Guurka iyo caado dhaqameedka somalida
Guurku waa heshiis shari ah oo ku qotoma diinta ama dhaqanka
Waana afgarad ka dhex dhaca laba qof oo lab iyo dhedig ah kuwaas oo ku heshiiya in ay reer yagleelaan ama ay dhistaan
Guurku waa saldhiga taranka aadamaha oo haduu guur jirin waa uu dabargo'i lahaayeen dadku
sikastooy ahaataba bulsho waxay ka unkuntaa dhismaha qoyska waxa sida la og yahayna dhidibada u aasa guurka kalsooni dhex dhacda labada qof ee isguursanaya ama is fahan dhex mara labada jinsi ama labada shaqsiyeed
Guud ahaan bulshooyinka caalamku waxa ay ku kala duwan yihiin dhaqamada iyo caadooyinka la xidhiidha dhanka guurka taas ood arkeyso wax yaabo badan oo lagu kala tagsan yahay hadaba dadyowga somaliyeed waxa ay leeyihiin caadooyin u gaar ah oo cidana lawadaagin
dhamaan somalida dhexdeeda cadooyinka waa ayka kasimanyihiin waloow ay jiraan kala duwanaansho deegaan kaasoo sababay farqiyo dhanka guurka ah
hadaba waxa jira guurar farabadan iyo caadooyin kuwaas oo ka baxay saaxada nolosha bulshada soomaalida
waxaynu isku dayidoona in aynu si kooban u sharaxno guurka iyo caadooyinka somalida
NOOCYADA GUURKA SOOMAALIDA
Guurku waa noocyo badan yahay midkastana waxa uu wataa caado soo jireen ahayd oo laga dhax lay dadkii hore ee somalia ahaa waxanad arkeysaa in ay yihiin soomaalidu dad dhaqan s facweyn lahaa muddo badana xoojinayey dhaqanka se waxa maanta ka muuqda bulshadu dhaqan ka guur iyo ka sii fogaansho ay sabatay ka imaanshaha dhulkii dhankaqanku yaalay siada miigii waxana ka mid qaar dabar go'ay iyo qaarkale oo sii dabar go'aya waxana ka mida guurarkii hore ee soomaalida noocyadan
v Geed-fadhiisi
v Heerin
v Dhabar-garaac
v Xigsiisan
v Dumaal
v Godob-reeb
v Xudun-xidh
Geed-fadhiisi
Geed-fadhiisigu waa habka ugu sareeya guurka soomaalida waana guurka ugu maamuuska badan uguna sharafta badan waxankamida qaababka uu u dhaco ama loo gudoomo inanta laka guursanayo qaabkan hoos ku xusan
marka hore doobku waxa uu sahan u gali jiray soona day dayi jiray isaga iyo dhalin yaro kamida beeshiisa waxayna dhalinyaradaasi ku taakuleen jireen doobka si uu usoo helo inan tii ku habooneyd wiilka
inanta laguma deg degi jirin oo way hubsan jireen in ay tahay inan gabadh gaari ah oon baaliyo basritoona ahayn sidoo kale inantu iyaduna dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay doobku haduu ku qanco inanta waxa intaa ku xigtay in reerka ayaa loo sheegi jirey inanta hablaayo in loo so geed-fadhiisan doono malinta caynkaas ah reerka ay inantu ka dhalatay waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan una waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa kaaso muhiim ka aha dhaqanka somalida waxakaloo reerku diyaarin jireen sooryo lagu cuno inta lagu jiro bixinta inanta
hadaba inta ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay kaftan iyo taarriikhada hablihii hore ee la kala guursaday iyo guulihii ka dhashay ayaa lays dhaafsan jiray intaa kadib waxa madasha ka kici jiray af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey
Mantana muraadkayagu waa hablaayo ood hebel siisaan oo nagula xididaan
|
markuu dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo yahay ama inanta bixinaysa isguna waxa uu hadalaka ku soo koobi jirey sidan soo socota
Idin siinay idin kula xididnay hablaayo
|
marka intaa lays dhaafsado waxa loogu jawaabi jirey [idinka gudoonay] intaa kadib waxa gacanta isaari jirey wakiilada ka kala socda labada dhinac sida caadada ah inantu kama soo qaybgali jirin ama kama aysan xaadiri jirin geedka iyo madasha lagubixinayo sidoo kalena inanku kama hadli jirin goobtaa
islamadasha waxa lakala qaadan jirey gabaati
Gabaatigu waxa uu ahaan jirey faras shaabuug kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo badan
hadaba waxa inanta bixin jirey inant inta badan aabeheed oo ah ninka ay ka godo arinta gabadhisa ama inantiisa waxakaloo bixin jirey hadii lawaayo ama sababo kale ku yimaadaan awoowgeed oo ah masuulka labaad ee inantu ka godo ama bixin kara wxakaloo soo raaca adeerkeed ama walaalkeed haduu qaan gaadh yahay intaasiba waa ragga aasaaska u ah dumarka ee bixinkara waana lagama marmaan
HEERIN
Heerinku waxa uu ka mid yahay guurka soomaalida ama caadooyinkii hore ee laga soo gaadhay dumarkii hore ee soomaalida ahaa
guurka heerinku waa guurka inta ay gabadhi reerkooda ka tagto aysan aabeheed bixin oo ay reer iska dul fadhiisanto ooay tidhaa waxaan ahay inan heerin ah
waana guurka soo go a dumarka marka la guursan waayo ama ay gashaanti ay noqoto oo uu guurku ka raago waxa kaloo kamida in inant ay nin isaaqsatay ama eegatay ooy doonayso in ay guursato sidaasina waa ay keeni jirtay
waxa kamida qaababka uu u dhaco guurkan
in ay hablo dhowr ahi ka raago guurku ama ay noqdaan hablo waaweyn oo la danayn waayo ka dib waxa ay gaan san jireen in ay isaga tagaan deegaanka ay ku nool yihiin oo ay tagaan deegano kale waxayna ahaayen guurdoon oo sida ay u socdaan ayaa reerka ka soo horbaxa ay iska fadhiisan jireen iyagoon idan waydiisan
markaa waxa la odhan jirey waxa inoo soo galay hablo heerin ah waxan kala qaybasan jirey ragga reerka jooga oomarka meel laga eego guurkani waa guur qasab oo waxa jira haddii aad soo saarto hablaha xeerar adag oo ay soomaalidu ku dhaqmi jireen waxana kaimd ahaa in inant heerinka ah ee lasoo saaro ay tahay sharaf dhac oo lagu xadgudbay sharafta qabiilka ay ka soo jeedo iyo sharafteeda waxa kaloo xeerarka soomalida kamid ahaa inan ta lasoosaaro iyda oo heerin ah in magteedii labixiyo oo 50 halaad la dhiibo xeerarkani waxay ahaayeen qaar muhiim ah oo aan suurta gal ahayn in dhayal layskaga daayo
xaalkuna waa uu adkaa oo haday qabiil bixin waayaan waxa lagu tala gali jirey dagaal goobtana waxa ka dhici jirey colaado horle
DHABAR-GARAAC
Dhabar-garaacu waxa uu kamid yahay qaababkii loo ggursan jirey gabdhihii soomaalidi hore
guurkani waa guur qasab ah oo waxaad arkeysa sifooyinka xun ee uu leeyahay waxana kamida qaabka uu udhaco
in inani ay nin ku tidhaa ima guusaneysid aniga oo ku dayriso guur uu waydiistay ka dib marka uu xanaaqo waxa uu samaynayaa in iyda oo adhi la joogta ama ciyaarka ciyaareysa uu soo qabto isaga iyo dhalinyaro kale oo uu soo kaxaystay waxana si garbaduub ah loo soo kaxayn jirey inanta oo hadii ay diido in ay laba dhangadood gosha u galiyaan ayey qaadi jiren waxa kale lasmayn jirey intaa ka dib in inanta uu abeheed qasab ku bixiyo ileen waa la taybee
XIGSIISAN
xigsiisanku waa nooc ka mida guurarka soomaalida ay caado dhaqameed ay u leedahay oo laga soo gaadhay dadkii hore ee soomalida ahaa
xigsiiisanku wuxuu imaada marka ay dhimato gabadhii uu qabay nin ka dib waa marka uu reerku siiyo inankii isla reerkii ayaa layidhaa hebel wuu xigsiistay inankale ayaa la siiyey
inta badan waxa ninka lasiin jirey marka ay ka dhimato gabadhiisi hore ee uu qabay inan ay walaal ahaayeen marxuumadii ka dhimatay ninka
inta badan waxa ay dhici jireen marar dhowr ah waxana ka mid ah
Gabadhu ama marxuumadu ay ka tagay caruur yar yar oo loo gu daneynayo caruurta iyo reerka
In ninku ku cusub yahay guurka taasina waxa la siiya gabadh kale oo ubadasha tii ka dhimatay taasina waa ay keenta xigsiinka
ujeedooyinka xigsiisanku waa wax wanaagsan oo dhaqan ah kaasoo loogu danaynayo caruurta iyo reerka oo looga baqaayo in ay dayacdo hadii gabadh kale soo gasho caruurtana si ku haboon u dhaqi weydo caruurtii rajoowdey ee hooyadood ka baxday
waa caado aad u wanaagsan waxayna ka mid tahay dhaqameed waana guurarka sii dabar go'aya ee guurarka soomaalida
nin la odhan jirey samatar baxnaan oo xigsiisatay gabadh markey ka dhimatay tiisi hore waxa uu gocday in ay san u dhigmi karin tani gabadhiisi hore ee la odhan jirey cibaado waxana uu tiriyey tixdan waxase u soo jawaabay nin ay gabadh ay is xigeen oo ku leh waar hab laha ama gadadha waa loo xil qariyaa ee u xil qari ankuba hablaha waxba kama sheegne
caku dunida cuur wada dhashaa qaarba cayn yahaye
caleemaha baxayaba darbaan carun ku dheehnayne
yaa yidhi cibaadiyo tanaa caano wada nuugay
waa tan jawaabtii
Ninkii qaawiyaa dumar ku arag qoonsimaad badan e
Anagguba hablaha waa qabnaa waana qarinaaye
Qaylada maxaad samataroow kor ugu qaadaysa
DUMAAL
Dumaashu waxa ay ka mid tahay guurarka sii dabar go 'aya ee ka dhexbaxay bulshada dhexdeeda waxana ka mid tahay caado dhaqmeed laga soo gaadhay dadkii hore ee soomaalida
dumaashu waxa ay ahayd marka walaalka uu ka dhinto ama inadeerka gabadh uu qabay ood guursato adigu ayaa la odhanaya hebel waxa uu dumaalay hablaayo
dumaashu waxalogu danaynaya caruurta si ay u dayacmin oo aan raaska uusan u soo gelin nin caruurta waxba u ahayn
dumarku madumaalo qof aysan dooneyn oo ay ka raali ahayn aysan ragganimadiisa geesinimadiisa ay hubin wuxuu yidhi nin abwaan ahi isaga oo kahadlaya arintaa waxa uu yidhi sidan
ü Madumalo naagaha ninkay nolol ku dayrshaane ;
abwaan salebaan carrabey
GODOB-REEB
Godob-reebku waa nooc kamid ah guurka soomaalida ama siiyaabaha laysku siiyo hablaha
gudob-reeb ku wuxuu dhacaa marka dhiilo ama dagaal ka dhex dhaco laba beelood oo meel wada dagan
marka beeluhu islaayaan kalana gaadho dhiig dadkuna kala kaad sadaan isku socodkii colaada awgeed ayaa odayaasha labada beelood ay iskugu iman jireen geed hoostii si ay u xaliyaan dhibaatada ka taagan bulshada ay ka soo jeedaan iyo habkii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa ayaa ay howsheda galaan
garta waxa laysku haysto iydoo ay u gar naqijireen dadka baxsan labadaba waxa hubaal ah in ay labada beelood ee colaadu ka dhexayso samayn jireen in guurtidu tidhaa beelwalba waa in ay soo saartaa hablo dhowr ah
ka dib waxa lays waydaarsan jiray oo lakala guursan jirey
halkaas ayaa labada reerna ku xididi jireen waxayna noqon jireen umad aan kala maarmina oo abti iyo inankii ku ahaan jireen
sidaasna waxa loo samayn jirey in ay nabadi ku dhalato wayna ka dhalan jirtey
XUDUN-XIDH
Xudun-xidhku waa nooc ka mida siyaabaha ay soomaalidu isku guursato waana guur soo jireen ah oo laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida ahaa wana mid qiimo badan
xudun-xidh ku waa marka inanta uu aabeheed ku idhaahdo hebeloow inankaaga ayaan inantayda ugu xudun xidhay oo macneheedu yahay way is guursanayaan markey weynaadan
hadaba guurka noocan ahi waxa uu dhicijirey markey laba qof ama labada waalidi ay saaxiib isku dheer ahayeen ayaa ay inta badan sidaa samayn jireen si ay san u kala tagi una kala fogaan
guurkani waa guur dhib badan oo aad u adag mataqaan inantu inanka ay guursanayso raalina kama aha mana wada hasaawin maysan dooran iyadu waxa kaloo intaa lawadagaa inanka
guurkan waxa lakala gudoomay inantaiyo inanka oo yar ama uurka ku jiraan hadaba marka dhan laga eego noocan guurka ah ma 'aha mid fiican oo loo bogikaro
soo koobid caadooyinkii hore ay samayn jireen dadkii soomaalida ahaa xiliga guurka
KAALADA: kaaladu waa dhaqan ay leedahay soomaalidu waana caado soo jireen aha guurkana u ah wax muhiim ah
hadaba kaaladu :ereyga sida kamuuqata waa taakulayn iyo wax tar qof ubaahan in loo gargaaro micnihiisadhabta ahna waa gargaar
kaaladu waxa ay ahayd in inanka guursaday xoolo loo ururiyo dadku siiyaan maal inta ay karayaan ayuu qof kastaba keeni jirey
waa waxa wanaagsan in lacaawiyo dadka ama qoyska cusud ee hadda la yegleelaayo hadana waa ay ka xishoon jireen dadku in ay guursadan iyga oo faramadhan taasna waxa ka hadlay abwaan la odhan jirey Xuseen Qasaal oo lahadalayey inan uu adeer u ahaa isada oo yidhi inan ayaan guursanayaa aniga oon xoolo faraha ku hayn abwaankiina waxauu yidhi sidan
Nikay oori caydhihi siidii aarka daba joogto
Goortuu ayaamo ugalmoodo aradku hayn waaye
Inkastood asaag kula midiyo ayni kale raacdo
Waxaad iman ayaantuu tashigu oodan kaa gale e
Adeerkaa rumaad baan ahiyo aabahoo kale e
Arintayda maqal jeer danbaa la arki doonaaye
waxakaloo lasheegaa in Abwaan Cismaan Aadan Dibi oo xoolihii ka kala dhimeen ayaa abihii waydiisanayey geell uu ku daro xoolaha reerka loo geynayo waxana uu tiriyey tixdan hoos ku qoran
Aabow rag manidiisa waa madhacsamaadaaye
Aabow ma meermeeri karo mayayna soo hoorye l
Aabow hadaan laga makalin maahirey dhaliye
Aabow mar qaliil iga madhwayn ha igu maydiyayne
Aabow marbaa igu hadhaye mawsinkii ridaye
Aabow mar qudha waadan arag midab haldhaaleeye
Aabow midha faarax iyo madaxdii weeyaane
Yarad: yaradku waxa uu ahaa xoolaha labixinaayo marka inanta lala soo wareegayo
Gabaati : gabaatigu waxa uu ahaa xoolaha lagu bixiyo madasha la fadhiyo ee inanta lagu bixinayo
hadaba yaradku waxa inta badan inanta lagu jaangoyn jirey yaradkii hooydeed laga bixiyey kaasoo inuu kabato mooyee inuu kayaraado ay adkaan jirtey
ninka waxa lagu qiimayn jirey ama lagu maamuusi jirey inta uu ka bixiyey xoolo inanta uu guursaday xoolo badan in aad bixiso waxay ay ahayd mid uu ku faano hadhowna uu kula gorgortomo ragga ka soo dooni doona hablihiisa
waxaynu soo qaadan doona tixyar uu leeyahay cabdi bacaluul oo intuu xoolo laxaad leh bixiyey lagu soo yidhi soo kordhi waxan angu hablahayga kumabixinee
Xoollaa laxaad leh ee waxkale libin ma hooyaane
Lixdan adhiya iyo qaalibay igaga laaleenee
Liil geliya caawana wixii lagula laabmayo
Hadaba waxahablaha lagu bixin jirey xoole ahaan marka la eegayo waxau badanaa uguna qaalisanaa inana ku soo xero gelinaya waa geell geelluna waa xoolaha ugu qaalisan ee ay dhaqdaan dadka sooomalida waxana cayna in hablaha lagu bixin jirey geella tixdan uu leeyahay Abwaan Salebaan carrabey
wuxuuna yidhi sidan
Guurdoon haddaad tahay asaad geela bixinayso
Waa gaadan jirey inan ninkii goosan karaayaa
Gabadh waliba waa hooyadeed tay ugurataaye
MEHER :
meherku waa xoolo aan reer iyo qoysna lahayn oo lasiinayo gabadha waana xaq ilaahay ugu waajibiyey ragga inay dumarka siiyaan waxa waana shardi diineed oo hadii lawaayo uuna ansaxayn meherku
Meherku sidoo kale wuxuu lafdhabar u yahay ka heshiinkiisu fulida fulida guurka iyo habi usocodka hanaqaadka in la noqdo lamaane wadaaga nolosha
inkastoo lagu kalaa duwanaa deeganada soomaalida wax yaabaha lagu bixin jirey meherka gabadha inta badan caan ahaa geella dayowga kale een haysanin geellna waxa uu ahaa kolba waxa ugu qaalisan ee laga helo ama laga isticmaalo deegaanka ay ku noolyihiin
DIIQQDA
Diiqadu waa xoolaha lasiiyo reerka cusub ama labada qof ee is guursaday ama labada qof ee lamaanaha noqday
dhaqankan oo laga wada sinayen waa caado lagaga dhaqmo gobolada qaarkood
marka la bixiyo inanta ayaa labada qoys ee xididay ka balamiyi jireen waqtiga aqal galka kaas oo aan ka yaraan jirin muddo sanad ah muddada sanadka ah reerka laga guursaday inaanta ayaa waxa ay sii diyaarin jireen aqalkii aygali lahaayeen reerka cusubi oo dhamaystiran
MARIIN
Mariinku waa dhar dahab ama lacag adag uu keeno wiilku una keeno inanta ama aroosada
berigii hore waxa ugu mihiimsanaa oo mariin layskugu keeni jirey cunaabi suuqad iyo muriyad beryahan danbe ee magaalooyinka layimi waxa ugu qaalisan dahab lacag wax mariin laysku siiyo
waxa laguda galaa intaa kadib in arooska ladiyaariyo oo lasameeyo madal laysku arko lana oogsado mashxarada ciyaaraha heesaha gabayda geeraarada buraan burada iyo waxkastoo ka qaybqaadan kara farxada waloow maanta ay ka gedisan tahay waxyaabahaynu kor ku soo xusnay
GELBINTA AROOSKA
Marka aqalka ladiyaariyo ayaa arooska iyo aroosada midba dhinac laga soo galbin jirey iyadoo loo soo wado madasha ama aqalka loo diyaariyey haduu yahay laba daryaale iyo ganbisba midku doonaba hanoqdee aqalka loo dhisay ayaa la keeni jirey galbiskuna berigii hore lugbuu ahaa
aroosada dumarbaa soo galbin jirey mushxarad iyo heeso ugaar ah yaa ay u qaadijireen aroosada iyaga oo daafaha kasocda marka ugu danbeysana waxay keeni jireen aroosda hoyga iyada oo faraxsan lagan adheenaayo waji furan
inta badan waxa aroosada ay wadan jirtey ilmayar ama daadahayn jirtey sidoo kale waxa ay sidan jirtey dhiil caano ah sidani waxa ay ahayd filasho iyo rajeyn wanaagsan oo looga jeedo caruur iyo xoolo badan
Ragguna
ragguna geestooda ayaa ay kasoo galbin jireen arooska ayaga oo ku labisan dhar aad u bilicsan una badan dharka hiddaha iyo dhaqan kaynu u lahayn sitana gaashaan iyo waran marka layimaado hoyga arooska ayaa ciyaar lakala oogsan jirey ragga iyo dumarka
waxakaloo jirtey in aroosada lasoo raro kahor ayaamaha arooska oo lakeeni jirey aqalka cusub hooygeedana waxa looga dhisi jirey meel ka yara durugsan raaska
HEESAHA AROOSKA
Marka inanta lasoo kaxeeyo ee aqalka lasoo galbinaaayo aqalkeeda waxay dumarku uqaadaan heesahan kuna guubaabinayan
gaarinimada iyo isku filnaasha ay reerkeeda ku dhaqilahayd waxaana kamadh neyn ducooyin ay u du cayn jireen una filaanjireen ubad iyo xoolo badan walina dhanka wiilasha ayey ubadin jireen
waxana kamida kuwan hoos ku xusan
Gabadha soo gelbiyey
Gedo xariireey
ninbey jabaday
jookh dheereey
Qacmo meel wadatooy
Gabadha qaliifooy
Wacayskii qoraye
Adigu qaadooy
Qaalmo meel wada tiyo
Gabadh qaliifooy
Wacays raagey
lagaa reebyeey
Arooskeena aamiin
umulo wiil leh aamiin
Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
GAAF
Gaafka waxa laga isticmaala gobolda qaarkood oo loma dhama waa meel la waageeray oo lagu qurxiyey gogol sharaxaad kale oo lagu soo gunaanado xaladihii iyo munaasibadihii socday arooska habeenkaas xeedhadii arooska la keenaa oolagu soo bandhigaa dadka hortooda is la habeen ka waxa suga habsami u socodka madasha iyo kala danbeynta hablahaasi waxay sitaan ulo ay ku hagaajinayaan kuna edbinayaan qofka xumeeya madasha
xeedhadu waa fujaan ay ka buuxdo muqmad taasoo lagu dahaadhay timir laga saaray laftii lana xashay waxa ku qofilan dabaq iyo sati oo sidii gabadh caruusad ah ayaa loogu soo lebisaa waxna loo xidhaa maro masar hilqado katiinad boqor dhacleh kabo intabadan waxa lagu xujeeyaa ragga ka soo jeeda dhanka ninka arooska ah dhalin yara ayaa is ku dayda in ay furaan se ma gartaan mana fududa sida lagu furo xeerada waxana fura qof aqoon dheerada u leh dhaqan ka kuna xeerdheer hidaha iyo dhaqanka
furida waxa laga bilaabaa hilqadaha katiinada iyo masarka oo inta hoos loosocdo ugu danbeyntiina waa laga wada siibaa ilaa kabaheeda qofkastana oo garan waayana hablaha ayaa ku karbaasha ulo
madashani waa madal laysku xujeeyo laykuna tijaabiyo maskaxaha kala duwan ee binu aadamka jirabkuna kama maqna waxa kaloo lasameeya in lays waydiiyo hal xidhaalayal suaalo dhankasta ah qofkii garan waayana waxa xukumi jirey maxkamad ay samaysteen wardiyaasha madasha ama askarta meesha joogta askartu maaha askartii caadiga ahayd ee aynu naqaanay waa dhalinyaro madasha jooga oo dadka su aalaha waydiinaya
madashani waa madal ay isku bartaan dhalinyarada arooska ka soo qaybgashay taasina waxay fursad sii saa in ay samaysmaan qoysas cusub ku waas oo salka u sii adkeeya jiritaan binu aadam ka iyo tarankiisa
xididaynta guurka
xididaynta guurku waa waxa ay isku noqonayaan labada reer ee iska guursaday maraka laga hadlayo dhaqanka soomaaliga
xididnimadu waxa ay ka dhalataa guurka oo waxa lo odhanayaa labada reeri waa xidid iygoo looga jeedo labda reeri inay
waxbay kala qabaan sidoo kale xidinimadu waxay dhalisaa in lays ixtiraamo lays sharfo lays maamuuso qoysba qoyska kale
inanka arooska ah abihii waxa uu unoqonaya inanta lasoo guursaday soddog hooyadana waxay unoqonaysaa inanta aroosada ah soddoh inanka arooska ah waxa u noqonayaa inamada ay walaalaha yihiin inanta seedi hablahana waxauu unoqonayaa dumaashi hadaba haday sidaa isku dhex galeen labada reeri waxana keensanaya dhaqankeena qaayaha badan xidhiidh ku intaa kuma eeke waxa uu gaadha qabiilka oo dhan oo waxa layidhaa reerkaa hablaynu ka qabnaaye wanaajiya
khilaafka iyo sababaha keena qoyska soomaaliga
khilaafku waa wax iska caadiya ooka dhex dhaca dad meelkuwada nool waanu imankara xili kasta saban kasta ileen meel dad iskugu yimid lagama waayo ismaan dhaafe wana ayka hor imankaraan lamaanuhu soomaalidu way ku maahmaahan iyagoo sheegaya in uu khilaafku wax dhicikara yahay sheegaya waxay dhahaan {carab iyo ilko ayaa isugu dhow oo iyaguna way is qaniinaan }
laakiin waxa nasiib dara ah in la xalin ka riwaayo khilaafka yimi
xurguftu waa ismaan dhaafka ugu yar ee dhex marta lamaanaha iyo cidkastoo khilaafka dhexeeyo
waxayaabaha layskaga hor yimaado inta badan ka waxa ka midahaa sida loo dhaqaaayo reerka ama dayac xumo ka muuqata xoolaha iyo reerka waxana heerka ugu sareeya kaga jiri jirey marwooyinka loo yaqaan baalida ama basarida
waxa inta badan muranku salka ku hayn jirey dayactirka reerka xoolaha caruurta odayga marti galinta iyo sooryenta culumada waxana sida muujinaya abwaan soomaliyeed oo kor iyo hoosba waxa ugu sheegay gabdhiisa laakiin ay qaadan wayday oo kasiiqaday walaf ilaa ugu danbeyntiinamarkey dhagjalaq usiinwayday soo bandhigay eenta iyo ceebta ay leedahay gabadhiisan uu qabaa waxanuu ahaa ninkii la odhan jirey maxamuud cali beenaale
wuxuuna yidhi
naagyahay wadnaha kuuma gelin waanadii hore ee
weedhaan qalbiga kuugu ridey welefku kaa qaadye
wacdigaan ku faray waadigaan wageree xaalaynee
haddaan wayne kaa qaban asaan waaxidkaa celinnin
walaalinta ubadkaaga waa lagala weecdaaye
kaa waayey wiilkaaga ood sidato waa noole
waayeel cirro leh weedh xunwaa lagala waabtaaye
kaa waayey inaad waalidkey waxu lilleysaaye
wehel culumo kama maarmi anigoo weyne
kaa waayey inaad waysada weli u qaadaaye
dhallinyaro walaashayn haddaan waabka soo geliyo
weylaalistaad ii dhigitiyo waalidiyo gaadha
kaa waayey meel wacan inaad wagac ka siisaaye
xigta weehad laga soo lisiyo weris dhanaankeeda
kaa waayey inaad weel culan wax igu siisaaye
wejigaa la maydhaa kolkay waabberkii tahaye
ma widh widho jidhkaan lagu wadeyn weelka dhaashiga e
kaa waayey weligey inaan waana kuu bogo e
ALLE ha unaxriiste abwaanku si qoto dheer ayuu u waaniyey waxna ugu sheegay qofta dumarka ah in ay dhinac yada uu tabanayo ay sidan udhaanto
Abwaanada soomaaliyeed marna kama gaabin in ay wax u sheegan dumarka una tilmaaman dowga saxda ah ee ay mari lahayd iyo waxa ay kaqaban lahayd
nin aftahan aanan magaciisa haynin ayaa gabadhi guur ka dalabtay waxa uu ku lahaa isaga oo u sheegaya wax uu rabo in samayn lahayd haday noqoto afadiisa wuxuu yidhi sidan se ma ah gabay waxaanka mid ahayd kalmadahan
ninmishiiqsi badan baan ahee maydhasho hadaynin
kol haddaanad iga maarmin idan ha moogaan
tuurey ganbadaadu leedahaye taabo madaxaaga
habeenkii hurdada tiinbo towdhe waaberiga
yuu adhigu kaa kala taginee tiri baraarkaaga
xildhibaan ogow waxaan jeclahay xaraf gobaadeede
xoolana ogoow nimaan lahayn xagashu waa weyde
hase ahaatee arintu waxa xurgufta xalin jirey isla odayga reerka ahna ninka qaba gabadha waloow ay ceeb ahayd oo ay dadku inta badan usan u bixi jirin khilaafku dibada laakin mararka ay xaaladu adkaato ayna lagama marmaan noqoto in dadkale xaliyaan ayaa odayaal loo saari jirey arinta khilaafka waxaynaka koobnaan jireen odayaal ka socda dhanka inanta iyo kuwo kale oo ka socda inanka waxayna goyn jireeen garta oo ay siinjireen qof walba gartiisa hadii intaa ay ku xalismi waydo waxa looga sii gudbijirey go aan ya gaaran xeer beegtidu gu aankuna waxauu ku salaysnaan jirey in ay sii wada joogayaan reerku iyo in ay ku kala tagayaan marwalna waxa laxeerin jirey danaha reerka iyo caruurta
Masayr masayku ama hinaasuhu waa nooc labaad oo ka alkumo khilaafka qoysasku waana ka ugu adag ee ka dhex dhaca lamaanaha masayrku waxa uu dhacaa marka lala guursado gabadh kale taas oo ay ogalayn in lala qabo waxana inta badan lagu xaliyaa inuu ninku iska daayo reerka kale ama uu siiyo xoolo looyaqaan hinaasatir
hadaba waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa tixo gabayo ah oo kahadlaya guu r ka iyo kuwo laguu sheegayo laguuna tilmaamayo gabadha aad guursan lahayd sidoo kale quruxda gabdhaha iyo sida ay u yaqaanaan iyo talooyin guurka kusaabsan
abwaan maxamed fidhin isagoo ka hadlaya wax yaabaha lagu guursado gadadha waxa uu yidhi sidan hoos ku xusan
· Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
markale abwaan maxamed fidhin waxauu lee yahay waxan kuu dooray gabadhaa taana iska ilaali in ay gasho gurigaaga sababo badan awgeed waxa uu kuu tilmamayaa inaadan waligaa ku noolaaneyn nolol nasasho leh haday gabadhu diin lahayn waxba matarayaan reerka ay ka dhalatay haday geesiyaal yihiin yacni ubadka kuuma barbaariayaan maalna waxbamataraayo hadayna diinlahayn ayaa uu leeyahay abwaanku
Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
abwaankale oo soomaaliyeed ayaa isna si fiican u tilmaamaya quruxda gadadha soomaaliyeed iyo taad guursan lahayd hadaad guur aad u hawooto sifooyinka quruxda ay u yaqaaneen soomaalidii hore markay qiimaynayaan quruxda gadadha waxana uu ahaa abwaan maxamed nuur fadal
wuxuuna yidhi sidan
dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
Abwaan Axmed Maxamed Cabdalle waxauu isaguna ku farayareystay astaamaha lagadoonayo gabadha la guursanyo iyo ninka guursanaya dhankuu ka eegayo iyo wax yaabuhuu ku xulnaayo waxaanu yidhi sidan hoos ku xusan
Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Aw yuusuf maxamed xirsi oo lahaa gabayga guur aan kala aado ayaa waxa uu dhaliilay gabdhaha sidan ay tahay astaamahoogu kamidtahay gaabnaan ta iyo midaan xerada xoolaha hagaajin sida basarida iyo gabadh aan soo dhaweyn odayaasha taasoon laga xusin geedka ay isku yimaadaan odayaashu ayna odhan hablaayo uyeedha wax ha inoo qabatee ama wax haynoo karisee hadayna intaa koobsan guur aan ka la aado ayaa uu leeyahay abwaanku
Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
isla dumarkuna kama madhna dhankooga in ay astaameeyaan raga ay doonayaan in ay guursadaan iyo sifooyinka y ku dooran lahaayeen waxa aynu soo qaadan doonaa gabadh abwaanada oo ducaysaneysa allena waydiisanaysa ninka ay robto waloow ay ku sar goysay baahideeda dhanka diinta waana gabadha ahna abwaanada Canab Guuleed Maxamed
waxayna tidhi sidan hoos ku qoran
Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.
DHAMAAD