koob qaybta tirsiga iiyo clmiga xidigiska
muse cali farur  barnamij laga duubay muse cali faruur iyo qoraalo u sameeyey  xasan sheekh muumin

Friday, January 26, 2018

HEESAHA HAANTA
Haantu waxa ay ka mid tahay agabka ama weelka lagu dhex
isticmaalo guriga waxana loo adeegsadaa in caanaha lagu lulo laguna
kaydiyo
Milayga ay barwaaqo jirto ay na da’een roobab arliga maansheeyey.
Hawlaha ay qabtaan haweenka somaliyeed waxa kamid ah in ay lulaan
caanaha kana soo saaraan subag
Marka ay caanaha lulayaan waxa ay isku maweeliyaan heeso waxana
kamid ah kuwan hoos ku qoran

Naayaa dhucdhuco dhabar yar
waagii dharaarowye
geellii dhabbaha qaadye
idihii dharaarsade e
odey dhagar qabii yimide
waa layna dhibayaaye
Sow ma soo dhanaanatid

Haantii gobeey haaha
gacantaydu kuma goosan
gacalkeygu ima siinin
waa gorof aan xooleeyey
oon guri ka soo qaaday

Haantii qabooy qoor yar
laba qaar laguu kala jar
laba qaalin kugu buubtey
geeljire ku qoraansay

Ma fayoobidoo ogiye
Fara kugu ma yaaliine
Hilaygiina lama furine
ma furkaa lagaa nuugay

Naa baayo beesheena
waa beelo ceebeede
yaan bilistii shirine
baayooy bulaay ii bax

Dirir oo dud oo joogso
reeraha mir oo mayrac
midigta kaga kaalay
oo murudna hawreebin
adigoo wal walaya
waa beriga ii kaalay
HEESAHA COWSKA
Cawsku waxa laga sameeyaa coska iyo maydhax la soo hay iyo
xadhko yar yar oo dhar laga sameeyey oo kala midaba duwan si ay u
soo saran quruxda iyo farshanimada lagu fara yareystey
Cawsku waa uu noocya badan yahay waxana ka mida kuwan ( food-
saar , labaale , todobaale , saddexaale , googoos iyo weedh)
Hadaba cosku waxa uu isaguna leeyahay heeso farabadan waxaana ka
mida kuwan hoos ku qoran.

Cadcadkaan samaynayoow
Casar baynu joognaayoo
Hadaan ciidankay helay
Caadil mahaddii weeyaan

Cowskanoow sabool diidoow “hoyel”
Allow suuqa lagu dhigineey “hoyel”
Sodon lagugu baayicineey “hoyel”
Sumbo aqalku baayicineey “hoyel”
Yaa sameeyey lagu odhoneey ”hoyel”



Qoraa ahmed cade
Sawiro  kebed la sameeyey





HEESAHA KEBADDA

Kabaddu waxa ay ka mid tahay agabka uu ka kooban yahay aqalka
soomaaligu waxana laga sameeyaa xadhko laga soohay maydhaxda
dhirta taasoo lo farsameeyey si aad uquruxbadan markaad aragtana ay
ka muuqato farshanimo gaar ah
Hawsha kabadda ama kabadda waxay haweenka soomaaliyeed
usameeynjireen una qaban jireen si wadar ah iyo si kali ahba waxaynu
ku arki doonaa heesaha qaarkood haddaba haweenku waxay isku
dhaafinjireen howsha culeyskeeda heeso aad u quruxbadan lana
ashqararayso luuqda markey qaadayaan waxana ka mida kuwan hoos
ku xusan.

Koronkor cunni maynoo
Kariba maynee
Karuur geel
Ma lahayaayeey

Naagta kabadda lahey
Kaalin daraneey
Adigaan kayd u sii dhiganeey

Baarqab waa seedoo
sariba maynee
Sagaal jirgeel malahayaayeey

Geedba geedka u dheer
laga garaacyeey
Galool mudhay mulaaxdiyeey

Baran barshaalayeey
Buulshareeraay
Ma maantaan bahkuu helay

Heestani waxa ay caddeyneysaa in kabadda ay haweenku mararka
qaarkood wadar uwada sameyn jireen hadba intii isku ardaa dhowna
waddaagi jireen .

Naagtaan daah xidhaneey
Doco dalooleey
Ninkaagii dabashoodyeey

Awdal laga keenyeey
Alalag dheereey

Gabadha soogabiyey
Gudo xariireey

Sunday, January 21, 2018

              ALOOLKA
Aloolku waxa u k a mid yahay qalabka laga sameeyo aqal soomaaliga
waana kuwa ugu muhiimsan ee dhaxanta roobka qoraxda intaba celiya
Aloolka waxa sameeya oo diyaariya dumarka somaliyeed inta badan
waxa laga sameeyaa geedka loo yaqaan (duur) sidookale waxa soo
raaca oo laga sameeyaa maryo ama dhar googay oo dug ah kuwaasoo
xadhko laga soohay ayaa lagu xidhxidhaa
Haweenka soomaaliyeed marka ay howsha sameynta aloolka ay
qabanayaan waxa ay adeegsadaan heeso ay isku dhaafiyaan daalka
diifta ay leedahay shaqaday qabanayaan waxana ka mid ah kuwan hoos
ku xusan
Alla waa xujooy
Oo waa xujooy
Geel xerada diidda
Waa xujooy
Xero kale ka ololaa
Waa xujooy

Alla waa xujooy
Oo waa xujooy
faras xerada diidaa
Waa xujooy
Xero kale ka dananaa
Waa xujooy

Alla waa xujooy
Oo waa xujooy
Gabadh xilaha diidaa
waa xujooy
xeelad bay ka wadataa
waa xujooy

Agabka aqal soomaaliga

Agabka aqal soomaaliga 
Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka
mida waxyaabaha lagu dhiso
Waxa loo soohaa loona diyaariyaa xadhko laga sameeyey maydhax
waxakaloo loo soo guraa sarab oo inta badan guriga gala sarabku waxa
uu iskugu jiraa dhowr saraba oo laidhaahdo udub oo faraaro leh si loo
gu abto guriga dhismihiisa
Waxakaloo jira dhigo iyo lool dhigaha iyo loolkuna waaxa laga sameeyaa
oo laga soo jaraa dhirata waana laamo jilicsan oo xadhko lagu meeray
inta dhowr layskugu xidho waxakaloo laga soo jaraa dhirta xididkooda
Sidoo kale waxa jira kuwan aan sida fah fah san uga hadlidoono ayna
sameeyaan dumarka soomaliyeed waxana kamida kuwa ugu mihiimsan
 Aloolka
 Kabedda
 Cowska
Waxa kale oo ka mida ah waxyaabaha aynu ku soo qadandoono
maacuunta ama weelka soomalida ee guriga lagu dhex isticmaalo
waxana kamid ah
 Haanta
 Mooyaha
 Iyo kuwa kalee aan lahayn heesaha sidooda loo
isticmaalo
Lasoco qaybaha danbe

Qabyaalad

Qabyaalada                 Qabyaalada   Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...