Thursday, June 28, 2018

TAXANE 4
---------------------------------------------------------------------
HEES FANEED
HEES CIYAAREED
TAARIIKHDA FANKA
--------------------------------------------------------------------

-Hees ciyaareed
---------------------------------------------------------------------

Hees ciyaared waa heesta la qaado marka ay dhalintu ciyaar dhaqameedka ciyaarayaan.
Hees ciyaareedku waa heeso wata inta badan jiib iyo jaan, waxa si wadajira ugu luuqeeya dadka wada ciyaaraya,
kuwani soo socdaana waa tusaaleyaal kamida:  

Botor nin bowsaday
Nin uu beerka kala jaray
Nin bartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala  beddalayaa

Botor ruux u soo baxay
U badheedhay keligii
Budulkiyo gegada  madhan
Baabacada soo dhigay
Kana baqay dhiggiisii
Botor nin bowsaday
Nin uubeerka kala jaray
Ninbartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala  beddalayaa،

---------------------------------------------------------------------
Hees faneed
---------------------------------------------------------------------

Sadexdan aan u qaybiyay heesaha  waa saddex aad u muhiima marka laga hadlayo hees
Heesfaneedku waa heesaha  casriga ah ee loo sameeyo  luuq , laxan iyo  muusig heesta intaa leh ayaa la yidhaahdaa  hees faneed, waana sugaanta la unkey ee lagranaayo cidii samaysay.

Waxyar hadii aynu ku noqono taariikhda hees faneedka waxa inagu waajib ah in aynu dib u milicsano balwadii iyo heelladiiba oo ah barta  ay ka soo unkantay hees faneedku.

---------------------------------------------------------------------
Balwo hello
---------------------------------------------------------------------

---------------------------------------------------------------------
   Taariikhda fanka soomaaliyeed
---------------------------------------------------------------------
Waxyar hadii aynu ku noqono taariikhda hees faneedka waxa inagu waajib ah in aynu dib u milicsano balwadii iyo heelladiiba,waana barta ay ka soo askuntay hees faneedku.
Hees faeedku waxa ay bilaabmeen sanadadii afartanaadkii waxana bilaabay cabdi deeqsi warfaa (cabdi-sinimo) wuxu ku dhashay tuulo ka mida gobolka awdal waloow aan wali la aqoonsan sanadkii uu tooska u dhashay lakiin waxa lagu qiyaasay  sanadkii 1918ilaa 1919  cabdi sinimo waxa uu ku kacaamay magalada boorama sidoo kale waxa uu ku qaatay qayb kamida waqtigii dhalaannimo magalada taariikhiga ah ee  saylac abo deeqsi warfaa oo ahaa abaha cabdi sinimo waxa uu ahaa odey ganacsade  oo bada  ku xidhan sidaa awadeed cabdi waxa uu sidaa ku noqday  reer magaal  oo kuma barbarin mi iyo dhul xoola joogaan
Cabdi waxa uu ka mid ahaa kabacadii boorama iyo saylac waxa uu ka xidhnaan jirey  sugaanta  oo waxa uu ka hirqaday wixii suugaan xiligaa jirtey sida gabayadii, geeraradii,  heesihii lagu ciyari  jirey  ciyaraha sayliciyada,   botorka, dhaantada iyo duni dawaaldii saylac.

 Cabdi waxa uu ka mid ahaa darawaladii  u  shaqayn jirey xaaji xirsi cawaale oo ahaa  ninkii waqtigaa la odhankaro waxa uu ku jirey ragga ugu taajirsan soomaalida,  xiligu waxa uu ku beegnaa 1940 markuu talayaanigu qabsaday dhulkii maxmyada ingiriidku ka talinjitey.
 Xaajiga shirkadiisa waxa siin jirey talyaaniga mashruuca gaadh siinta cunada raashiinka saliida ciimada talyaaniga  ee qabsaday  maxmiyada .
 Xaajigu waxa uu lahaa kolonyo baabuura  oo xamuulka daabulsha.

Cabdi waxa uu si wayn uga dhex muuqday dhalintii uu la noolala,  waxa jira marar uu ka qayb qatay ciyaro ay ka mid ahayeen dhaantaa waxana ka mid ahaa ereyadii  uu ka yidhi.

 wataa bohoradii la joogsaday
 wataa baabkii dhaanto loo galay
 wataa buluug laydha lasoo ridey
 wataase ninkii badin wayaa ba ay

Ereyadan kooban waxa uu ku ciyaaray ciyaar dhaanto ah   waxa kalo oo uu sheegayaa ninka fanka soomaaliyeed, wax ka qorey ee layidhaadho john willam johnson,  waxa layidhaahdo (mini Poetry)dadkuna uyaqanaan(Afarery) ama jiftadii xiliga  ee  gaagabneyd ama gabaygii oo la yar yareeyey waxa ka mida ereyadan.

        Anoo ka qab wayn
        Qoorta soo la liyeey
        War qabawlaha      
        Quusta ma u jaray

Sidoo kale waxa uu ku qayi li jirey, dun yaa dawaali oo ahayd tix carabiya,  waxana qadi jirey dadkii saylac kunoolaa, hadii aynu ku yara noqono taariikhda dun yaa dawaali  oo ahayd tixo carabiya,  
Saylac  waa deegaan ay wada dagi jireen, qoomiyado badan, carabta iyo soomaalidu  ugu mudnaayeen,  saylac oo kaliya may ahayn meelaha ay joogto carabtu,   dhamaan deegaanada ku teedsan xeebaha waa ay joogi jireen markaa waa waxiska caadiya in ay ku yeeshaan saamayn weyn bulshada, soona geliyaan sugaantoda,  dunyaa dawaalida wax aka mida tixdan hoos ku qoran
 
                       دن يا دوان    
      ---------------------------------------------------------------------
 بنتى قالت يا ابها            قم منى كرسى
زوجتى تاجا                    وحرمتنى فقيرا
 دن يا دوان                    عد يا زمانى
 بنتى قالت يا ابها          جنى لبه
 لما احب جرملى.           نلعب بل كره
دن يا دوان                    عد يا زمانى
يا طالعين عيد.             جميل رمد فيكم
هاتي قلام اكتب.            اسا معكم
دن يا دوان                      عد يا زمانى
دن يا دوان                      عد يا زمانى
  ------------------------------------------------------------------------

Sidoo kale waxa jira dad isku  dayey  in ay dun yaa dawali soomaaliyan a ama   tix  soomaali ah  ka dhigaan  wax aka mid ahaa ninkan oo la yihaahdo muuse cisman oo ahaa nin reer saylic ah

boorama nimanka tagayoow
haddii laybadalay saylac
uu buuga gaalka ku dhacay
aniga iyo baabuurku
alla I baday burcada
feedho weynta iyo
 boodhka giriyaade
alla ibaday bariis qaraxa
iyo caano baridee
allaa ibaday basari naaga
iyo buulkii qayibe
ax yaa sabaani
ax yaa sabaani
ax yaa sabaani

Sido kale cusmaan  wuxuu isku dayey in uu  dhowr jeer dun yaa dawalida badalo,kuna badalo tix waxana ka mid ahayd tixdan yar oo uu tiriyey inan u jeclaa.

ma darbiyadaan la hadlayaa
mise dhagax dugoobey
mise anuubaa daf yidhi
meel aan lay diranin
mise adigaan hadalku kaa degin
yaabtay dunidiyee
ax yaa sabaani

cusmaan sidaas ayuu iskugu deyey inuu u badalo   dun yaa duwaalay  oo uu soomaaliyeeyo.

Hadaba  cabdi  isagoo ka dharagsan waxasoo  odhanan,  waxa ay hilin u  u furtay  cabdi  hanaqadka fankiisa bilaabay,  haddaba  cabdi safaradiisi  mid  kamid ahaa ayaa waxa dhacday inuu kaga jabo baabuurkii meel u   dhaxaysa, boorama iyo saylac ooo lagu magacaabo, (banka geriyaad ) cabdi iyo kirish boogiisi waxa ay ku daaleen, samaynta baabuurka,  cabdi waxa uu halkaa ka qaday ereyadii ugu horeysey, ahaydna barbilowgii balwda ama fanka soomaaliyeed,  balwo waa naaneys  gabadh uu  jeclaa cabdi,  waxana la  odhen jirey khadiija cige dharaar khadiija balwo, waana inanta uu sabab u ahayd in ay heesuhu bilaabmaan.

 Cabdi mahaysan muusi, se waxa uu muusig uga dhigay bir uu ku furfureyey baabuurka taas ayaa uu ku  qaraacay birkale,   waxana ka mid ahaa ereyadii kuwan  hoos ku xusan.

balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
wax ibeleeyey  boorama e
balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
wax ibaleeyey  beer guba e
balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
waxa I beleeyey baabuure
balwooy hooy balwooy

Waxa ay noqotay   bilowgii fanka soomaaliyeed,    waxakaloo  ahayd, asalkii ay heesaha casriga ah KASOOO ASKUMEEN.

 Cabdi waxa  uu baray kirish boogiisii  in uu u qaraaco  birta, marka uu qaadayo balwada,  waxa ayna  ahay  sanadkii 1943 kii
kadib cabdi markii uu yimid magalada boorama waxa ka helay NOOCAN CUSUB dad badan oo  da diisa ahaa.
Cabdi  waxa  boorama ka sii raacay dhanyaro  dhowr ah    safar uu  ku tagayey  magalada xeebta ah ee saylac .
Saylac iyo boorama waxa loo kala dhixi jirey sadex  habeen,  isaguna waxa uu u dhaxay  afartan habeen,   kolba  sidii ay dhexda ugu sii tumanayeen isaga iyo da yartii raacaday.

 Heesaha u qadayo  afartankaa habeen ay tumanayeey wax aka mid ahaa heesahan.

Hilaaca bad weynta        k
Ka bilig yidhoow          
Halkee basro caawa joogta      
Sidii horimaad hilaac      
Habeenkii iftiimisa herereee      
Intaan bada iyo bariga marayooy      
Buluug laydh waa halkeedi

Sidoo kale waxa kamid ahaa tan.

timaha mdaxayga  
tinkaan u jeclaa
hadba taabto  ayaad tahay

Waxa uu lahaa  cabdi tin uu aad u jeclaa oo madixisa  ku taalay, taas una  xiri jirin  sida uu sheegayo (john willaim johnson) markuu waraysanayo (cabdi laahi qarshe )

Cabdi waxa uu soo gaadhay magaaladii saylac afartan habeen ka dib, waxa loo sheegay  xaajigii uu u shaqayn jirey   isla waqtigana waa uu ka eryey shaqadii, arintasi waxa  ay noqotay  in uu sii hanaqaadiyo, fanka somaaliyeed,
hadaba  waxa la soo gaadhay sanadki 1944 oo
Cabdi  bilaabay  kooxdii u horeysey ee  la aas aaso,    kuna hawlan (fan)  waxana loo bixiyey (balwo baan)  waxana lagu aas aasay  magalada boorama, waxana ka mid ahaa
 kuwan hos ku xusan.

1.cabdi deeqsi warfa
2.combani  caashaad oo roma ahaa
3.xuseen aarin meecaad
4.xaashi warsame
5.khadiija cige dharaar
6.nuuriya catiiq oo oroma ayad

Hadaba waxa u iman jirey niman  taageera oo ka hela balwada lana dhacsanaa, qaarkoodna doonayey in ay ka bartaan balwada,  waxayna u badnaayeen niman reer hargeysa ah iyo qaar carab ah  waxa kamid ahaa kuwaa ninka laydhaahdo.  Xaaji Axmed Naaleye   Xajigu markaa uu u yimaado kooxda waxa  dhaansi sameyn jiRtey  khadiija  balow  deetana,  lacagbuu  ku dul daadin jirey .
  khadiija lafteeduna waxa ay leedahay heeso ka mida  balwada  heestan waxa ay kaga hadleysaa xaajiga iyadoo ku tilmaamaysa in ay lacag ka qaaday sidan ayeyna tidhi.

wuxuu ingriiska xoogsaday
iyo xajkii maka saaray xaajiga

dadkii balwada hargeysa uga imanjirey intaa kuma ekeyn ee wasxa ka mid ahaakuwan hoos ku xusan
1.xaaji ahmed naleeye
2.cabdirixiin caabi farax
3.cabdiraxman caabi farax
4.cusmaan beenaale oo ahaa somali indian 5.shamsa abokor guduudo carwo
6.maxamed siciid gu xun jire
7.josof garyt oo ahaa nin somali masiixi ah dhamaan dadkani waxa ay danaynayeen balwada oo  u iman jireen magalada boorama.

Balwo baan waxa ay meesheedii ugu saraysey gadhay markii la furay schoolka elementariga boorama 1945kii halkaas oo ay riwaayadka dhigeen, waloow ay ahayd taasi ruwaayadii u horeydey ee arlada soomaalida laga dhigo, se uma habaysneyn sida ruwaayadaha caadiga ah mana lahayn waxyaabo farabadan, se waxa ugu mihiimsan qaybta majaajilada taasna waa ay lahayd.

Hadaba waxaa balwadii ka horyimi  culamadii  boorama  kunooleyd oo waxa laga dacweeyey odayaashii dhalay Dadkan qadiija oo ahaa cige dharaar  iyo cabdi abihii deeqsi warfaa,  waxana lagu war geliyey in ayna ku soo tukan karin masaajidada boorama, ilaa inta ay ka saarayaan caruurtooda,  xumaanta ay ku jiraan,  marka ay halkaa marayso cabdi iyo kooxdiisi waxa  qasab ku noqotay in ay iskaga tagaan magalada boorama, oo ay u guuraan  magaalada jigjiga,  halkasna ay ka sii wadaan kooxdii iyo fankiiba, hasayeeshee wax ka horyimid  mucaradad  weyn oo diidaneyd fanka ,  dhanka culumada waxa hogaaminayey nin la odhan jirey (Xaaji Manati) ahaana sheekha  xadrada  roga waxana kamida tixaha ay is dhaafsadeen,  xaajiga kuwan hoos ku xusan,  

ninwalba balwadii tumayee
ma taydii baa la baalmaray
ninkii balwo iyo balaayo badshow
sideed u badbaadi doontaa
ninkii balwo iyo balaayo badshow
raboow balaayo beerka ugeli

waxana ka mid ahaa  

rasuulka ninkii raaca raaxo helyoow
raboow ha na reebin akhiro

waxa kamid ahaa
saliga nabigaa sareedo lahoo
anagu waan sahaynaynaa
ninkii sino iyo saaqaafka  badshoow
siciirina way danbeysa  

waxa kaloo ka mid ahayd

ninkii xuural caynta
xeer u heloow miyuu mid
xumaatay xalayn karaaa

sidaas ayey u soconeysaa oo waxa lagu jiraa dagaal adag oo dhanka afka ah wax kale iska dhaafoo waxa lagu soo direy caruurtii, inta ereyo loo soo dhiibo, lagu odhanayaa barta ay ku balweynayan,  kaqaada  waxana kaa mid ahayd in ay hablaha balwada caayaan.

dhidhaba dhidhii
dhidhaba dhiish
markey dafka tumi
dalool dheer dabada
danbabey ku leedahay
Kkkkkkkkkkkkkkkk
waxa kaloo ka mid ahaa tix uu u tiriyey cabdi  khadiija oo loo badalay ileen dagaal adag ayaa lagu jiraaye waxay ahayd sidan

 haddii quruxdeeda
 layga qarshooy
 qadiija balwooy
 qacbaan odhan

way ubadaleen

haddii qudhunkeeda
layga qarshooy
qadiija balwooy
qax waan shuban

hadaba markey dhibkaasi iyo macaradadaas ay ku soo wajeheen magalada jigjiga,
cabdi waxa qasab ku noqotay inuu iskaga tago, waxanu guuray magada jabuuti, halkaasoo uu ka sameeyey kooxdii (balwo baan) oo 1946kii waxana ka mid ahaa kooxda kuwan hoos ku xusan.

1.cabdilahi xuseen dabshid
2.xuseen madar suleex
3.aadan cashuur
4.aw muuse indho mood kaariye
5.cabdilaahi jaamac garab yare
6.axmed ibraahim  aw rodol
7.bunki oo ahaa nin oromo ahaa
8.saalax kuwayti al cantari

waxa jira balwada ereyo oromo ahaa uu qoray ninka layidhaado bunki  waxan ka mid ah kuwan
---------------------------------------------------------------------
Lasoco qormada danbe
---------------------------------------------------------------------
QALINKII AHMED MOUSE
 --------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment

Qabyaalad

Qabyaalada                 Qabyaalada   Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...