TAXANE 4
---------------------------------------------------------------------
HEES FANEED
HEES CIYAAREED
TAARIIKHDA FANKA
--------------------------------------------------------------------
-Hees ciyaareed
---------------------------------------------------------------------
Hees ciyaared waa heesta la qaado marka ay dhalintu ciyaar dhaqameedka ciyaarayaan.
Hees ciyaareedku waa heeso wata inta badan jiib iyo jaan, waxa si wadajira ugu luuqeeya dadka wada ciyaaraya,
kuwani soo socdaana waa tusaaleyaal kamida:
Botor nin bowsaday
Nin uu beerka kala jaray
Nin bartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala beddalayaa
Botor ruux u soo baxay
U badheedhay keligii
Budulkiyo gegada madhan
Baabacada soo dhigay
Kana baqay dhiggiisii
Botor nin bowsaday
Nin uubeerka kala jaray
Ninbartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala beddalayaa،
---------------------------------------------------------------------
Hees faneed
---------------------------------------------------------------------
Sadexdan aan u qaybiyay heesaha waa saddex aad u muhiima marka laga hadlayo hees
Heesfaneedku waa heesaha casriga ah ee loo sameeyo luuq , laxan iyo muusig heesta intaa leh ayaa la yidhaahdaa hees faneed, waana sugaanta la unkey ee lagranaayo cidii samaysay.
Waxyar hadii aynu ku noqono taariikhda hees faneedka waxa inagu waajib ah in aynu dib u milicsano balwadii iyo heelladiiba oo ah barta ay ka soo unkantay hees faneedku.
---------------------------------------------------------------------
Balwo hello
---------------------------------------------------------------------
---------------------------------------------------------------------
Taariikhda fanka soomaaliyeed
---------------------------------------------------------------------
Waxyar hadii aynu ku noqono taariikhda hees faneedka waxa inagu waajib ah in aynu dib u milicsano balwadii iyo heelladiiba,waana barta ay ka soo askuntay hees faneedku.
Hees faeedku waxa ay bilaabmeen sanadadii afartanaadkii waxana bilaabay cabdi deeqsi warfaa (cabdi-sinimo) wuxu ku dhashay tuulo ka mida gobolka awdal waloow aan wali la aqoonsan sanadkii uu tooska u dhashay lakiin waxa lagu qiyaasay sanadkii 1918ilaa 1919 cabdi sinimo waxa uu ku kacaamay magalada boorama sidoo kale waxa uu ku qaatay qayb kamida waqtigii dhalaannimo magalada taariikhiga ah ee saylac abo deeqsi warfaa oo ahaa abaha cabdi sinimo waxa uu ahaa odey ganacsade oo bada ku xidhan sidaa awadeed cabdi waxa uu sidaa ku noqday reer magaal oo kuma barbarin mi iyo dhul xoola joogaan
Cabdi waxa uu ka mid ahaa kabacadii boorama iyo saylac waxa uu ka xidhnaan jirey sugaanta oo waxa uu ka hirqaday wixii suugaan xiligaa jirtey sida gabayadii, geeraradii, heesihii lagu ciyari jirey ciyaraha sayliciyada, botorka, dhaantada iyo duni dawaaldii saylac.
Cabdi waxa uu ka mid ahaa darawaladii u shaqayn jirey xaaji xirsi cawaale oo ahaa ninkii waqtigaa la odhankaro waxa uu ku jirey ragga ugu taajirsan soomaalida, xiligu waxa uu ku beegnaa 1940 markuu talayaanigu qabsaday dhulkii maxmyada ingiriidku ka talinjitey.
Xaajiga shirkadiisa waxa siin jirey talyaaniga mashruuca gaadh siinta cunada raashiinka saliida ciimada talyaaniga ee qabsaday maxmiyada .
Xaajigu waxa uu lahaa kolonyo baabuura oo xamuulka daabulsha.
Cabdi waxa uu si wayn uga dhex muuqday dhalintii uu la noolala, waxa jira marar uu ka qayb qatay ciyaro ay ka mid ahayeen dhaantaa waxana ka mid ahaa ereyadii uu ka yidhi.
wataa bohoradii la joogsaday
wataa baabkii dhaanto loo galay
wataa buluug laydha lasoo ridey
wataase ninkii badin wayaa ba ay
Ereyadan kooban waxa uu ku ciyaaray ciyaar dhaanto ah waxa kalo oo uu sheegayaa ninka fanka soomaaliyeed, wax ka qorey ee layidhaadho john willam johnson, waxa layidhaahdo (mini Poetry)dadkuna uyaqanaan(Afarery) ama jiftadii xiliga ee gaagabneyd ama gabaygii oo la yar yareeyey waxa ka mida ereyadan.
Anoo ka qab wayn
Qoorta soo la liyeey
War qabawlaha
Quusta ma u jaray
Sidoo kale waxa uu ku qayi li jirey, dun yaa dawaali oo ahayd tix carabiya, waxana qadi jirey dadkii saylac kunoolaa, hadii aynu ku yara noqono taariikhda dun yaa dawaali oo ahayd tixo carabiya,
Saylac waa deegaan ay wada dagi jireen, qoomiyado badan, carabta iyo soomaalidu ugu mudnaayeen, saylac oo kaliya may ahayn meelaha ay joogto carabtu, dhamaan deegaanada ku teedsan xeebaha waa ay joogi jireen markaa waa waxiska caadiya in ay ku yeeshaan saamayn weyn bulshada, soona geliyaan sugaantoda, dunyaa dawaalida wax aka mida tixdan hoos ku qoran
دن يا دوان
---------------------------------------------------------------------
بنتى قالت يا ابها قم منى كرسى
زوجتى تاجا وحرمتنى فقيرا
دن يا دوان عد يا زمانى
بنتى قالت يا ابها جنى لبه
لما احب جرملى. نلعب بل كره
دن يا دوان عد يا زمانى
يا طالعين عيد. جميل رمد فيكم
هاتي قلام اكتب. اسا معكم
دن يا دوان عد يا زمانى
دن يا دوان عد يا زمانى
------------------------------------------------------------------------
Sidoo kale waxa jira dad isku dayey in ay dun yaa dawali soomaaliyan a ama tix soomaali ah ka dhigaan wax aka mid ahaa ninkan oo la yihaahdo muuse cisman oo ahaa nin reer saylic ah
boorama nimanka tagayoow
haddii laybadalay saylac
uu buuga gaalka ku dhacay
aniga iyo baabuurku
alla I baday burcada
feedho weynta iyo
boodhka giriyaade
alla ibaday bariis qaraxa
iyo caano baridee
allaa ibaday basari naaga
iyo buulkii qayibe
ax yaa sabaani
ax yaa sabaani
ax yaa sabaani
Sido kale cusmaan wuxuu isku dayey in uu dhowr jeer dun yaa dawalida badalo,kuna badalo tix waxana ka mid ahayd tixdan yar oo uu tiriyey inan u jeclaa.
ma darbiyadaan la hadlayaa
mise dhagax dugoobey
mise anuubaa daf yidhi
meel aan lay diranin
mise adigaan hadalku kaa degin
yaabtay dunidiyee
ax yaa sabaani
cusmaan sidaas ayuu iskugu deyey inuu u badalo dun yaa duwaalay oo uu soomaaliyeeyo.
Hadaba cabdi isagoo ka dharagsan waxasoo odhanan, waxa ay hilin u u furtay cabdi hanaqadka fankiisa bilaabay, haddaba cabdi safaradiisi mid kamid ahaa ayaa waxa dhacday inuu kaga jabo baabuurkii meel u dhaxaysa, boorama iyo saylac ooo lagu magacaabo, (banka geriyaad ) cabdi iyo kirish boogiisi waxa ay ku daaleen, samaynta baabuurka, cabdi waxa uu halkaa ka qaday ereyadii ugu horeysey, ahaydna barbilowgii balwda ama fanka soomaaliyeed, balwo waa naaneys gabadh uu jeclaa cabdi, waxana la odhen jirey khadiija cige dharaar khadiija balwo, waana inanta uu sabab u ahayd in ay heesuhu bilaabmaan.
Cabdi mahaysan muusi, se waxa uu muusig uga dhigay bir uu ku furfureyey baabuurka taas ayaa uu ku qaraacay birkale, waxana ka mid ahaa ereyadii kuwan hoos ku xusan.
balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
wax ibeleeyey boorama e
balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
wax ibaleeyey beer guba e
balwooy balwooy balwooy
hooy balwooy balwooy
waxa I beleeyey baabuure
balwooy hooy balwooy
Waxa ay noqotay bilowgii fanka soomaaliyeed, waxakaloo ahayd, asalkii ay heesaha casriga ah KASOOO ASKUMEEN.
Cabdi waxa uu baray kirish boogiisii in uu u qaraaco birta, marka uu qaadayo balwada, waxa ayna ahay sanadkii 1943 kii
kadib cabdi markii uu yimid magalada boorama waxa ka helay NOOCAN CUSUB dad badan oo da diisa ahaa.
Cabdi waxa boorama ka sii raacay dhanyaro dhowr ah safar uu ku tagayey magalada xeebta ah ee saylac .
Saylac iyo boorama waxa loo kala dhixi jirey sadex habeen, isaguna waxa uu u dhaxay afartan habeen, kolba sidii ay dhexda ugu sii tumanayeen isaga iyo da yartii raacaday.
Heesaha u qadayo afartankaa habeen ay tumanayeey wax aka mid ahaa heesahan.
Hilaaca bad weynta k
Ka bilig yidhoow
Halkee basro caawa joogta
Sidii horimaad hilaac
Habeenkii iftiimisa herereee
Intaan bada iyo bariga marayooy
Buluug laydh waa halkeedi
Sidoo kale waxa kamid ahaa tan.
timaha mdaxayga
tinkaan u jeclaa
hadba taabto ayaad tahay
Waxa uu lahaa cabdi tin uu aad u jeclaa oo madixisa ku taalay, taas una xiri jirin sida uu sheegayo (john willaim johnson) markuu waraysanayo (cabdi laahi qarshe )
Cabdi waxa uu soo gaadhay magaaladii saylac afartan habeen ka dib, waxa loo sheegay xaajigii uu u shaqayn jirey isla waqtigana waa uu ka eryey shaqadii, arintasi waxa ay noqotay in uu sii hanaqaadiyo, fanka somaaliyeed,
hadaba waxa la soo gaadhay sanadki 1944 oo
Cabdi bilaabay kooxdii u horeysey ee la aas aaso, kuna hawlan (fan) waxana loo bixiyey (balwo baan) waxana lagu aas aasay magalada boorama, waxana ka mid ahaa
kuwan hos ku xusan.
1.cabdi deeqsi warfa
2.combani caashaad oo roma ahaa
3.xuseen aarin meecaad
4.xaashi warsame
5.khadiija cige dharaar
6.nuuriya catiiq oo oroma ayad
Hadaba waxa u iman jirey niman taageera oo ka hela balwada lana dhacsanaa, qaarkoodna doonayey in ay ka bartaan balwada, waxayna u badnaayeen niman reer hargeysa ah iyo qaar carab ah waxa kamid ahaa kuwaa ninka laydhaahdo. Xaaji Axmed Naaleye Xajigu markaa uu u yimaado kooxda waxa dhaansi sameyn jiRtey khadiija balow deetana, lacagbuu ku dul daadin jirey .
khadiija lafteeduna waxa ay leedahay heeso ka mida balwada heestan waxa ay kaga hadleysaa xaajiga iyadoo ku tilmaamaysa in ay lacag ka qaaday sidan ayeyna tidhi.
wuxuu ingriiska xoogsaday
iyo xajkii maka saaray xaajiga
dadkii balwada hargeysa uga imanjirey intaa kuma ekeyn ee wasxa ka mid ahaakuwan hoos ku xusan
1.xaaji ahmed naleeye
2.cabdirixiin caabi farax
3.cabdiraxman caabi farax
4.cusmaan beenaale oo ahaa somali indian 5.shamsa abokor guduudo carwo
6.maxamed siciid gu xun jire
7.josof garyt oo ahaa nin somali masiixi ah dhamaan dadkani waxa ay danaynayeen balwada oo u iman jireen magalada boorama.
Balwo baan waxa ay meesheedii ugu saraysey gadhay markii la furay schoolka elementariga boorama 1945kii halkaas oo ay riwaayadka dhigeen, waloow ay ahayd taasi ruwaayadii u horeydey ee arlada soomaalida laga dhigo, se uma habaysneyn sida ruwaayadaha caadiga ah mana lahayn waxyaabo farabadan, se waxa ugu mihiimsan qaybta majaajilada taasna waa ay lahayd.
Hadaba waxaa balwadii ka horyimi culamadii boorama kunooleyd oo waxa laga dacweeyey odayaashii dhalay Dadkan qadiija oo ahaa cige dharaar iyo cabdi abihii deeqsi warfaa, waxana lagu war geliyey in ayna ku soo tukan karin masaajidada boorama, ilaa inta ay ka saarayaan caruurtooda, xumaanta ay ku jiraan, marka ay halkaa marayso cabdi iyo kooxdiisi waxa qasab ku noqotay in ay iskaga tagaan magalada boorama, oo ay u guuraan magaalada jigjiga, halkasna ay ka sii wadaan kooxdii iyo fankiiba, hasayeeshee wax ka horyimid mucaradad weyn oo diidaneyd fanka , dhanka culumada waxa hogaaminayey nin la odhan jirey (Xaaji Manati) ahaana sheekha xadrada roga waxana kamida tixaha ay is dhaafsadeen, xaajiga kuwan hoos ku xusan,
ninwalba balwadii tumayee
ma taydii baa la baalmaray
ninkii balwo iyo balaayo badshow
sideed u badbaadi doontaa
ninkii balwo iyo balaayo badshow
raboow balaayo beerka ugeli
waxana ka mid ahaa
rasuulka ninkii raaca raaxo helyoow
raboow ha na reebin akhiro
waxa kamid ahaa
saliga nabigaa sareedo lahoo
anagu waan sahaynaynaa
ninkii sino iyo saaqaafka badshoow
siciirina way danbeysa
waxa kaloo ka mid ahayd
ninkii xuural caynta
xeer u heloow miyuu mid
xumaatay xalayn karaaa
sidaas ayey u soconeysaa oo waxa lagu jiraa dagaal adag oo dhanka afka ah wax kale iska dhaafoo waxa lagu soo direy caruurtii, inta ereyo loo soo dhiibo, lagu odhanayaa barta ay ku balweynayan, kaqaada waxana kaa mid ahayd in ay hablaha balwada caayaan.
dhidhaba dhidhii
dhidhaba dhiish
markey dafka tumi
dalool dheer dabada
danbabey ku leedahay
Kkkkkkkkkkkkkkkk
waxa kaloo ka mid ahaa tix uu u tiriyey cabdi khadiija oo loo badalay ileen dagaal adag ayaa lagu jiraaye waxay ahayd sidan
haddii quruxdeeda
layga qarshooy
qadiija balwooy
qacbaan odhan
way ubadaleen
haddii qudhunkeeda
layga qarshooy
qadiija balwooy
qax waan shuban
hadaba markey dhibkaasi iyo macaradadaas ay ku soo wajeheen magalada jigjiga,
cabdi waxa qasab ku noqotay inuu iskaga tago, waxanu guuray magada jabuuti, halkaasoo uu ka sameeyey kooxdii (balwo baan) oo 1946kii waxana ka mid ahaa kooxda kuwan hoos ku xusan.
1.cabdilahi xuseen dabshid
2.xuseen madar suleex
3.aadan cashuur
4.aw muuse indho mood kaariye
5.cabdilaahi jaamac garab yare
6.axmed ibraahim aw rodol
7.bunki oo ahaa nin oromo ahaa
8.saalax kuwayti al cantari
waxa jira balwada ereyo oromo ahaa uu qoray ninka layidhaado bunki waxan ka mid ah kuwan
---------------------------------------------------------------------
Lasoco qormada danbe
---------------------------------------------------------------------
QALINKII AHMED MOUSE
--------------------------------------------------------------------
Halkani waa barta gaarka ah ee qoraa Ahmed Muse.. Waxaan kusoo gudbiyaa, maclumaad aan isleeyahay dadkeyga, faa'ido ayaa ugu jirta iyo xogo ku saabsan qoraaladeyda,maqaladeyda iyo buugaagta aan qoray.
Thursday, June 28, 2018
Wednesday, June 20, 2018
Suugaanta la unkey
TAXANE----2
-----------------------------------------------------
Suugaanta la unkey
-----------------------------------------------------
Suugaanta la unkey: waa suugaan la garaneyo cidii curisay ee tirisay, suugaantani waxa ay kaga duwantahay inatabadan waa suugaan aan sii fogeyn mudadeedu waxana ka mid ah kuwan:-
Haddan gabaygu uurkoo bukiyo urigi kaa keenin,
Asaan olol jacayl iyo xanuun kugu ijbaareynin, Afkuun baad ka leedee tixuhu arar ma yeeshaane.
Gabaygan waxa tiriyey odey, aqoonyahan xaaji adan afqalooc sidaa awgeed waxa uu noqdey gabey lagarnayo ciddii curisey ama suugaan la unkey.
Soomaaloo is cuneysa
oo Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey
Kii laydhiisu na saaqday
Kii sadqeeyey qabaa’ilee
Isu saaray gacmaayee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurrnaye
Sareeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kanna siib kanna saar.
Geeraarkan aan soo xusay waxa iska leh oo sameeyay abwaan Cabdilaahi Suldan Timacadde, waxa kaloo jira maasooyin farabadan oo dhammaan toodba la curiyey.
Sikastooy ahaataba suugaanta waxa loo si qaybiyaa, qaybo kale waxa se ugu mihiimsan kuwan hoos ku xusan anigoo iska dhaafi doona kana tagi doona qayba ka mida sidoo kale aan saarayn sharaxaad aad u badan madaama aynu dooneyno guudka xaadis iyo fahan guud in laga qaato suugaanta iyo wixii la xidhiidha;-
Gabay
Geeraar
Jiifto
Buraanbur
Hees
Gabay
---------------------------
Gabaygu waa boqorka maansada, waana ka ugu sareeya wax kastoo la tiriyo ama la sameeyo waxa uu kaga duwan yahay, suugaanta kale ee la unko, habdhaca, luuqda iyo codka u gaar ka ah ee la saaro goorta laqaadayo, sidoo kale miisaankiisa oo aad uga wada dheer dhamaan suugaanta, sidoo kale waxa uu dheeryahay oo uu noqon karaa, laba dhac, saddex dhac, iyo afar dhac, sidan afar dhaca waxa u dhigi kara, abwaan farshaxanimo gaar ah ku leh bahda sugaanta.
Waxaynu soo qadan doonaa tusaalayaal.
Gabaygan waxa tiriyey abwaankii wayna ale ha u naxariistee Cali Jaamac Habiil markuu la hadlayey Sayid Maxamed Cabdale Xasan kaaso si wayn iskaga soo hor jeedeen, isna dhaafsan jireen gabayo, ay isku tirin jireen, midba midkale ka dhicin oo xiiso badnaa.
Tawraad iyo injiiliyo furqaan kala tol weeyaane toolmoonihii Maxamed baw u tegey ilaahaye tawaxiidku na faray looxyadey noogu taal weliye,
waa tiir aan naga liicihayn taannu leenahaye.
waxa lagu tilmaansado sharciga malaha tuurtuure,
rasuulkii wuxuu naga taga tiruu taabka ku hayaaye,
tacabkii ba’ waa sida fircoon tab iyo diinaade isagaba badbaa lagaga tegey naarna lagu tuurye,
kanna taakadaas baw hadhoo waa tukubayaaye
Ha targaafo sida towja geel tuurin baw qorane
Gabay gan aan hoos ku xusay waxa tiriyey abwaan aqoonyahan Xaaji Aadan Afqalooc wuxuuna yidhi sidan:-
Duhur baa bashiir lagu shanaqey daar agtiina ahe,
Damal la hadh galay jabsheen waqay duloobeene,
Dahriga iyo laabtey rasas kaga daloolsheene, Isagoo dam iyo dhiiglahoo maro ku duuduban, Dadkii unecbaa iyo kufaar daawasho u yimidee, Dacsad iyo ihaaniyo cagbaa lagu sii daraye, Maydkiisa daahira markii dibada loo tuurey, Niminkii dilkiisa qirtiyo idinka duunkiina,
kolkii Aaska loo diidey waad wada dul joogtene, Aasab haddaad duriyadii tihiin kama dareertene,
Sidoo kale waxa jira, oo aynu kor ku soo xusney in ay gabayadu, leeyihiin saddex dhac iyo afar dhac, inkastooy badneyn, gabayada lagu dhex arko, waxase arki kartaa tuducyio kamida gabayada in ay ku jiraan, markaan ku leeyahay saddex dhac ama afardhac waa in xarafka uu gabaygu ku socdo uu saddex jeer aad ku dhex aragtaa, tuduca ama laynka sidoo kalena, afarjeer aad ku aragataa marka layidhaahdo gabaygaasi waa afardhac.
Waxa aynu soo qaadan doonaa gabayo isku jira oo kala du duwan.
Laba dhac
------------------------------
1-Faaraxow galgaldkaan dhigiyo, gama’a la’aantayda
Saddex dhac
--------------------------------------
2-Cartaneey camuud la iska qaad, ceelkii reer magane,
3- Gar adkaatay xaajado guracan, guurti kala maagtay,
Afar dhac
-----------------------------------------
4-Xasan iyo Xuseen iyo Xirsaa, kaa xusuus badane.
5-Kun kow iyo dumar kurtood, haddii la isku wada keeno,
Walooow aysan badneyn gabayada noocan ah, se waxay ku xidhantahay, abwaanka iyo aqoonta, uu u leeyahay dhaqanka, afka soomaaliga iyo ereyadiisa kala jaadka ah ee ku jira luuqadan duxda iyo danbarka miidhana, afka soomaaliga .
Geeraarka
-------------------------------------
Geeraarku waa ka labaad ee ugu sareeya maansada waana ka caan, bulshada dhexdeeda, waxana lagu cabiraa dhamaan wax kastoo, loo baahanyahay in laga hadlo ama laysku sheego, sidsa waano, gubaabo iyo duurxulka, arimaha dhaqanka, siyaasada, iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxa lagu amaanaa dhamaan, waxkastoo in la amaano la doonayo.
Geeraarku waxa uu kaga duwan yahay gabayga luuq ugooniya ayuu leeyahay, sidoo kale waxa uu kaga duwanyahay habqoraalka iyo miisaankiisa oo ka hooseeya gabayga. waxana kamida kuwan hoos ku xusan.
Geeraarkan waxa tiriyey raage ugaas oo u tiriyey faraskiisii oo uu ku amaanay.
Gamaan waa magac guude
Sange aan gabaneynoo
Heerimaadka giigtiyo
Magaalinnkii gud banaayee
Waayeelku uu ku gargaartiyo
Geenyadii dheddigneydee
Gidigood ka dhaxaysee
Haybta way isku gartaane
geeraarkan waxa tiriyey abwaankii weynaa ee soomaaliyeed, Cabdilaahi Suldaan Tima-cade isagoo, amaanaya calanka waxa uu yidhi sidan:-
Calankaanu sugaynee
Sahankiisa ahaynoow
Sagal maanta daroorayoow
Saqdhexaanu ahayne
Kii soosaaray cadceedow
Samada kii u ekaayee
Xiddigahaa mid la siiyayoow
-----------------------------------------------------------------------
Qalinkii Ahmed mouse (Ahmed cade)
Refencesekuna waa
Buugeyga hiddo-koob/qaybta suugaanta
------------------------------------------------------------------------
-----------------------------------------------------
LASOCO QAYBAHA DANBE
-----------------------------------------------------
Shaahuna waa cadadeena kkkkkkkkkkkk asxabeey

Monday, June 18, 2018
SUUGAANTA SOOMAALIDA
Af soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu xikmada iyo suugaanta badan, waxana afsoomaaliga loo qaybiyaa laba qaybood oo aad u waaweyn midkastana goonidiisa u balaadhanyahay , mid kastana gaar ahaantii ukala qaybsamo qaybo farabadan, waxana ay kalayihiin:
Tix
Tiraab
Tix
Tixdu waa qaybta ugu muhiimsan uguna qaalisan af soomaaliga, waana macaaneeyaha luuqadda la’aanteedna afsoomaaligu usan jirilahayn ama la xisaynlahayn. Tixdu waa wax kasta oo (hab udhac , luuq , qaafiyad,misaan iyo xaraf raac leh) waxakale oo looyaqaana maanso.
Tiraab
Tiraabtu waa qaybta hadalka caadiga ah ee maalin laha ah, sida wararka sheekooyinka iwm, ee afka soomaaliga
qaybtani waxa ay kaga duwantahay,qaybtii hore malaha xaraf-raac, misaan iyo waxakastoo ay leedahay sugaantu.
Suugaantu waa magac guud oo ay wadaagaan dhamaan waaxyaha kale ee aan soo sheegayee tixda, waana inta ugu macaan afka, waxa kaloo lagu masaalaa labeenta afka , la’aanteedna aysan yeelaneyn wax macno ama dhandhan ah.
Suugaanta waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo waa weyn oo kala ah:-
Suugaan la dhaxley
Suugaan la unkey
Suugaanta ladhaxley:- waa suugaan aad u badan, se waa suugaanta aan la garaneyn cid curisey taas oo ka dhigtey suugaanta mid ladhaxley, mana sheegan karto cid gaar ah, waxa ubadan sugaanta la dhaxley heeso hawleedyada, hees ciyaareedka iyo maahmaahyada kala duwan , sidoo kale waxkastoo la garaneyn cid samaysay iyo shaqsi hal-abuuray.
Waxa kamida kuwan:-
Hormo inay timid Oo horweyntahay
Waan hubaayoo
Way ihor joogta
Tixdan yar ee koobani waxay tusaale unoqon kartaa sugaanta la dhaxley, waxa laga soo gaadhay geel jireyashii hore ilaa maantana, waa laqadaa.
Suugaanta ladhaxley waxa kaloo tusaale unoqon kara kuwan hoos ku xusan:
Baran barshaalayeey
Buulshareeraay
Ma maantaan bahkuu helay
Naagtaan daah xidhaneey
Doco dalooleey
Ninkaagii dabashoodyeey
Faruur dhabashada
Ninkii fududiyo
Fulaybaa ka cabsada
Faruur dhaboo
Ha igu filiqtamin
Botor nin bowsaday
Nin uu beerka kala jaray
Ninbartoo iskaga tagey
Nin bartiisa dhaafsaday
Ee afartiinan booddo xun
Waa idinkala beddalayaa
Soddon inaadqadi
Surmi inaad mudan
Salal inaad mari
Suudi inuu jiro
Suubay garroo
Sidaa ku biyacab
Arooskeena aamiin
umulo wiil leh aamiin
Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
Dhamaan heesahan waa heeso la dhaxley,
oon la garaneyn cid sameysay iyo qofkii ugu horeeyey ee ku heesay.
Heesahani waa heeso laysku soo gudbiyey ka awoow ka awoow, waalidkastaana caruurta uu baray.
Lasoco
Qalinkii Ahmed mouse
Tix raacuna waa booggeyga hiddo koob / qaybta suugaanta
Alla mahad leh

Friday, April 20, 2018
CAJAB
CAJAB
-------------------------------------------------
dadku maan gaabana oo qadiyad xumaa, dadkii wax cunay musuq maasuqa iyo hanti lunsigu ku cadaa, haddana u dood, una baadh bal meel wanaagsan dadkana kana qari xumaantooda sida cadceeda u muuqata, miyey suuroobeysaa...?
Dadkii mashruucii biyaha, meesha la ogaa meriyey, aayarun iska idhi wayfashilantay, sharaxaadna ka bixin meeshii ay ku danbeysay, malaayiinkii dollar ee la soo dawarsaday,
raggii eedu dusha ka saarneyd ay iska laafyoonayan magalada, maxkamad iyo garsoor midtoona la keenin, taasi waxay muujineysaa habac sanaanta iyo dhegweynaanta shicib.
Maantana waxay shaadh ayna lahayn, gashataba waxa diirada ku qabtay, kuna ifiyey toosh weyn, wadanka imaraadka oo ay nagu tidhi hishiis ayeynu la sexeexanay.
xoge hoose sidey tibaaxayaan imaraadkuna sheegayey in dakedeena waxlaga weydiiyey qaybna ka ahayd dowlad isku sheega xamar fadhida, hasa yeeshee waxa nasiibdaro ah iyo rajabeel ku sii dhacay hankii shacabkee rumoobey hiigsiga himalida dalkeena, kkkkk waa ereyo ka mida heesaha guul wadeynta ee aan ka dhamaan idaacada radio hargeysa iyo tvga qaranka,
Waliba waxa ka siidaran horaaloosoconayaa, laakiin waxaan arkaa dib u socod iyo in somalia arinkeenu wali hoostago.
Akhriste fikirkaaga, aragtida, mabda'aaga siyaasiga ah waa in uu ka xoroobaa qabiilkaga, xisbigaaga, iyo dhamaan cidkasta, kuna cabiri karto waxkasta, hab ay ku dheehantagay wax tar, hadal sal-fadhi iyo aqooni ku jirto, laakiin iska ilaali inaad danaha qaranka uga hortimadid qabiil, aragti xisbi iyo anagaa ah sidaa.
Waxaasi waa waxyaabaha ragaadiyey, kana dhigay fadhiidka siyaasadeena mudooyinkii u danbeeyey ee, lagu jiray hanti boobka, dhac-siyaasadeedka iyo xidhashada shaadhka qabiilka, waxaasba waxa raali ka ah in lagu sameeyo, waa shicibka lagu baqa galiyo nabadaada ilaasho, tolooow iyaguna miyey nabad ubaahneyn....?
--------------------ALLAH MAHADII------------------
--------------------AHMED MOUSE---------------------

Friday, February 2, 2018
Guurka iyo caado dhaqameedka somalida
Guurka iyo caado dhaqameedka somalida
Guurku waa heshiis shari ah oo ku qotoma diinta ama dhaqanka
Waana afgarad ka dhex dhaca laba qof oo lab iyo dhedig ah kuwaas oo ku heshiiya in ay reer yagleelaan ama ay dhistaan
Guurku waa saldhiga taranka aadamaha oo haduu guur jirin waa uu dabargo'i lahaayeen dadku
sikastooy ahaataba bulsho waxay ka unkuntaa dhismaha qoyska waxa sida la og yahayna dhidibada u aasa guurka kalsooni dhex dhacda labada qof ee isguursanaya ama is fahan dhex mara labada jinsi ama labada shaqsiyeed
Guud ahaan bulshooyinka caalamku waxa ay ku kala duwan yihiin dhaqamada iyo caadooyinka la xidhiidha dhanka guurka taas ood arkeyso wax yaabo badan oo lagu kala tagsan yahay hadaba dadyowga somaliyeed waxa ay leeyihiin caadooyin u gaar ah oo cidana lawadaagin
dhamaan somalida dhexdeeda cadooyinka waa ayka kasimanyihiin waloow ay jiraan kala duwanaansho deegaan kaasoo sababay farqiyo dhanka guurka ah
hadaba waxa jira guurar farabadan iyo caadooyin kuwaas oo ka baxay saaxada nolosha bulshada soomaalida
waxaynu isku dayidoona in aynu si kooban u sharaxno guurka iyo caadooyinka somalida
NOOCYADA GUURKA SOOMAALIDA
Guurku waa noocyo badan yahay midkastana waxa uu wataa caado soo jireen ahayd oo laga dhax lay dadkii hore ee somalia ahaa waxanad arkeysaa in ay yihiin soomaalidu dad dhaqan s facweyn lahaa muddo badana xoojinayey dhaqanka se waxa maanta ka muuqda bulshadu dhaqan ka guur iyo ka sii fogaansho ay sabatay ka imaanshaha dhulkii dhankaqanku yaalay siada miigii waxana ka mid qaar dabar go'ay iyo qaarkale oo sii dabar go'aya waxana ka mida guurarkii hore ee soomaalida noocyadan
v Geed-fadhiisi
v Heerin
v Dhabar-garaac
v Xigsiisan
v Dumaal
v Godob-reeb
v Xudun-xidh
Geed-fadhiisi
Geed-fadhiisigu waa habka ugu sareeya guurka soomaalida waana guurka ugu maamuuska badan uguna sharafta badan waxankamida qaababka uu u dhaco ama loo gudoomo inanta laka guursanayo qaabkan hoos ku xusan
marka hore doobku waxa uu sahan u gali jiray soona day dayi jiray isaga iyo dhalin yaro kamida beeshiisa waxayna dhalinyaradaasi ku taakuleen jireen doobka si uu usoo helo inan tii ku habooneyd wiilka
inanta laguma deg degi jirin oo way hubsan jireen in ay tahay inan gabadh gaari ah oon baaliyo basritoona ahayn sidoo kale inantu iyaduna dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay doobku haduu ku qanco inanta waxa intaa ku xigtay in reerka ayaa loo sheegi jirey inanta hablaayo in loo so geed-fadhiisan doono malinta caynkaas ah reerka ay inantu ka dhalatay waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan una waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa kaaso muhiim ka aha dhaqanka somalida waxakaloo reerku diyaarin jireen sooryo lagu cuno inta lagu jiro bixinta inanta
hadaba inta ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay kaftan iyo taarriikhada hablihii hore ee la kala guursaday iyo guulihii ka dhashay ayaa lays dhaafsan jiray intaa kadib waxa madasha ka kici jiray af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey
Mantana muraadkayagu waa hablaayo ood hebel siisaan oo nagula xididaan
|
markuu dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo yahay ama inanta bixinaysa isguna waxa uu hadalaka ku soo koobi jirey sidan soo socota
Idin siinay idin kula xididnay hablaayo
|
marka intaa lays dhaafsado waxa loogu jawaabi jirey [idinka gudoonay] intaa kadib waxa gacanta isaari jirey wakiilada ka kala socda labada dhinac sida caadada ah inantu kama soo qaybgali jirin ama kama aysan xaadiri jirin geedka iyo madasha lagubixinayo sidoo kalena inanku kama hadli jirin goobtaa
islamadasha waxa lakala qaadan jirey gabaati
Gabaatigu waxa uu ahaan jirey faras shaabuug kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo badan
hadaba waxa inanta bixin jirey inant inta badan aabeheed oo ah ninka ay ka godo arinta gabadhisa ama inantiisa waxakaloo bixin jirey hadii lawaayo ama sababo kale ku yimaadaan awoowgeed oo ah masuulka labaad ee inantu ka godo ama bixin kara wxakaloo soo raaca adeerkeed ama walaalkeed haduu qaan gaadh yahay intaasiba waa ragga aasaaska u ah dumarka ee bixinkara waana lagama marmaan
HEERIN
Heerinku waxa uu ka mid yahay guurka soomaalida ama caadooyinkii hore ee laga soo gaadhay dumarkii hore ee soomaalida ahaa
guurka heerinku waa guurka inta ay gabadhi reerkooda ka tagto aysan aabeheed bixin oo ay reer iska dul fadhiisanto ooay tidhaa waxaan ahay inan heerin ah
waana guurka soo go a dumarka marka la guursan waayo ama ay gashaanti ay noqoto oo uu guurku ka raago waxa kaloo kamida in inant ay nin isaaqsatay ama eegatay ooy doonayso in ay guursato sidaasina waa ay keeni jirtay
waxa kamida qaababka uu u dhaco guurkan
in ay hablo dhowr ahi ka raago guurku ama ay noqdaan hablo waaweyn oo la danayn waayo ka dib waxa ay gaan san jireen in ay isaga tagaan deegaanka ay ku nool yihiin oo ay tagaan deegano kale waxayna ahaayen guurdoon oo sida ay u socdaan ayaa reerka ka soo horbaxa ay iska fadhiisan jireen iyagoon idan waydiisan
markaa waxa la odhan jirey waxa inoo soo galay hablo heerin ah waxan kala qaybasan jirey ragga reerka jooga oomarka meel laga eego guurkani waa guur qasab oo waxa jira haddii aad soo saarto hablaha xeerar adag oo ay soomaalidu ku dhaqmi jireen waxana kaimd ahaa in inant heerinka ah ee lasoo saaro ay tahay sharaf dhac oo lagu xadgudbay sharafta qabiilka ay ka soo jeedo iyo sharafteeda waxa kaloo xeerarka soomalida kamid ahaa inan ta lasoosaaro iyda oo heerin ah in magteedii labixiyo oo 50 halaad la dhiibo xeerarkani waxay ahaayeen qaar muhiim ah oo aan suurta gal ahayn in dhayal layskaga daayo
xaalkuna waa uu adkaa oo haday qabiil bixin waayaan waxa lagu tala gali jirey dagaal goobtana waxa ka dhici jirey colaado horle
DHABAR-GARAAC
Dhabar-garaacu waxa uu kamid yahay qaababkii loo ggursan jirey gabdhihii soomaalidi hore
guurkani waa guur qasab ah oo waxaad arkeysa sifooyinka xun ee uu leeyahay waxana kamida qaabka uu udhaco
in inani ay nin ku tidhaa ima guusaneysid aniga oo ku dayriso guur uu waydiistay ka dib marka uu xanaaqo waxa uu samaynayaa in iyda oo adhi la joogta ama ciyaarka ciyaareysa uu soo qabto isaga iyo dhalinyaro kale oo uu soo kaxaystay waxana si garbaduub ah loo soo kaxayn jirey inanta oo hadii ay diido in ay laba dhangadood gosha u galiyaan ayey qaadi jiren waxa kale lasmayn jirey intaa ka dib in inanta uu abeheed qasab ku bixiyo ileen waa la taybee
XIGSIISAN
xigsiisanku waa nooc ka mida guurarka soomaalida ay caado dhaqameed ay u leedahay oo laga soo gaadhay dadkii hore ee soomalida ahaa
xigsiiisanku wuxuu imaada marka ay dhimato gabadhii uu qabay nin ka dib waa marka uu reerku siiyo inankii isla reerkii ayaa layidhaa hebel wuu xigsiistay inankale ayaa la siiyey
inta badan waxa ninka lasiin jirey marka ay ka dhimato gabadhiisi hore ee uu qabay inan ay walaal ahaayeen marxuumadii ka dhimatay ninka
inta badan waxa ay dhici jireen marar dhowr ah waxana ka mid ah
Gabadhu ama marxuumadu ay ka tagay caruur yar yar oo loo gu daneynayo caruurta iyo reerka
In ninku ku cusub yahay guurka taasina waxa la siiya gabadh kale oo ubadasha tii ka dhimatay taasina waa ay keenta xigsiinka
ujeedooyinka xigsiisanku waa wax wanaagsan oo dhaqan ah kaasoo loogu danaynayo caruurta iyo reerka oo looga baqaayo in ay dayacdo hadii gabadh kale soo gasho caruurtana si ku haboon u dhaqi weydo caruurtii rajoowdey ee hooyadood ka baxday
waa caado aad u wanaagsan waxayna ka mid tahay dhaqameed waana guurarka sii dabar go'aya ee guurarka soomaalida
nin la odhan jirey samatar baxnaan oo xigsiisatay gabadh markey ka dhimatay tiisi hore waxa uu gocday in ay san u dhigmi karin tani gabadhiisi hore ee la odhan jirey cibaado waxana uu tiriyey tixdan waxase u soo jawaabay nin ay gabadh ay is xigeen oo ku leh waar hab laha ama gadadha waa loo xil qariyaa ee u xil qari ankuba hablaha waxba kama sheegne
caku dunida cuur wada dhashaa qaarba cayn yahaye
caleemaha baxayaba darbaan carun ku dheehnayne
yaa yidhi cibaadiyo tanaa caano wada nuugay
waa tan jawaabtii
Ninkii qaawiyaa dumar ku arag qoonsimaad badan e
Anagguba hablaha waa qabnaa waana qarinaaye
Qaylada maxaad samataroow kor ugu qaadaysa
DUMAAL
Dumaashu waxa ay ka mid tahay guurarka sii dabar go 'aya ee ka dhexbaxay bulshada dhexdeeda waxana ka mid tahay caado dhaqmeed laga soo gaadhay dadkii hore ee soomaalida
dumaashu waxa ay ahayd marka walaalka uu ka dhinto ama inadeerka gabadh uu qabay ood guursato adigu ayaa la odhanaya hebel waxa uu dumaalay hablaayo
dumaashu waxalogu danaynaya caruurta si ay u dayacmin oo aan raaska uusan u soo gelin nin caruurta waxba u ahayn
dumarku madumaalo qof aysan dooneyn oo ay ka raali ahayn aysan ragganimadiisa geesinimadiisa ay hubin wuxuu yidhi nin abwaan ahi isaga oo kahadlaya arintaa waxa uu yidhi sidan
ü Madumalo naagaha ninkay nolol ku dayrshaane ;
abwaan salebaan carrabey
GODOB-REEB
Godob-reebku waa nooc kamid ah guurka soomaalida ama siiyaabaha laysku siiyo hablaha
gudob-reeb ku wuxuu dhacaa marka dhiilo ama dagaal ka dhex dhaco laba beelood oo meel wada dagan
marka beeluhu islaayaan kalana gaadho dhiig dadkuna kala kaad sadaan isku socodkii colaada awgeed ayaa odayaasha labada beelood ay iskugu iman jireen geed hoostii si ay u xaliyaan dhibaatada ka taagan bulshada ay ka soo jeedaan iyo habkii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa ayaa ay howsheda galaan
garta waxa laysku haysto iydoo ay u gar naqijireen dadka baxsan labadaba waxa hubaal ah in ay labada beelood ee colaadu ka dhexayso samayn jireen in guurtidu tidhaa beelwalba waa in ay soo saartaa hablo dhowr ah
ka dib waxa lays waydaarsan jiray oo lakala guursan jirey
halkaas ayaa labada reerna ku xididi jireen waxayna noqon jireen umad aan kala maarmina oo abti iyo inankii ku ahaan jireen
sidaasna waxa loo samayn jirey in ay nabadi ku dhalato wayna ka dhalan jirtey
XUDUN-XIDH
Xudun-xidhku waa nooc ka mida siyaabaha ay soomaalidu isku guursato waana guur soo jireen ah oo laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida ahaa wana mid qiimo badan
xudun-xidh ku waa marka inanta uu aabeheed ku idhaahdo hebeloow inankaaga ayaan inantayda ugu xudun xidhay oo macneheedu yahay way is guursanayaan markey weynaadan
hadaba guurka noocan ahi waxa uu dhicijirey markey laba qof ama labada waalidi ay saaxiib isku dheer ahayeen ayaa ay inta badan sidaa samayn jireen si ay san u kala tagi una kala fogaan
guurkani waa guur dhib badan oo aad u adag mataqaan inantu inanka ay guursanayso raalina kama aha mana wada hasaawin maysan dooran iyadu waxa kaloo intaa lawadagaa inanka
guurkan waxa lakala gudoomay inantaiyo inanka oo yar ama uurka ku jiraan hadaba marka dhan laga eego noocan guurka ah ma 'aha mid fiican oo loo bogikaro
soo koobid caadooyinkii hore ay samayn jireen dadkii soomaalida ahaa xiliga guurka
KAALADA: kaaladu waa dhaqan ay leedahay soomaalidu waana caado soo jireen aha guurkana u ah wax muhiim ah
hadaba kaaladu :ereyga sida kamuuqata waa taakulayn iyo wax tar qof ubaahan in loo gargaaro micnihiisadhabta ahna waa gargaar
kaaladu waxa ay ahayd in inanka guursaday xoolo loo ururiyo dadku siiyaan maal inta ay karayaan ayuu qof kastaba keeni jirey
waa waxa wanaagsan in lacaawiyo dadka ama qoyska cusud ee hadda la yegleelaayo hadana waa ay ka xishoon jireen dadku in ay guursadan iyga oo faramadhan taasna waxa ka hadlay abwaan la odhan jirey Xuseen Qasaal oo lahadalayey inan uu adeer u ahaa isada oo yidhi inan ayaan guursanayaa aniga oon xoolo faraha ku hayn abwaankiina waxauu yidhi sidan
Nikay oori caydhihi siidii aarka daba joogto
Goortuu ayaamo ugalmoodo aradku hayn waaye
Inkastood asaag kula midiyo ayni kale raacdo
Waxaad iman ayaantuu tashigu oodan kaa gale e
Adeerkaa rumaad baan ahiyo aabahoo kale e
Arintayda maqal jeer danbaa la arki doonaaye
waxakaloo lasheegaa in Abwaan Cismaan Aadan Dibi oo xoolihii ka kala dhimeen ayaa abihii waydiisanayey geell uu ku daro xoolaha reerka loo geynayo waxana uu tiriyey tixdan hoos ku qoran
Aabow rag manidiisa waa madhacsamaadaaye
Aabow ma meermeeri karo mayayna soo hoorye l
Aabow hadaan laga makalin maahirey dhaliye
Aabow mar qaliil iga madhwayn ha igu maydiyayne
Aabow marbaa igu hadhaye mawsinkii ridaye
Aabow mar qudha waadan arag midab haldhaaleeye
Aabow midha faarax iyo madaxdii weeyaane
Yarad: yaradku waxa uu ahaa xoolaha labixinaayo marka inanta lala soo wareegayo
Gabaati : gabaatigu waxa uu ahaa xoolaha lagu bixiyo madasha la fadhiyo ee inanta lagu bixinayo
hadaba yaradku waxa inta badan inanta lagu jaangoyn jirey yaradkii hooydeed laga bixiyey kaasoo inuu kabato mooyee inuu kayaraado ay adkaan jirtey
ninka waxa lagu qiimayn jirey ama lagu maamuusi jirey inta uu ka bixiyey xoolo inanta uu guursaday xoolo badan in aad bixiso waxay ay ahayd mid uu ku faano hadhowna uu kula gorgortomo ragga ka soo dooni doona hablihiisa
waxaynu soo qaadan doona tixyar uu leeyahay cabdi bacaluul oo intuu xoolo laxaad leh bixiyey lagu soo yidhi soo kordhi waxan angu hablahayga kumabixinee
Xoollaa laxaad leh ee waxkale libin ma hooyaane
Lixdan adhiya iyo qaalibay igaga laaleenee
Liil geliya caawana wixii lagula laabmayo
Hadaba waxahablaha lagu bixin jirey xoole ahaan marka la eegayo waxau badanaa uguna qaalisanaa inana ku soo xero gelinaya waa geell geelluna waa xoolaha ugu qaalisan ee ay dhaqdaan dadka sooomalida waxana cayna in hablaha lagu bixin jirey geella tixdan uu leeyahay Abwaan Salebaan carrabey
wuxuuna yidhi sidan
Guurdoon haddaad tahay asaad geela bixinayso
Waa gaadan jirey inan ninkii goosan karaayaa
Gabadh waliba waa hooyadeed tay ugurataaye
MEHER :
meherku waa xoolo aan reer iyo qoysna lahayn oo lasiinayo gabadha waana xaq ilaahay ugu waajibiyey ragga inay dumarka siiyaan waxa waana shardi diineed oo hadii lawaayo uuna ansaxayn meherku
Meherku sidoo kale wuxuu lafdhabar u yahay ka heshiinkiisu fulida fulida guurka iyo habi usocodka hanaqaadka in la noqdo lamaane wadaaga nolosha
inkastoo lagu kalaa duwanaa deeganada soomaalida wax yaabaha lagu bixin jirey meherka gabadha inta badan caan ahaa geella dayowga kale een haysanin geellna waxa uu ahaa kolba waxa ugu qaalisan ee laga helo ama laga isticmaalo deegaanka ay ku noolyihiin
DIIQQDA
Diiqadu waa xoolaha lasiiyo reerka cusub ama labada qof ee is guursaday ama labada qof ee lamaanaha noqday
dhaqankan oo laga wada sinayen waa caado lagaga dhaqmo gobolada qaarkood
marka la bixiyo inanta ayaa labada qoys ee xididay ka balamiyi jireen waqtiga aqal galka kaas oo aan ka yaraan jirin muddo sanad ah muddada sanadka ah reerka laga guursaday inaanta ayaa waxa ay sii diyaarin jireen aqalkii aygali lahaayeen reerka cusubi oo dhamaystiran
MARIIN
Mariinku waa dhar dahab ama lacag adag uu keeno wiilku una keeno inanta ama aroosada
berigii hore waxa ugu mihiimsanaa oo mariin layskugu keeni jirey cunaabi suuqad iyo muriyad beryahan danbe ee magaalooyinka layimi waxa ugu qaalisan dahab lacag wax mariin laysku siiyo
waxa laguda galaa intaa kadib in arooska ladiyaariyo oo lasameeyo madal laysku arko lana oogsado mashxarada ciyaaraha heesaha gabayda geeraarada buraan burada iyo waxkastoo ka qaybqaadan kara farxada waloow maanta ay ka gedisan tahay waxyaabahaynu kor ku soo xusnay
GELBINTA AROOSKA
Marka aqalka ladiyaariyo ayaa arooska iyo aroosada midba dhinac laga soo galbin jirey iyadoo loo soo wado madasha ama aqalka loo diyaariyey haduu yahay laba daryaale iyo ganbisba midku doonaba hanoqdee aqalka loo dhisay ayaa la keeni jirey galbiskuna berigii hore lugbuu ahaa
aroosada dumarbaa soo galbin jirey mushxarad iyo heeso ugaar ah yaa ay u qaadijireen aroosada iyaga oo daafaha kasocda marka ugu danbeysana waxay keeni jireen aroosda hoyga iyada oo faraxsan lagan adheenaayo waji furan
inta badan waxa aroosada ay wadan jirtey ilmayar ama daadahayn jirtey sidoo kale waxa ay sidan jirtey dhiil caano ah sidani waxa ay ahayd filasho iyo rajeyn wanaagsan oo looga jeedo caruur iyo xoolo badan
Ragguna
ragguna geestooda ayaa ay kasoo galbin jireen arooska ayaga oo ku labisan dhar aad u bilicsan una badan dharka hiddaha iyo dhaqan kaynu u lahayn sitana gaashaan iyo waran marka layimaado hoyga arooska ayaa ciyaar lakala oogsan jirey ragga iyo dumarka
waxakaloo jirtey in aroosada lasoo raro kahor ayaamaha arooska oo lakeeni jirey aqalka cusub hooygeedana waxa looga dhisi jirey meel ka yara durugsan raaska
HEESAHA AROOSKA
Marka inanta lasoo kaxeeyo ee aqalka lasoo galbinaaayo aqalkeeda waxay dumarku uqaadaan heesahan kuna guubaabinayan
gaarinimada iyo isku filnaasha ay reerkeeda ku dhaqilahayd waxaana kamadh neyn ducooyin ay u du cayn jireen una filaanjireen ubad iyo xoolo badan walina dhanka wiilasha ayey ubadin jireen
waxana kamida kuwan hoos ku xusan
Gabadha soo gelbiyey
Gedo xariireey
ninbey jabaday
jookh dheereey
Qacmo meel wadatooy
Gabadha qaliifooy
Wacayskii qoraye
Adigu qaadooy
Qaalmo meel wada tiyo
Gabadh qaliifooy
Wacays raagey
lagaa reebyeey
Arooskeena aamiin
umulo wiil leh aamiin
Arooskeena aamiin
Alloow tiiri aamiin
Alloow taqbal aamiin
Arooskeena aamiin
GAAF
Gaafka waxa laga isticmaala gobolda qaarkood oo loma dhama waa meel la waageeray oo lagu qurxiyey gogol sharaxaad kale oo lagu soo gunaanado xaladihii iyo munaasibadihii socday arooska habeenkaas xeedhadii arooska la keenaa oolagu soo bandhigaa dadka hortooda is la habeen ka waxa suga habsami u socodka madasha iyo kala danbeynta hablahaasi waxay sitaan ulo ay ku hagaajinayaan kuna edbinayaan qofka xumeeya madasha
xeedhadu waa fujaan ay ka buuxdo muqmad taasoo lagu dahaadhay timir laga saaray laftii lana xashay waxa ku qofilan dabaq iyo sati oo sidii gabadh caruusad ah ayaa loogu soo lebisaa waxna loo xidhaa maro masar hilqado katiinad boqor dhacleh kabo intabadan waxa lagu xujeeyaa ragga ka soo jeeda dhanka ninka arooska ah dhalin yara ayaa is ku dayda in ay furaan se ma gartaan mana fududa sida lagu furo xeerada waxana fura qof aqoon dheerada u leh dhaqan ka kuna xeerdheer hidaha iyo dhaqanka
furida waxa laga bilaabaa hilqadaha katiinada iyo masarka oo inta hoos loosocdo ugu danbeyntiina waa laga wada siibaa ilaa kabaheeda qofkastana oo garan waayana hablaha ayaa ku karbaasha ulo
madashani waa madal laysku xujeeyo laykuna tijaabiyo maskaxaha kala duwan ee binu aadamka jirabkuna kama maqna waxa kaloo lasameeya in lays waydiiyo hal xidhaalayal suaalo dhankasta ah qofkii garan waayana waxa xukumi jirey maxkamad ay samaysteen wardiyaasha madasha ama askarta meesha joogta askartu maaha askartii caadiga ahayd ee aynu naqaanay waa dhalinyaro madasha jooga oo dadka su aalaha waydiinaya
madashani waa madal ay isku bartaan dhalinyarada arooska ka soo qaybgashay taasina waxay fursad sii saa in ay samaysmaan qoysas cusub ku waas oo salka u sii adkeeya jiritaan binu aadam ka iyo tarankiisa
xididaynta guurka
xididaynta guurku waa waxa ay isku noqonayaan labada reer ee iska guursaday maraka laga hadlayo dhaqanka soomaaliga
xididnimadu waxa ay ka dhalataa guurka oo waxa lo odhanayaa labada reeri waa xidid iygoo looga jeedo labda reeri inay
waxbay kala qabaan sidoo kale xidinimadu waxay dhalisaa in lays ixtiraamo lays sharfo lays maamuuso qoysba qoyska kale
inanka arooska ah abihii waxa uu unoqonaya inanta lasoo guursaday soddog hooyadana waxay unoqonaysaa inanta aroosada ah soddoh inanka arooska ah waxa u noqonayaa inamada ay walaalaha yihiin inanta seedi hablahana waxauu unoqonayaa dumaashi hadaba haday sidaa isku dhex galeen labada reeri waxana keensanaya dhaqankeena qaayaha badan xidhiidh ku intaa kuma eeke waxa uu gaadha qabiilka oo dhan oo waxa layidhaa reerkaa hablaynu ka qabnaaye wanaajiya
khilaafka iyo sababaha keena qoyska soomaaliga
khilaafku waa wax iska caadiya ooka dhex dhaca dad meelkuwada nool waanu imankara xili kasta saban kasta ileen meel dad iskugu yimid lagama waayo ismaan dhaafe wana ayka hor imankaraan lamaanuhu soomaalidu way ku maahmaahan iyagoo sheegaya in uu khilaafku wax dhicikara yahay sheegaya waxay dhahaan {carab iyo ilko ayaa isugu dhow oo iyaguna way is qaniinaan }
laakiin waxa nasiib dara ah in la xalin ka riwaayo khilaafka yimi
xurguftu waa ismaan dhaafka ugu yar ee dhex marta lamaanaha iyo cidkastoo khilaafka dhexeeyo
waxayaabaha layskaga hor yimaado inta badan ka waxa ka midahaa sida loo dhaqaaayo reerka ama dayac xumo ka muuqata xoolaha iyo reerka waxana heerka ugu sareeya kaga jiri jirey marwooyinka loo yaqaan baalida ama basarida
waxa inta badan muranku salka ku hayn jirey dayactirka reerka xoolaha caruurta odayga marti galinta iyo sooryenta culumada waxana sida muujinaya abwaan soomaliyeed oo kor iyo hoosba waxa ugu sheegay gabdhiisa laakiin ay qaadan wayday oo kasiiqaday walaf ilaa ugu danbeyntiinamarkey dhagjalaq usiinwayday soo bandhigay eenta iyo ceebta ay leedahay gabadhiisan uu qabaa waxanuu ahaa ninkii la odhan jirey maxamuud cali beenaale
wuxuuna yidhi
naagyahay wadnaha kuuma gelin waanadii hore ee
weedhaan qalbiga kuugu ridey welefku kaa qaadye
wacdigaan ku faray waadigaan wageree xaalaynee
haddaan wayne kaa qaban asaan waaxidkaa celinnin
walaalinta ubadkaaga waa lagala weecdaaye
kaa waayey wiilkaaga ood sidato waa noole
waayeel cirro leh weedh xunwaa lagala waabtaaye
kaa waayey inaad waalidkey waxu lilleysaaye
wehel culumo kama maarmi anigoo weyne
kaa waayey inaad waysada weli u qaadaaye
dhallinyaro walaashayn haddaan waabka soo geliyo
weylaalistaad ii dhigitiyo waalidiyo gaadha
kaa waayey meel wacan inaad wagac ka siisaaye
xigta weehad laga soo lisiyo weris dhanaankeeda
kaa waayey inaad weel culan wax igu siisaaye
wejigaa la maydhaa kolkay waabberkii tahaye
ma widh widho jidhkaan lagu wadeyn weelka dhaashiga e
kaa waayey weligey inaan waana kuu bogo e
ALLE ha unaxriiste abwaanku si qoto dheer ayuu u waaniyey waxna ugu sheegay qofta dumarka ah in ay dhinac yada uu tabanayo ay sidan udhaanto
Abwaanada soomaaliyeed marna kama gaabin in ay wax u sheegan dumarka una tilmaaman dowga saxda ah ee ay mari lahayd iyo waxa ay kaqaban lahayd
nin aftahan aanan magaciisa haynin ayaa gabadhi guur ka dalabtay waxa uu ku lahaa isaga oo u sheegaya wax uu rabo in samayn lahayd haday noqoto afadiisa wuxuu yidhi sidan se ma ah gabay waxaanka mid ahayd kalmadahan
ninmishiiqsi badan baan ahee maydhasho hadaynin
kol haddaanad iga maarmin idan ha moogaan
tuurey ganbadaadu leedahaye taabo madaxaaga
habeenkii hurdada tiinbo towdhe waaberiga
yuu adhigu kaa kala taginee tiri baraarkaaga
xildhibaan ogow waxaan jeclahay xaraf gobaadeede
xoolana ogoow nimaan lahayn xagashu waa weyde
hase ahaatee arintu waxa xurgufta xalin jirey isla odayga reerka ahna ninka qaba gabadha waloow ay ceeb ahayd oo ay dadku inta badan usan u bixi jirin khilaafku dibada laakin mararka ay xaaladu adkaato ayna lagama marmaan noqoto in dadkale xaliyaan ayaa odayaal loo saari jirey arinta khilaafka waxaynaka koobnaan jireen odayaal ka socda dhanka inanta iyo kuwo kale oo ka socda inanka waxayna goyn jireeen garta oo ay siinjireen qof walba gartiisa hadii intaa ay ku xalismi waydo waxa looga sii gudbijirey go aan ya gaaran xeer beegtidu gu aankuna waxauu ku salaysnaan jirey in ay sii wada joogayaan reerku iyo in ay ku kala tagayaan marwalna waxa laxeerin jirey danaha reerka iyo caruurta
Masayr masayku ama hinaasuhu waa nooc labaad oo ka alkumo khilaafka qoysasku waana ka ugu adag ee ka dhex dhaca lamaanaha masayrku waxa uu dhacaa marka lala guursado gabadh kale taas oo ay ogalayn in lala qabo waxana inta badan lagu xaliyaa inuu ninku iska daayo reerka kale ama uu siiyo xoolo looyaqaan hinaasatir
hadaba waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa tixo gabayo ah oo kahadlaya guu r ka iyo kuwo laguu sheegayo laguuna tilmaamayo gabadha aad guursan lahayd sidoo kale quruxda gabdhaha iyo sida ay u yaqaanaan iyo talooyin guurka kusaabsan
abwaan maxamed fidhin isagoo ka hadlaya wax yaabaha lagu guursado gadadha waxa uu yidhi sidan hoos ku xusan
· Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa

markale abwaan maxamed fidhin waxauu lee yahay waxan kuu dooray gabadhaa taana iska ilaali in ay gasho gurigaaga sababo badan awgeed waxa uu kuu tilmamayaa inaadan waligaa ku noolaaneyn nolol nasasho leh haday gabadhu diin lahayn waxba matarayaan reerka ay ka dhalatay haday geesiyaal yihiin yacni ubadka kuuma barbaariayaan maalna waxbamataraayo hadayna diinlahayn ayaa uu leeyahay abwaanku
Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo

Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
abwaankale oo soomaaliyeed ayaa isna si fiican u tilmaamaya quruxda gadadha soomaaliyeed iyo taad guursan lahayd hadaad guur aad u hawooto sifooyinka quruxda ay u yaqaaneen soomaalidii hore markay qiimaynayaan quruxda gadadha waxana uu ahaa abwaan maxamed nuur fadal
wuxuuna yidhi sidan
dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
Abwaan Axmed Maxamed Cabdalle waxauu isaguna ku farayareystay astaamaha lagadoonayo gabadha la guursanyo iyo ninka guursanaya dhankuu ka eegayo iyo wax yaabuhuu ku xulnaayo waxaanu yidhi sidan hoos ku xusan
Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

Aw yuusuf maxamed xirsi oo lahaa gabayga guur aan kala aado ayaa waxa uu dhaliilay gabdhaha sidan ay tahay astaamahoogu kamidtahay gaabnaan ta iyo midaan xerada xoolaha hagaajin sida basarida iyo gabadh aan soo dhaweyn odayaasha taasoon laga xusin geedka ay isku yimaadaan odayaashu ayna odhan hablaayo uyeedha wax ha inoo qabatee ama wax haynoo karisee hadayna intaa koobsan guur aan ka la aado ayaa uu leeyahay abwaanku
Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
isla dumarkuna kama madhna dhankooga in ay astaameeyaan raga ay doonayaan in ay guursadaan iyo sifooyinka y ku dooran lahaayeen waxa aynu soo qaadan doonaa gabadh abwaanada oo ducaysaneysa allena waydiisanaysa ninka ay robto waloow ay ku sar goysay baahideeda dhanka diinta waana gabadha ahna abwaanada Canab Guuleed Maxamed
waxayna tidhi sidan hoos ku qoran
Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.

DHAMAAD
Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Tirsiga Soomaaliga Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato ...
-
NABSI JACAVL!!! Tani waa sheeko jacayl ah oo aad u xiiso badan waana sheeko mala awaal ah waaxayna ka hadlaysaa jacaylka dhabta in uu ...
-
Agabka aqal soomaaliga Aqal soomaaligu waxa uu ka kooban yahay qaybo farabadan waxana ka mida waxyaabaha lagu dhiso Waxa loo soohaa lo...
Qabyaalad
Qabyaalada Qabyaalada Qabyaaladu waa qasaare, erey qalafsan, quudhsi, dadeed uma qalantid iyo q...
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjlP4ulvbBWVi1cp2Vc0T158rGgnbYrXbM2xKnm7IOympb5jAtr0EgPXzBO1JEEFbvXadwYGSB2-dXkuC5ZYbGuSPofZ25F2sSExYU_eJCPrvl1GlEesX3doT5-MJJSyIqjT4Ep046wv0w/s320/IMG_9637-2.jpg)