TAXANE----2
-----------------------------------------------------
Suugaanta la unkey
-----------------------------------------------------
Suugaanta la unkey: waa suugaan la garaneyo cidii curisay ee tirisay, suugaantani waxa ay kaga duwantahay inatabadan waa suugaan aan sii fogeyn mudadeedu waxana ka mid ah kuwan:-
Haddan gabaygu uurkoo bukiyo urigi kaa keenin,
Asaan olol jacayl iyo xanuun kugu ijbaareynin, Afkuun baad ka leedee tixuhu arar ma yeeshaane.
Gabaygan waxa tiriyey odey, aqoonyahan xaaji adan afqalooc sidaa awgeed waxa uu noqdey gabey lagarnayo ciddii curisey ama suugaan la unkey.
Soomaaloo is cuneysa
oo Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey
Kii laydhiisu na saaqday
Kii sadqeeyey qabaa’ilee
Isu saaray gacmaayee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurrnaye
Sareeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kanna siib kanna saar.
Geeraarkan aan soo xusay waxa iska leh oo sameeyay abwaan Cabdilaahi Suldan Timacadde, waxa kaloo jira maasooyin farabadan oo dhammaan toodba la curiyey.
Sikastooy ahaataba suugaanta waxa loo si qaybiyaa, qaybo kale waxa se ugu mihiimsan kuwan hoos ku xusan anigoo iska dhaafi doona kana tagi doona qayba ka mida sidoo kale aan saarayn sharaxaad aad u badan madaama aynu dooneyno guudka xaadis iyo fahan guud in laga qaato suugaanta iyo wixii la xidhiidha;-
Gabay
Geeraar
Jiifto
Buraanbur
Hees
Gabay
---------------------------
Gabaygu waa boqorka maansada, waana ka ugu sareeya wax kastoo la tiriyo ama la sameeyo waxa uu kaga duwan yahay, suugaanta kale ee la unko, habdhaca, luuqda iyo codka u gaar ka ah ee la saaro goorta laqaadayo, sidoo kale miisaankiisa oo aad uga wada dheer dhamaan suugaanta, sidoo kale waxa uu dheeryahay oo uu noqon karaa, laba dhac, saddex dhac, iyo afar dhac, sidan afar dhaca waxa u dhigi kara, abwaan farshaxanimo gaar ah ku leh bahda sugaanta.
Waxaynu soo qadan doonaa tusaalayaal.
Gabaygan waxa tiriyey abwaankii wayna ale ha u naxariistee Cali Jaamac Habiil markuu la hadlayey Sayid Maxamed Cabdale Xasan kaaso si wayn iskaga soo hor jeedeen, isna dhaafsan jireen gabayo, ay isku tirin jireen, midba midkale ka dhicin oo xiiso badnaa.
Tawraad iyo injiiliyo furqaan kala tol weeyaane toolmoonihii Maxamed baw u tegey ilaahaye tawaxiidku na faray looxyadey noogu taal weliye,
waa tiir aan naga liicihayn taannu leenahaye.
waxa lagu tilmaansado sharciga malaha tuurtuure,
rasuulkii wuxuu naga taga tiruu taabka ku hayaaye,
tacabkii ba’ waa sida fircoon tab iyo diinaade isagaba badbaa lagaga tegey naarna lagu tuurye,
kanna taakadaas baw hadhoo waa tukubayaaye
Ha targaafo sida towja geel tuurin baw qorane
Gabay gan aan hoos ku xusay waxa tiriyey abwaan aqoonyahan Xaaji Aadan Afqalooc wuxuuna yidhi sidan:-
Duhur baa bashiir lagu shanaqey daar agtiina ahe,
Damal la hadh galay jabsheen waqay duloobeene,
Dahriga iyo laabtey rasas kaga daloolsheene, Isagoo dam iyo dhiiglahoo maro ku duuduban, Dadkii unecbaa iyo kufaar daawasho u yimidee, Dacsad iyo ihaaniyo cagbaa lagu sii daraye, Maydkiisa daahira markii dibada loo tuurey, Niminkii dilkiisa qirtiyo idinka duunkiina,
kolkii Aaska loo diidey waad wada dul joogtene, Aasab haddaad duriyadii tihiin kama dareertene,
Sidoo kale waxa jira, oo aynu kor ku soo xusney in ay gabayadu, leeyihiin saddex dhac iyo afar dhac, inkastooy badneyn, gabayada lagu dhex arko, waxase arki kartaa tuducyio kamida gabayada in ay ku jiraan, markaan ku leeyahay saddex dhac ama afardhac waa in xarafka uu gabaygu ku socdo uu saddex jeer aad ku dhex aragtaa, tuduca ama laynka sidoo kalena, afarjeer aad ku aragataa marka layidhaahdo gabaygaasi waa afardhac.
Waxa aynu soo qaadan doonaa gabayo isku jira oo kala du duwan.
Laba dhac
------------------------------
1-Faaraxow galgaldkaan dhigiyo, gama’a la’aantayda
Saddex dhac
--------------------------------------
2-Cartaneey camuud la iska qaad, ceelkii reer magane,
3- Gar adkaatay xaajado guracan, guurti kala maagtay,
Afar dhac
-----------------------------------------
4-Xasan iyo Xuseen iyo Xirsaa, kaa xusuus badane.
5-Kun kow iyo dumar kurtood, haddii la isku wada keeno,
Walooow aysan badneyn gabayada noocan ah, se waxay ku xidhantahay, abwaanka iyo aqoonta, uu u leeyahay dhaqanka, afka soomaaliga iyo ereyadiisa kala jaadka ah ee ku jira luuqadan duxda iyo danbarka miidhana, afka soomaaliga .
Geeraarka
-------------------------------------
Geeraarku waa ka labaad ee ugu sareeya maansada waana ka caan, bulshada dhexdeeda, waxana lagu cabiraa dhamaan wax kastoo, loo baahanyahay in laga hadlo ama laysku sheego, sidsa waano, gubaabo iyo duurxulka, arimaha dhaqanka, siyaasada, iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxa lagu amaanaa dhamaan, waxkastoo in la amaano la doonayo.
Geeraarku waxa uu kaga duwan yahay gabayga luuq ugooniya ayuu leeyahay, sidoo kale waxa uu kaga duwanyahay habqoraalka iyo miisaankiisa oo ka hooseeya gabayga. waxana kamida kuwan hoos ku xusan.
Geeraarkan waxa tiriyey raage ugaas oo u tiriyey faraskiisii oo uu ku amaanay.
Gamaan waa magac guude
Sange aan gabaneynoo
Heerimaadka giigtiyo
Magaalinnkii gud banaayee
Waayeelku uu ku gargaartiyo
Geenyadii dheddigneydee
Gidigood ka dhaxaysee
Haybta way isku gartaane
geeraarkan waxa tiriyey abwaankii weynaa ee soomaaliyeed, Cabdilaahi Suldaan Tima-cade isagoo, amaanaya calanka waxa uu yidhi sidan:-
Calankaanu sugaynee
Sahankiisa ahaynoow
Sagal maanta daroorayoow
Saqdhexaanu ahayne
Kii soosaaray cadceedow
Samada kii u ekaayee
Xiddigahaa mid la siiyayoow
-----------------------------------------------------------------------
Qalinkii Ahmed mouse (Ahmed cade)
Refencesekuna waa
Buugeyga hiddo-koob/qaybta suugaanta
------------------------------------------------------------------------
-----------------------------------------------------
LASOCO QAYBAHA DANBE
-----------------------------------------------------
Shaahuna waa cadadeena kkkkkkkkkkkk asxabeey
Halkani waa barta gaarka ah ee qoraa Ahmed Muse.. Waxaan kusoo gudbiyaa, maclumaad aan isleeyahay dadkeyga, faa'ido ayaa ugu jirta iyo xogo ku saabsan qoraaladeyda,maqaladeyda iyo buugaagta aan qoray.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
-
Tirsiga Soomaaliga Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato ...
-
NABSI JACAVL!!! Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu ...
-
Agabka aqal soomaaliga Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka mida waxyaabaha lagu dhiso Waxa loo soohaa lo...
Qabyaalad
Qabyaalada Qabyaalada Qabyaaladu waa qasaare, erey qalafsan, quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjlP4ulvbBWVi1cp2Vc0T158rGgnbYrXbM2xKnm7IOympb5jAtr0EgPXzBO1JEEFbvXadwYGSB2-dXkuC5ZYbGuSPofZ25F2sSExYU_eJCPrvl1GlEesX3doT5-MJJSyIqjT4Ep046wv0w/s320/IMG_9637-2.jpg)
No comments:
Post a Comment