Af soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu xikmada iyo suugaanta badan, waxana afsoomaaliga loo qaybiyaa laba qaybood oo aad u waaweyn midkastana goonidiisa u balaadhanyahay , mid kastana gaar ahaantii ukala qaybsamo qaybo farabadan, waxana ay kalayihiin:
Tix
Tiraab
Tix
Tixdu waa qaybta ugu muhiimsan uguna qaalisan af soomaaliga, waana macaaneeyaha luuqadda la’aanteedna afsoomaaligu usan jirilahayn ama la xisaynlahayn. Tixdu waa wax kasta oo (hab udhac , luuq , qaafiyad,misaan iyo xaraf raac leh) waxakale oo looyaqaana maanso.
Tiraab
Tiraabtu waa qaybta hadalka caadiga ah ee maalin laha ah, sida wararka sheekooyinka iwm, ee afka soomaaliga
qaybtani waxa ay kaga duwantahay,qaybtii hore malaha xaraf-raac, misaan iyo waxakastoo ay leedahay sugaantu.
Suugaantu waa magac guud oo ay wadaagaan dhamaan waaxyaha kale ee aan soo sheegayee tixda, waana inta ugu macaan afka, waxa kaloo lagu masaalaa labeenta afka , la’aanteedna aysan yeelaneyn wax macno ama dhandhan ah.
Suugaanta waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo waa weyn oo kala ah:-
Suugaan la dhaxley
Suugaan la unkey
Suugaanta ladhaxley:- waa suugaan aad u badan, se waa suugaanta aan la garaneyn cid curisey taas oo ka dhigtey suugaanta mid ladhaxley, mana sheegan karto cid gaar ah, waxa ubadan sugaanta la dhaxley heeso hawleedyada, hees ciyaareedka iyo maahmaahyada kala duwan , sidoo kale waxkastoo la garaneyn cid samaysay iyo shaqsi hal-abuuray.
Waxa kamida kuwan:-
Hormo inay timid Oo horweyntahay
Waan hubaayoo
Way ihor joogta
Tixdan yar ee koobani waxay tusaale unoqon kartaa sugaanta la dhaxley, waxa laga soo gaadhay geel jireyashii hore ilaa maantana, waa laqadaa.
Suugaanta ladhaxley waxa kaloo tusaale unoqon kara kuwan hoos ku xusan:
Baran barshaalayeey
Buulshareeraay
Ma maantaan bahkuu helay
Naagtaan daah xidhaneey
Doco dalooleey
Ninkaagii dabashoodyeey
Faruur dhabashada
Ninkii fududiyo
Fulaybaa ka cabsada
Faruur dhaboo
Ha igu filiqtamin
Botor nin bowsaday
Nin uu beerka kala jaray
Ninbartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala beddalayaa
Soddon inaadqadi
Surmi inaad mudan
Salal inaad mari
Suudi inuu jiro
Suubay garroo
Sidaa ku biyacab
Arooskeena aamiin
umulo wiil leh aamiin
Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
Dhamaan heesahan waa heeso la dhaxley,
oon la garaneyn cid sameysay iyo qofkii ugu horeeyey ee ku heesay.
Heesahani waa heeso laysku soo gudbiyey ka awoow ka awoow, waalidkastaana caruurta uu baray.
Lasoco
Qalinkii Ahmed mouse
Tix raacuna waa booggeyga hiddo koob / qaybta suugaanta
Alla mahad leh
Halkani waa barta gaarka ah ee qoraa Ahmed Muse.. Waxaan kusoo gudbiyaa, maclumaad aan isleeyahay dadkeyga, faa'ido ayaa ugu jirta iyo xogo ku saabsan qoraaladeyda,maqaladeyda iyo buugaagta aan qoray.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
-
Tirsiga Soomaaliga Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato ...
-
NABSI JACAVL!!! Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu ...
-
Agabka aqal soomaaliga Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka mida waxyaabaha lagu dhiso Waxa loo soohaa lo...
Qabyaalad
Qabyaalada Qabyaalada Qabyaaladu waa qasaare, erey qalafsan, quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjlP4ulvbBWVi1cp2Vc0T158rGgnbYrXbM2xKnm7IOympb5jAtr0EgPXzBO1JEEFbvXadwYGSB2-dXkuC5ZYbGuSPofZ25F2sSExYU_eJCPrvl1GlEesX3doT5-MJJSyIqjT4Ep046wv0w/s320/IMG_9637-2.jpg)
No comments:
Post a Comment